BREAKING NEWS.. Howlgal ka soconaya Suuqa Bakaaraha & Qaraxyo halkaasi ka dhacay
| Wararka Naga soo gaaraya Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxay sheegayaa in halkaasi ay haatan ka socoto howlo lagu bur burinayo goobo sharci daro ah oo ku yaala suuqaasi, iyadoo qaraxyo laga maqlay gudaha suuqa.
Sida uu ku soo waramayo wariyehe Mustaf Maxamed Xiireey waxaa gudaha Suuqa Bakaaraha ka soconaya howlo bur burin ah oo ay wadaan maamulka gobolka Banaadir taa oo ay ku bur burinayaan goobaha sharci darada ah ee ku yaala suuqaasi.

Wararku waxay sheegayaan in ilaa labo qarax oo nooca gacanta laga tuuro ay ka dheceen gudaha suuqa gaar ahaan meel ku dhow halka ay bur burintu ka socoto.Qaraxa hore ayaa wariyeheenna Mustaf waxa uu soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen lix ruux oo dhammaantood rayid ah halka qarax labaad aysan cidi wax ku noqon.
Saraakiil ka tirsan nabad sugidda oo aan la hadlay ayaa waxay sheegeen in qarayada laga soo tuuray dabaqyo ku yaala suuqa arrintaasna ay baaritaankeeda wadaan haatan.
Xaaladda suuqa ayaa kacsay Ciidamada dowladda waxa ay wadaan baaritaano dhanka kale waxaa soconaya bur burin lagu sameynayo goobaha sharci darada ah iyadoo mararka qaar suuqa laga maqlayo rasaas.
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
Ayaanle
on May 19, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
Socialize