Shir Looga Hadlay Burcadbadeedda oo London ka Dhacay iyo Wasiirka Dekedaha Puntland oo ka Qayb Galay

 | Wasiirka Dekaddaha, gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Burcadbadeeda ee Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa magaalada London ee dalka Britain uga qaybgalay shir caalami ah oo looga hadlayay arrimaha Burcad badeeda.

Shirka waxaa soo qaban qaabisay Hay’ada caalamka u qaabilsan dhinaca Badda ee loo yaqaano IMO,waxaana kasoo qaybgalay Dowladdo badan oo ka qayb qaadanaaya howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda ee ka socda Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shirka intuu socday ka jeediyey khudbad dheer uu kaga hadlay horumaradii u dambeeyay laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Burcad badeeda oo ay sameyeen Dowlada Puntland.

Khudbadiisa ayuu ku xusay in haba yaraate aan jirin wax fariisimo ay Burcad badeedu ku leeyihin xeebaha Puntland oo laga sifeeyay meelihi ay caan ku ahaayeen sida EYL iyo Garacad.

Siciid Maxamed Raage ayaa intaas ku daray in Dowladda Puntland mar kasta diyaar u tahay in ay fuliso qorshe kasta lagula dagaalamayo kooxahaas isagoo soo dhoweeyay qorshaha dhowaan ay ku dhawaaqeen Midowga Yurub oo ahayd in Burcad badeeda kala dagaalamayaan Berriga ama dhulka.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la qaatay qaar kamid ah masuuliyinta kasoo qaybgashay shirka oo ka kala socday wadamo kala duwan isagoo kala hadlay sidii Puntland looga caawin lahaa la dagaalanka Burcad badeeda.

Masuuliyinta kale ka hadashay kulanka ayaa soo dhoweeyay talaabada Puntland qaaday ay Burcad badeeda kaga sifeysay meelihi ay fariisimaha ku lahaayeen oo ay la imaan jireen maraakiibta iyo gaadiidka kale ay soo afduubtaan.

Shirka wadamada iyo Hay’adaha kale ee isku yimid ayaa sanadkii 2009 ku saxiixay heshiis lagula dagaalamayo Burcad badeeda.

Xafiiska Wararka Puntland

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.