Ugaarsiga Wariyaasha Mudug iyo Aamusnaanta Maamulka Puntland

  | Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxay dhacdaa Baratamaha Soomaaliya waxaa soo gala waadooyin fara badan oo ay adeegsadaan dadka bayc mushtariga ah waxaa ka mida Gobolada ay wadooyinka la wadaagto Gobolada Koonfurta Soomaaliya, Gobolada Waqooyi bari Soomaaliya, Gobolada Waqooyi Galbeed Soomaaliya iyo dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya waxay kulmisaa dhaqamada dhamaan dadka degan Goboladaas.

Gaalkacyo waxay leedahay magacyo badan oo ay can ku tahay Haday noqoto laga soo bilaabo ka xorayntii Gumaystaha wadanka, doorkii ay ka qaadatay Nabada Soomaaliya iyo colaadihii faraha badnaa ee soo maray Magaalada sidoo kale Gaalkacyo waxay ka mid noqotay Magaalooyinka ay ka dhaceen dagaalada Sokeeye horaantii Sagaashameeyadii ee qarnigii tagay, Markii ay meesha ka baxday Dowladii dhexe ee Soomaaliya Gaalkacyo waxay ka mid noqotay Magaalooyinka sida xawliga ah u dhismaya ee Dalka Soomaaliya, Dhismayaal aad kuu cajabiya Adeegyada Bulshada oo dhan walba ka dhamays tiran waan hubaa inay Gaalkacyo ka jirto.

Hormarka Bulsho kasta waxaa qayb wayn ka qaata Saxaafada, sidoo kale burburintan Bulshooyinka waxaa door kaa la mid ah ka qaata Saxaafada, Saxaafada waxaa lagu tiriyaa inay tahay Awooda sadexaad ee awoodaha Dowlada hase yeeshee kaalinta saxaafada Gobolka Mudug waxay noqotay baan oran karaa mid ka mida waxyaabaha ugu mihiimsan ee ka qayb qaatay Horumarinta Bulshada Gobolka Mudug.

Mudooyinka la soo dhaafay waxaa soo badanayay dhalinyarada aad u danaynaya inay bartaan Mihnada saxaafada iyo sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen si hufan.

Tusaale ahaan barnaamijyadii lama ilaawaanka ahaa ee saxaafada Goboka Mudug ay doorka wayn ka qaadatay Bulshada Gobolkuna ay ku dareentay awooda ay Warbaahintu leedahay waxaa ka mid ahaa Barnaamijkii Aay ka talinta Gobolka Mudug ee bartamihii sanadkii 2011 ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, kaasi oo dadka degan Gaalkacyo ay uga dhiidhinayeen Amni darada iyo xasiloonida la,aanta sii kordhaysa ee markaa ka jirtay Magaalada.

Ugaarsigu Warbaahintu Goorma Ayuu Bilowday.

Inkastoo ay jireen mudooyinkii la soo dhaafay isku dhacyo ka dhex dhacay Warbaahinta iyo Maamulka hadana waxaa lagu xalin jiray is fahan iyo is afgarasho sida Xarigii Agaasimihii hore ee Idaacada Gaalkacyo Xasan Maxamed Jaamac iyo kii Maxamed Yaasiin Isxaaq, hase yeeshee weerarkii ugu horeeyay ee si toos ah loogu bartilmaansado Warbaahinta Gobolka Mudug waxay ahayd 15 January 2010 ka dib markii Bam lagu tuuray Idaacada Gaalkacyo oo ah Idaacad Bulshadu leedahay, qaraxaas oo ahaa mid aad u wayn lagana dareemay gudaha Magaalada Gaalkacyo ayaysan cidna wax ku noqon hase yeeshee wuxuu burbur soo gaarsiiyay qaybo ka mida dhismaha Idaacada, sidoo kale waxaa isla habaynkaas weerar Bam loo gaystay Idaacada Codka Mudug oo ka hawl gasha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo weerarkaas oo ay ku dhaawacmay mid ka mida hawl wadeenadii Idaacada.

Wareerkii labaad ayaa ahaa Dilkii 31 August 2010 xili habaynimo ah loo gaystay Alaha u naxariistee Wariye Cabdulaahi Cumar Geeddi oo ka tirsanaa shaqaalaha Idaacada Daljir.

26 August 2011 Waxaa Bam lagu weeraray Idaacada Daljir Xarunteeda Magaalada Gaalkacyo weerarkaas waxaa ku dhaawacmay mid ka mida ilaaladii idaacada sidoo kale waxaa bur bur xoogan uu soo gaaray dismaha Idaacada iyo qaybo ka mida qalabkii yaalay Idaacada.

14 Sep 2011 xili fiid ah waxaa la weeraray dhaawac culusna loo gaystay Wariye Xoriyo Cabdulqaadir Shiikh Cali oo ka tirsanayd Bahda Idaacada Gaalkacyo iyadoo ka soo baxday shaqadii Idaacada kuna sii jeeda hoygeeda ay ka daganayd Magaalada Gaalkacyo, dhaawaca Xoriyo ayaa in muddo ahba lagu dabiibayay Magaalada Gaalkacyo inkastoo markii danbe ay ka kacday dhaawacaas, waxaana xusid mudan in ay ku dheceen Afar xabadood oo ka haleelay Caloosha iyo sambabada.

18 October 2011 xil fiidnimo ah waxaa mar kale Bam gacmeed lagu tuuray Dhismaha xarunta Idaacada Gaalkacyo iyadoo waliba Idaacadu ay hawada ku jirto inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaas.

04 Janaury 2012 waxaa dhaawac loo gaystay Wariye Siciid Muuse Daahir oo isna ka tirsanaa Bahda Warbaahinta Gaalkacyo, inkastoo weerarkiisa ay gaysteen Kooxo Burcad badeed ah oo ka carootay fariin wacyi galin ah oo dhalinyarada looga digayo khatarta Burcad badeeda.

04 March 2012 Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Alaha u naxariistee Wariye Cali Axmed Cabdi oo ka tirsanaa Idaacada Gaalkacyo, Wariye Cali ayaa la dilay xili uu u socday gurigiisa oo ka ag dhawaa goobta lagu dilay, wuxuuna dilkiisu Warbaahinta ku noqday nabar aad u xoog badan oo ay dhamaantood si dhab ah u wada dareemeen.

02 May 2012 Waxaa Gudaha Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Alaha u naxariistee Wariye Farxaan Jeemis Cabdulle oo ka tirsanaa Idaacada Daljir kana mid ahaa shaqaaleheeda ugu fir fircoon, dilka Farxaan ayaa ka dhacay meel u dhaw gurigiisa waxaana la dilay xili uu ka soo baxay shaqada una socday gurigiisa.

Hadaba Goorma ayay Warbaahintu Baraarugtay

Inkastoo Magaalada Gaalkacyo Afartii Sanno ee la soo dhaafay lagu dilay Dad badan oo Magac iyo sumcadba ku dhex lahaa Bulshada Gobolka hadana Bahda Warbaahintu ma ilowsanayn inay noqon karaan bal tilmaadeed muuqda hase yeeshe ma muuqan u diyaar garow dhab ah ee xaalada soo socota waqtitada dhaw, Xiliga si dhabta ah ay Warbaahintu Mudug u baraarugtay ayaa ahayd ka dib markii xili fiidnimo ah la weeraray Xoriyo Abdulqaadir oo ahayd gabar da,yar kana mid ahayd Wariyaasha, dhaawaca xoriyo ka dib Warbaahintu waxay qaadatay kulan ay isugu yimaadeen inta badan suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada oo ay ka mid yihiin Wariyaasha ugu caansan Magaalada, Kulankaas oo dhacay Galabnimadii 16 Sep ayaa waxaa ka soo baxay go,aamo wax tar ah oo hadii la fulin lahaa uu imaan lahaa Isbadel dhab ah, waxaana kulankaas la iskula qaatay in Amaanka Wariyaasha wax laga badalo lana sameeyo Gudiyo dhawr ah oo ka shaqeeya sidii looga gudbi lahaa xaalada hadda taagan waxaana lagu balamay in dhawr maalmood ka dib la isku soo laabto, hase yeeshee ma jirto cid dib isugu soo laabatay mana jirin cid wax ka soo qaaday khatarta soo fool leh.

Maxay tahay Sababta loo ugaarsano Wariyaasha Yaase Dilaya?

Sida aan wada ognahay Wariyaashu maaha dad hubaysan, Hubka kaliya ee ay adeegsadaana uu yahay sheegida xaqiiqda markaas jirta, Waxaa la sheego Dilka Wariyaashu inuusan taariikh fog ku lahay Deegaanada Puntland walow Koonfurta Soomaaliya lagu dilay Wariyaal fara badan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniba, Wariyaasha ugu badan ee lagu dilay Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay dhinteen wixii ka danbeeyay soo bixitaankii Maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab, Siyaasad ahaan Kooxda Alshabaab ma jecla Warbaahinta waxaana xusid mudan in Kooxda Alshabaab ay si bareer ah u dishay Wariyaal ka hawl gali jiray Muqdisho oo ay waliba iyadu ku casuntay inay u yimaadaan, sidoo kale waxaa wariyaal lagu dilay Goobo ay Maamusho Alshabaab.

Wariyaasha Gobolka Mudug waxay ay qaarkood ka qayb qaataan Horumarinta Gobolka iyo sidii loo heli lahaa Amaan dadku ku naaloodaan waxay sameeyaan Barnaamijyo looga hadlayo Nabada, Fariimo gaagaab oo lagu dhiiri galinayo Bulshada.

Wariyaashu inta ay shaqadooda ku guda jiraan waxa ay la kulmaan Fariimo lagu amrayo inay joojiyaan shaqada ay hayaan waxaana lagu cabsi galiyaa hadii ay joojin waayaan in la dili doono waxaana fariimahaas laga soo diraa Massage ama E-mail inta badana waxaa loo adeegsadaa wicitaano caadi ah waxaana loo sheegaa in Fariintaas dhaarta ah ay uga imaanayso Alshabaab.

Dilka Saxafiyiinta waxay la wadaagaan falalka kale ee lagu khaarijinayo waxgaradka Gobolka taasi oo looga gol leeyahay in la xaqiijiyo in Magaaladu aysan ahayn Amaan, Dadka Magaalada ku noolna laga dhigo Qaar la dilo, qaar la barakiciyo oo isaga taga Magaalada iyo qaar kale oo ah ka hadli karin xaqiiqda jirta.

Cabdinaasir Cali Ibraahim oo ka mida Wariyaasha Mudug wuxuu qabaa in sababta lagu ugaarsanayo Wariyaasha ay tahay Mihnadooda saxafinimo iyo waliba hawlaha ay Bulshada u hayaan ee ka hadalka wax ka qabashada dhanka amaanka iyo baarujinta Bulshada.

Fikir kaas aan waxba ka duwanayn waxaa qabta Xoriyo Cabdulqaadir waxayna leedahay dilka Wariyaasha waxaa gaysanaya Kooxda Alshabaab oo siyaasad ahaan aan ogolayn sheegida wararka xaqiiqda ah waxay ii sheegtay in Dilka, Dhaawaca, Hanjabaada iyo caga juglayntu ay niyad jab ku tahay Wariyaasha, waxay kaloo xoriyo ii sheegtay in Dilka Wariyaasha ay sahlayaan iyaga oo ah dad aan isku xirnayn sidoo kale aan wadaagayn xaaladaha dhanka Amaanka ah ee markaas jira qof walbana wixii la soo gudboonaada ay isaga kali ku tahay.

Inta badan marka dilalku dhacaan waxaa jirta in looga faa,iidaysto beelaha dariska ah ee sida Nabada ah ku wada nool in la iska hor keeno uuna dhaco Dagaal uu dhiig ku daato taasi oo ah siyaasad u dagan Kooxda Alshabaab, iyagoo dad xumo sheeg ah ay sheegaan in dilalka dhacaya ay ka danbeeyaan Aanooyin qabiil.

Habaynimadii 06 March 2012 ayaa Idaacad ku hadasha Afka Kooxda Alshabaab oo ku taala Koonfurta Soomaaliya lana yiraahdi Andalus waxay sheegtay in Kooxda Alshabaab ay ka danbaysay dilkii Wariye Cali Axmed oo lagu dilay Gaalkacyo waxay Idaacadu intaas ku dartay in dilkiisu uu qayb ka yahay Dilal qorshaysan oo ay Kooxdu ka wado Deegaanada Puntlad.

Wixii ka danbeeyay Dilkii Alaha u naxariistee Wariye Cali Axmed Cabdi waxaa sii badanaya Wariyaasha isaga tagaya Magaalada Gaalkacyo iyagoo beegsanaya meelo ay u arkaan inay Amaan dhaanto Magaalada Gaalkacyo taasi oo niyad jab ku ah Wariyaasha kale ee ka shaqaynaya xaalada adag ee hadda jirta.

Maamulka Puntland

Inkastoo Maamulka Puntland uu gabi ahaanba ku fashilmay wax ka qabashada Amaanka Magaalada Gaalkacyo hadana ilaa iyo hadda wax wara kama uusan soo saarin Dilalkii is xigay iyo weeraradii aan kala go,a lahayn ee lagu qaaday Warbaahinta Gobolka Mudug, sidoo kale dhanka Dowlada Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug Maamulkiisa Warbaahintu kama aysan helin wax tacsiyayn ah ama ka soo qayb gal Aas marka laga hadlo dhacdooyinkii is xig xigay ee lagu qaaday Warbaahinta, mana jiro cid ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmadaba ilaa Dowlada dhexe cid u soo tacsiyaysay Wariyaasha kalana soo qayb gashay Aaskii Wariyaashii dhintay la soo sheego ma jirto cid wax ka qabanaysa ama baaritaan ku samaynaysa taasina waxay daliil u tahay dayaca baahsan ee ka jira Danbi baarista Gobolka.

Sidoo kale ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo qabtay ama cid isu hawshay ka daba taga ama baarida cidii gaysatay dilkii Wariyaasha, hadiise cid la soo qabto ama cid la tuhunsan yahay.

Maamulka Gobolka Mudug ee uu hormuudka ka yahay Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay kal hore waxay saaxiib dhaw ahaayeen Warbaahinta Gobolka Mudug oo ay ka mid ahayd Saxaafadu dadkii isaga soo saaray lana shaqeeyay, hadana waxaa muuqata in Maanta oo ay Wariyaasha Gobolka Mudug yihiin gacan ku gabad inaysan ka helin Hiilkii ay ka sugayeen ama guditaanka Abaakii ay iyagu u galeen.

Mudug ma lahan Urur warbaahineed oo xoog leh iskuna xira Wariyaasha lana xisaabtama Maamulka kuna khasbi kara waxa xaquuqda loogu leeyahay iyo waxa ay Wariyaashu xaqa u leeyihiin, Waxayna arintu noqotay “Cidna uma maqna Ceelna uma qodna”, Waxaana xaqiiqa ah Saxafigii dhinta inuu ka dhimanayo Qoyskiisa oo kaliya ayna iyagu tabayaan.

Wariyaasha Mudug Maxaa la Gudboon

Wariyaasha Mudug waxaa la gudboon inay ka tashtaan Aayahooda yeeshaana kulan Deg Deg ah oo ay ku qaadanayaan Go,aan kama danbays ah iyo sidii ay gudbi lahaayeen marxalada hadda taagan iyagoo qaadanaya siyaasad ah sidii ay ku badbaadi lahaayeen ugana guulaysan lahaayeen Dadka isku dayaya inay caburiyaan ka hadalka xaqiiqda jirta, Xikmad hore ayaa dhahaysa “Ragg wuxuu ku heshiiyo ma xuma aan baqanaba ha ahaatee”.

W/Q. Wariye Siciid Muuse Daahir
E-mail. Smgaban2000@gmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 19, 2012. Filed under Faalooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login