Booliska Gaalkacyo oo Gacanta Kusoo Dhigay Khamri Farabadan

 | Kadib markii maal mahii lasoo dhaafay ay magaalada Gaalkacyo hawlgallo ka sameeyeen Ciidamada amniga ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen khamri aad u farabadan.

Hawlgaladan oo maalmihii ugu dambeeyay si joogta ah uga socday qaybaha kala duwan ee gobolka Mudug gaar ahaana degmada Gaalkacyo ayaa Ciidamadu waxay kus oo qabteen kudhawaad 500 oo dhalo oo khamri ah.

Inkastoo aysan noo suurtagalin in saraakiisha Ciidamadu ay noo xaqiijiyaan in khamridan lala soo qabtay dadkii watay ama Isticmaalayay hadana waxaanu warbixintan ku helnay in la filayo maalinta bari ah khamridani in Maxkamadu ay xukunto si loo burburiyo.

Waxaa la filayaa in Saxaafada gobolka Mudug oo Xafiiska warbaahinta Puntlandi uu ka mid yahay ay ka qaybgalaan maalinta bari ah hadii uu alle idmo Isku imaadka Khamridaasi faraha badan lagu burburinayo oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaan doonaan Masuuliyiinta deegaanka iyo saraakiisha Ciidamada dawlada.

Hawlgaladan oo maalmahan si joogta ah uga socday qaybaha kala duwan ee magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa qayb ka ah qorshayaal dib loogu soo celinayo Amnigii deegaanka iyo guud ahaan anshaxa suuban ee ku salaysnaa diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Puntland

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login