| Chelsea oo Hanatay Champions League 2011-2012,ka dib Markii ay Bayer Munich 4-3 Rigoorayaal ah Tuntay…..
Xalay waxaa La ciyaaray Kulankii Finalka Koobka Championka 2011-2012 waxaana Ciyaartiisa Kama dambeysta Fooda isku Daray Bayer Munich oo Ka socotay Jarmalak iyo Chelsea oo ka socotay Ingiriiksa,Iyadoo Ciyaartaani lagu Ciyaarayay Garoonka Ellians Arena ee Naadiga Bayer MUnich.
Ciyaartaan oo aheyd Mid aad loow ada sugayay aynan ka sooq eybgaleen Taageerayaaal gaarayaym 66.000 oo Daawade ayaa waxa ay aheyd mid intii ciyartu socotay ay Gacanta Sare laheyd Kooxdii Martida loo ahaa ee B. Munich oo dhowr jeer Hujuum Fara badan la tiigsday Goolka Chelsea.
Daqiiqadii 7 Robben ayaa Qasaariyay Fursad, Daqiqiadii 12 Gomiz ayaa Madaxac qatar ku Galiyay Goolka Chelsea, Daqiiqadii 18 Difaaca Chelsea oo ku qal qalay Kubad Goolka agtiisa mareysay waxaa Cunay Gomiz.
Daqiiqadii Goolahayaha Chelsea ayaa Fursad wanaagsan Ka Badbaadiyay 10 Robben,daqiiqadii 35 Muler ayaa sigay Goolka Chelsea,Daqiiqadii 37 Kaluoe ayaa qasaariyay Fursad uu ka helay Meel u dhow Goolka Bayer Munich,Daqiiqadii 42 Gomiz ayaa Cirka Ku Tolay Kubad loo soo dhigay waxaana qeybtii Hore Lagu kala nastay 0-0.
qeybtii Labaad Markii la siagu soo laabtay Koxda Bayer MUnich waxa ay halkeeda ka waday Weerarada ay lka beegsanayeen Goolka Chelsea,Daqiiqadii 45 Luwis ayaa Kubada ka bixiyay Weerarka Baye rmUnich,Daqiiqadii 50 Drogba ayaa ku Xaday laad Kulul Goolka Bayer Munich.
Daqiqiadii 53 Riberry ayaa Gool Off site ah laga diiday,daqiiqadii 59 Ashle Cole ayaa Badbaadiyay Fursad uu helay Robben. Daqiiqadii 71 Robben ayaa sigay Goolka,Daqiiqadii 72 Drogba ayaa Qasaariyay Gudub loo soo dhigay,Daqiiqadii 75 Riberry ayaa sigay, Daqiiqadii 83 Muler ayaa Gool Qurux Badan oo madaxa ah ka dhaliyay Chelsea waxaana uu Ciyaartii ka dhigay 1-0 ay ku Horeyso Bayer Munich.
Daqiiqadii 88 Goolka 25 Muler waxaa ka jawaabay 11 Drogba oo Karoos uu soo laaday 10 Matta si wacan shabaqa u dhex dhigay, waxaana Waqtigii Loogu Tala galay Ciyaarta ay ku dhamaatay 1-1 Barbardhac ah.
30 Daqiiqo ee dheeraadka ahaa Markii lagu Daray Daqiqiadii 5 waxa aay heleen Rigoore Kooxda Bayer MUnich markii la legday 7 Riberry waxaana Rigoorahaasi laga Duubay 10 Robben,waxaanqa Ciyaartii ay ku soo gaba gabowday 1-1 waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray.
sida sharcigu Tilmaamayo Maadam Ciyaartu ay aheyd Final waxaa 2 Kooxood lagu kala saaray RigoorayaalTaasoo ay ugu dambeyntii Chelsea ku badisay 4-3 isla markaana markii Ugu horeysay oo ay ku guuleysato ay Noqotay iyadoo Xalay siw eyn looga Dabaal degay London,Halka Munich laga Murugeysnaa..
Kooxda Chelsea 4 ka mida Rigoorayaashii ay laateen waxaa u dhaliyay 4 Luwis,8 Lambard,3 Ashle Cole, 11 Drogba,waxaa ka qasaariyay 10 Matta.
kooxda Bayer Munich 5tii Rigoore ee ay Laateen waxaa ay dhaliyeen 3 ka mida Waxaana u dhaliyay 21 Lahm, 33 Gomiz, 1 Goolhaye Manuel Neuer waxaa ka cunay 11 Olic iyo 31 Schweinsteiger.
Chelsea waa markii Ugu horeysay oo ay Koobkaan Qaadaan,ka sakow farxadaa hanashada Koobkii 20 tan iyo Markii Koobkaan Loo Bixiyay Magaca Champions League,hadana Naadiga Chelsea waxa uu Ku Faraxsan Yahay inuu Kaalinta 4 ugu soo Baxo Champions League soo socda ee 2012-2013 isagoo Kaalintaasi ka eryaday Kooxda Totenham oo KMG ahaan u sii Haysay ka hor Kulankii Xalay.
Waxaa Dhinaca Gooldhalinta Champions League 2011-2012 Ku qaaday 14 Gool Messi oo u ciyaara Barcelona,Gomiz oo baye rmUnich ah waxa uu Galay Kaalinta 2 isagoo dhaliyay 12 Gool.Kaalinta 3 waxaa ku hakaday Ronaldo oo u safta Kooxda Real Madrid oo dhaliyay 10 Gool.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
Uurdoox 2011@hotmail.com
![]() |
You must be logged in to post a comment Login