| Dagaalkaani u dhaxeeyay ciidamada ka wada tirsan Maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Buundo weyne ee magaaladaasi, waxaana uu bilowday kadib markii ciidamada ay ku murmeen lacago canshuur ah.
Wariyaasha gobolkaasi ayaa soo sheegaya in isku dhaca labada dhinac oo mudo socday ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo haween ah oo ay haleeshay rasaasta ay isweedaarsanayeen ciidamada.
Iyadoo xaaladda ay sidaasi tahay ayaa waxaa soo kala dhexgalay ciidamada Saraakiil ka tirsan dowladda KMG iyo ciidamada Ethiopia kuwaasi oo xiray 10 ka mid ah ciidamadii dagaalamay.
Maamulka gobolka Hiiraan wali war rasmi ah kama uusan soo saarin dagaalkaani hase ahaatee Maamulka Hiiraan ayaa lagu eedeeyaa in uusan wax badan ka qaban amaanka magaaladaasi.
Share on Facebook
![]() |
Socialize