Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa kulana muhiim ahna la qaatay beesha caalamka

  | Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Addis Ababa, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isla maanta kulamo muhiim ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Mr Alexander Rhondos, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Ambassador James Swan, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mr Peter De Clercq iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u tagey Addis Ababa si uu uga qeyb galo kulanka ay yeelanayaan Saxiixayaasha Roadmap-ka oo beesha caalamkuna ay goob joogayaal ka ahaan doonaan kulankaas. Kulankan ayaa la filayaa in Madaxda Soomaalida ay go’aanno muhiim ah ku gaaraan oo ku wajahan sidii loo dhameystiri lahaa Xilliga Kala Guurka ah. Bacdamaa lagu jiro dhameystirkii Xilliga Kala Guurka ah ayaa la filayaa in dhowaan Ergeda Ansixinta Dastuurka ay ku kulmaan Muqdisho si ay uga doodaan Qabyo Qoraalka Dastuurka oo ay u ansixiyaan si KMG ah inta laga qabanayo Afti Dadweyne, iyo in Madax Dhaqameedka ay soo xulaan xubnihii Baarlamaanka cusub si August loo helo Dastuurk KMG ah oo Dowladda Rasmiga oo taamka ah ay ku dhaqanto, Baarlamaan tayo leh oo dalka ka saari kara marxaladdan adag iyo Dowlad Rasmi ah oo tayo leh.
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa u sheegay mas’uuliyiintii uu  la kulmay sida ay uga go’antahay in la soo af-jaro Xilliga Kala Guurka ah oo la helo baarlamaan kooban oo tayo leh iyo dowlad Rasmi ah oo shacabka u istaaga, kalsooni fiicanna ka heysta shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa lagu wadaa inuu kulamo gooni gooni ah la qaato Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Melez Zenawi iyo mas’uuliyiin kale ee ka tirsan beesha caalamka gaar ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK oo haatan ku sugan Addis Ababa iyo Safiirka UK ee Soomaaliya.
—————————————————————————————————————————–
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) | Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia & Spokesperson of the Government
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa kulana muhiim ahna la qaatay beesha caalamka

  1. ra;isulwasaare cabdiweli waa shaqsi aan dhihi karo waa daacad waana shaqsiyad fiican yahay sababtoo ah waxaan ka dhex arkayaa AUN AADAN CADE IYO C/RASHIID CALI SHARMAARKE QAABABKII AY WAX U MAAMULI JIREEN DEGENAAN DHAWRSANAAN AFGAABNI IYO URURSANAAN waa sifooyinka lagu garan karo masuulka wadaniga ah dadkiisa iyo dalkiisa u daacad ah.
    xaqa iyo baadilka waxaa guuleysta xaqa isagaana guusha leh ilaahay idinkiis