Siilaanyo: Dadka Odayaasha Sheeganaaya ee ka Qayblay Shirka Xamar Waa Danbiileyaal Qaran

 | Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa dad khayaanay dalkooda oo aan laga hari doonin ku tilmaamay Odayaasha dhaqanka ee ka qayb galay shirka Muqdisho kuwooda Somaliland u metelaaya shirkaasi.

Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey xuska 18-ka May oo ay u aqoonsan yihin maalintii ay ka goosteen Soomaaliya, ayuu sheegay in madax banaanidooda wax ka bedeli karin Suldaan ama Siyaasi meel tegay.

Waxaa uu ku sifeeyay dadka ka qaybgalaaya shirka Odeyaasha in ay yihin dambiileyaal qaran isagoo u arkay mid ak dhan ah qaranimada Somaliland.

‘’Madax-banaanida Somaliland waxba kama bedeli karaan Siyaasi, Suldaan iyo shakhsi meel tegay, waa qadiyad umadeed mana jirto cid loo igmaday oo aan ahayn Golayaasha Qaranku. Waana dembiile Qaran qof kasta oo ka qayb-gala shir ka dhan ah qaranimada Somaliland’’,ayuu sheegay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa intaa ku daray in aqoonsiga ay raadinayaan ayna Beesha Caalamka u cadeynayaan marnaba aan ka laabanaynin go’aankooda ay meel gooni uga istaagaayan Soomaaliya.

‘’Ha dheeraato ama ha dhawaato waxaan doonayaa in aan mar kale ku celiyo oo aan Bulshada caalamka u caddeeyo in aanay Somaliland marnaba ka noqonaynin go’aankeeda, oo ay ku qanacsan tahay jiritaankeeda iyo Qaran-nimadeeda iyo in aanay Somaliland ka daalayn xaqiijinta madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waanu u sabraynaa wakhti kasta oo ay nagu qaadato iyo qiimo kasta oo nagu tagto, waxaanan ku kalsoonahay in ay maruun ka mid noqondoonto dawladaha dunida ee la aqoonsan yahay’’,ayuu yiri.

Hadalka Siilaanyo ayaa kusoo beegmay xilli maamulka Somaliland la filaayo in wada hadal la yeesho Dowladda Federaalka,wada hadalkaas oo ku saabsan in ay Somaliland iska saarto fikirka ku aadan in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya oo ay dadkooda dhinac kasoo raacaan.

Xafiiska Wararka Somaliland

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.