Warsaxaafadeed – Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo u ambabaxay Adis Ababa.

  | Muqdisho, Axad, 20, May,  2012 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaraha horkacayay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku saleysan in Magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay kaga qeyb galayaan Shir ay isugu imaanayaan Saxiixayaashii Roadmap-ka oo lagaga hadlayo dhameystirka Barnaamijka Kumeel Gaarka.

DHAGEYSO


Ra’isul Wasaare Cabdiweli Gaas iyo Safarkiisa Addis Ababa

“Socdaalkeena Waxa uu ku saabsan yahay shir aan kaga qeyb galeeno magaalada Adis Ababa Saxiixayaashii Roadmap-ka, Waxaana ku kulmeenaa Soomaalida iyo Bulshada Caalamka”.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa sheegay in Shirka Adis Ababa ee dalka Ethiopia ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda ee QM u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS islamarkaana lagaga arrinsanayo sidii loo dhameystiri lahaa Barnaamijkii Roadmap-ka ayna tahay in la isku yimaado oo laga arrinsado hor u sii socodsiinta howlihii Roadmap-ka waxii hormar laga sameeyayna laga wada hadlo wixii dhiman sidii loo dhameystiri lahaa.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu isna ka soo qeybgeli doono shirka maadaama uu ka mid ahaa Saxiixayaashii Roadmap-ka Iyadoona ay Maamuladda Galmudug iyo Puntland ka soo qeyb galayaan.

-DHAMAAD -

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication Director, office of the PM
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login