| Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo wacyi galineysa dhammaan ummadda Soomaaliyeed – SOOMAALAAY BADBAADIYA DADKIINNA IYO DALKIINNA LA KALA QAYBSADAY AX YAA WADDANII, YAA SOOMAALI AHEEY, AX YAA WADDANII
Soomaalaay kaca oo isu taaga Diintiinna, Dadkiinna iyo Dalkiinnaba, waxaan idiin sheegayaa iney illinta iga socoto anigoo qoraalkan idiin soo qoraaya, waayo xaaladda waddankeenna xalaasha ah uu ku jiro ama uu maraayo ama uu ku suganyahayba ayaa ah marxalad aad u adag oo khatarteedana leh, haddaba walaalayaal dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meelkastaba ay kala joogaanba, ee wada jecel nabadda, jecelna iney bad-baadiyaan Diintooda, Dadkooda iyo Dalkoodaba, waxaan idiin soo wada jeedinayaa inaad u wada istaagtaan difaaca Dalkiinna Hooyo, Diintiinna, Aqoontiinna, Geesinnimadiinna, Xornimadiinna, Qarannimadiinna, Sharaftiinna, Dadnimadiinna, Kartidiinna, Haybaddiinna, Midnimadiinna, Caddaaladdiinna, Sinnaantiinna iyo Waddaninnimadiinnaba. Soomaalaay ma waxaad noqoteen la mood, noqonse wayday, mise halgankii (S.Y.L.) ayaad ka dhigteen, hal bacaad lagu lisay!.
Ax Yaa Waddanii, Yaa Soomaali Aheey, Ax Yaa Waddanii Soomaalaay waxaynu noqonnay dad lagu wada guray ama la isugu wada geeyay hal Doon dhexdeed ama hal Markab, haddaba Doonnidii ama Markabkii Kabtanka waday, ayaa jiha aysan Soomaalidu garaneyn u jihaystay, Soomaalidiina waxay ku mashquulsanyihiin, war iga durug, anaa kursigaan lehe oo iiga kac, ayagoo Doontii ama Markabkii dhexdiisa isku wada haysta oo aysan ogeyn meel loo wato iyo waxa lala damacsanyahayba, waa ayaan darro ku habsatay Dadkeennii Soomaaliyeed, waa wax laga murugoodo oo laga xumaado lagana tiiraanyoodo. Aaway Aqoonyahannadii Soomaaliyeed, aaway Wax garadkii Soomaaliyeed, aaway Hooyooyinkii Soomaaliyeed ee waxgaradka ahaa ee kartidana lahaa, aaway Dhallinyaradii hormoodka ahaa ee Soomaaliyeed, aaway Odayaashii Caaqillada ahaa, aaway shacabkeennii qiimaha lahaa, oo aaway shucuurtoodii lagu yaqiinnay.
Ax Yaa Waddanii, Yaa Soomaali aheey, Ax Yaa Waddanii
Soomaalaay, maxaa garashadii, taxaddarki iyo feejignaantiiba idiin diiday ama idinka qaadayba, maxaad isu garowsan la’ dihiin, maxaad u isticmaali la’ dihiin caqligii Allaah s.w.t. idin siiyay, maxaad ugu naxariisan la’ dihiin qulubtii Allaah s.w.t. idin siiyay inaad ugu naxariisataan dadka idinka mudan naxariista. Soomaalaay, kaca oo u kaca, kana dhiidhiya gumeysiga maldahan ee foosha xun uu ku jiro Waddankeenna Hooyo, war ogaada Soomaalaay, waxaad dib u xusuusataan inaan dheel-dheel ama si fudud lagu keenin xornimadii ay soo hooyiyeen Halyeeyadii Soomaaliyeed oo ay hoggaanka u hayeen (13) kii Halyey ee (S.Y.L.), ee uu u daatay dhiig farabbadan oo laguna waayay Halyeeyo farabbadan, sidaa ayaa lagu helay Xornimada Waddankeenna.
Ax Yaa Waddanii, Yaa Soomaali Aheey, Ax Yaa Waddanii.
Si kastab ha ahaatee Soomaalaay, Bur-burkii Qarannimadeennii kaddib, ayuu ku sii socdaa 21 sannadood iyo badh intii aannu ku jirnay fawdada, ama dhiigga walaalaha’ ah ee macnadarrada u daadanayey, haddaba waxaa dhacday inuu Waddankeennu soo maray ama uu yeeshay 5 Dawladood oo ku meelgaar wada ah. Soomaalaay, waxay ahayd mid naloogu talaggalay si aannaan u horumarin ama looga gudbin marxaladaha uu ku suganyahay Waddanka, waxayna noo ahayd jab iyo guuldarro wayn naloo geystay, waayo waxaa laga lahaa dano gaar ah, oo ay Soomaalidu badanaa wada fahamsaneyn.
Ax Yaa Waddanii, Yaa Soomaali Aheey, Ax Yaa Waddanii.
Soomaalaay waxaan idinka codsanayaa inaad ogaataan ama’ aad fahamtaan macnaha erayadan aan hoos idiinku soo sheegi doono, oo aad baartaanna ulajeeddada dabataal, si fiicanna u fahamtaan:
1- Shirarka dib u heshiisiineed.
2- Ku meel gaarka.
3- Ergay cusub.
Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: ( Hashu maankeyga gaddaye, ma masaarbey liqday). Haddaba Soomaalaay, waxaannu hadda galnay marxaladda kala guurka ah, waana midda dantu inoogu jirto inaan ka gudubno ku meel gaarka haddaannu Soo maali nahay, ee dani uguma jirto kuwa nagu daneysanaya ama faraggalinta nagu haya, ee danahooda ka talinaaya si ay ugu adeegtaan kuwa maangaabka ah ee hadba sidey rabaan ka yeelaan. Soomaalaay, taasoo ahayd inaad iska kaashataan oo aad wax ka baddashaan sidii looga gudbi lahaa waqtigaa innaga lumay, hadda iyo dan, ruux walboo Soomaali ah Rag iyo Dumarba leh, waxaa waajib ku ah difaaca Diintooda, Dadkooda iyo Dalkoodaba, aysanna ka gaabsanin ama codkooda kor u qaadaan si ay u soo ceshadaan Qarannimadoodii iyo Sharaftii uu Waddanku lahaa, iyagoon cidina uga aabba yeeleynin.
Ax Yaa Waddanii, Yaa Soomaali Aheey, Ax Yaa Waddanii.
Soomaalaay, waxaad ogaataan ama maanka ku haysaan markastaba, ineynu leennahay Waddan qaaliya, oo Baddiisa iyo Barrigiisaba Hodan yahay, Xeebta ugu ballaadhan Qaaradda Afrikana leh, sidaa darteed ayaa naloogu quudhi la’ yahay, annagoo Ummad isku Diin, isku luqad, isku dhaqanna ah inaannu yeelanno Waddan sidaas ah.
Soomaalaay, waxaa kale oo aad ogaataan, si aad ahna uga taxaddartaan ama uga fiirsataan qodobbada qaarkood oo ku dhex jira Dastuurka Qabyo Qoraalka ah, kuwaasoo aad iyo aad xasaasi u ah, khuseyninna Ummadda Soomaaliyeed, oo ay iska caddahay Dawladaha danaha gaarka ah ka leh Waddankeenna Hooyo iney qodobbadaa ku soo darsadeen, haddaba waxay u taallaa dadka ansixin doona ayagoon ka fiirsan, ama ka saarin qodobbadaa aannaan sinjiga u lahayn iney sanka nagaga tolaan, ogaadana naf waliba waxay geysato oo shar iyo khayrba leh, in laga abaal marin doono.
Fiiro Gaar ah:
Bal eega Qodobka 22 aad, ee ka hadlaya xorriyadda Diinta iyo Caqiiddada. Iyo Cutubka 16 aad, qayb ka mid ah waxa uu odhanaayo bal dib u eega.
Ax Yaa Waddanii, Yaa Soomaali Aheey, Ax Yaa Waddanii.
Wa Billaahi Tawfiiq
________________________________________________________________
aslicalansida@hotmail.com ama aslicalansida@yahoo.com
Ma Nabadsugid baa mise xoola jir?
Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya!! Qaybtii 3...
Ugaarsiga Wariyaasha Mudug iyo Aamusnaanta Maamulk...
Maddax wada waalan & Shacab wada wareersan!!! ...
Beri ma Fashilaad mise Final?
Saxiixayaasha Roadmapka iyo rabitaankooda sirgaxan...
Somali Women Thrown in Shark-Filled Waters
Tiro yar mise tub toosan?!
Waayaha cusub iyo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliy...
IGAD's Shocking MOU
Aqoon yahan Aragti ka arradan!
Muqdisho Xagee u Socataa??
![]() |
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |

walaal dastuur maahan kaasiye ha layska tuuro.