Maxaa ka jira in DKMG ay waqtiga kororsaneyso (Warbixin)

  | Mar waliba oo khilaaf uu soo kala dhexgalo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in xalkooda ay u raadiyaan dalka dibadiisa waa mid ka mid ah astaamaha muujinaya fashilka Siyaasiyiinta la dagay marka dhinac kale laga eegagana waa horumar in hada wax is haysta aysan ahayn dowladda KMG lakiin waxa uu khilaafka u dhaxeeyo waa saxiixayaasha Roadmap-ka oo dhinacba deegaano uu ku gorgortamo uu maamulo.

Khilaafka hada jira ayaa soo ifbaxay kadib markii Madaxweynaha Puntland uu ka cawday qodobo ka mid ah dastuurka dowladana ay ugu jawaabtay in aan loo hakin doonin taasina waxa ay gogal xaar u noqotay in Puntland ay la baxdo Ergadii kaga qeyb galaysay Shirka Odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho, waxaa kale oo muuqda in khilaafka uu intaasi ka baaxad weynyahay oo dhinac waliba uu si gooni ah wax u tabanayo.

Madaxweynaha Galmudug Max’ed Axmed Caalin ayaa warbaahinta u xaqiijiyay  in kala shaki baahsan uu xiligaani ka dhexjiro Saxiixayaasha Roadmap-ka.

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa iyana waxa ay dhinaceeda tilmaamtay in lagu gacan bidixeeyay dhamaan Shirarkii dhacay oo uu ka mid yahay Shirka Hogaamiyaasha dhaqanka oo Muqdisho ka socda booskoodana lagu buuxiyay shaqsiyaad xiriir la leh dowladda sidaasi awgeedna waxii kasoo baxa Shirka Addis Ababa waxa ay sheegtay Ahlu Sunna in aysan ku intifaaci doonin bulshada.

Mid ka mid ah astaamaha muujinaya is faham la’aanta ka dhex taagan saxiixayaasha ayaa ah arin layaab leh oo ka dhacday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xili shalay ay ka baxayeen oo diyaarad kaliye ay raacayeen Wafuud ay kala hogaaminayaan Ra’iisul wasaaraha, Shariif Xasan Sheekh, C/qaadir Macalin Nuur oo la sheegay in uu matalayo Ahlu Sunna iyo Madaxweynaha Galmudug Max’ed Axmed Caalin kadib markii ay buuxsantay diyaaradda ayaa mid ka mid ah Hogaamiyaashii Wafuuda laga codsaday in Wafdigiisa uu dhimo dabadeena uu carooday, waxaana siyaasigaasi uu sheegay inuu qaadacayo Shirka Adis ababa markii dambana arinta waxaa lagu xaliyay rabitaankiisa oo la yeelay taasina waxa ay muujineysaa sida Siyaasiyiinta ay haatan difaac iskula jiraan.

Saxiixayaasha Roadmap-ka ayaa waxaa loo diray in waqti kooban ay ku fuliyaan howl adag oo baaxad leh sida in dastuur rasmi ah loo sameeyo Soomaaliya, in lasoo xulo barlamaan oo tiro yar, in amaanka dalka lasoo celiyo in dib u heshiisiin la sameeyo howlahaasi oo dhan ayaa sharuuda lagu xiray in dalka KMG-ka laga saaro laakiin dowladda KMG oo ah adub dhexaadka fulinta howlahaasi waxa ay sheegtay in aysan wax dhaqaala ah ka helin beesha Caalamka marka laga reebo taageero siyaasadeed sida uu warbaahinta wareysi uu siinayay uu ku sheegay Ra’iisul wasaare Gaas.

Isku deygii ay dowladda samaysay si howlaha horyaala loo meelmariyo iyadoo aan dhaqaale la helin ayaa waxa uu keenay burbur ku yimaada miisaaniyadii dowladda oo qeyb ka mid ah la sheegay in loo adeegsaday ku fulida qodobada loo diray waxaana howlahaasi loo isticmaalaa lacag dhan 2 Milyan oo dollar bishiiba, iyadoo miisaaniyad bileedka dowladana uu yahay 3 Milyan, waxaana arintaasi ka dhawaajiyay wasiirka Maaliyada Xukuumadda C/naasir Max’ed Cabdulle.

Waqtiga u haray dowladda KMG oo wax ka yar 3 bil fulinta qodobadii la isku dirayna sida muuqata wali fari kama qodna, waxaana warar hoose oo aanu ka helnay Shirka Adis ababa ee saxiixayaasha ay sheegayaan in ka sokow xalinta khilaafka jira in la hadal hayo in lama huraan ay tahay in waqti dheeri ah oo dowladda siiyo ka hor inta aanan laga bixin KMG si waxa haray loo fuliyo wararka qaarna waxa ay sheegayaan in ay suura gal tahay in dowladda la siiyo sanad dheeri ah, iyadoo la xasuusto in beesha Caalamka ay ka digtay in dowladda ay waqtiga korarsato.

W/D: Yuusuf Axmed Abuukar 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 21, 2012. Filed under Dhacdooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.