| Wasiirka Dastuurka ee Dowladda federaalka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in qaboy-qoraalka dastuurka ay kala qayb qaateen Qoristiisa iyo diyaarintiisa dad Ajaaniib oo ka socdey Xafiiska Siyaasada Soomaaliya.
Mr. Xoosh ayaa sheegay in u yeerista iyo gacan ka helida Shaqaalaha Xafiiska UNPOS ee Somaliya ee Qabyo qoraalka ay aheyd dalab ay Dowlada KMG ah weydisatay Xafiiskaasi sidii looga gacan siin lahaa in la diyaariyo qorista Qabyo Qoraalka Dastuurka muranka badan dhaliyay wuxuuna sheegey in u yeerashada khubaradaasi ay la hayd Dowladda Federaalka
“Anagaa Codsaney in Dastuurka Qoristiisa nagala qayb qaataan si aan uga helo waxyaabo fara badan bal fiiri Dastuurka loo qorey Koonfur Afrika , Layberiya, Ciraaq iyo wadamo badan ayaa dastuurkooda waxaa Qoristiisa kala qayb qaateen dad ajnabi oo Khubaro ah anaga sidaa baan ugu baahaney “ayuu yiri Wasiirka Dastuurka oo sheegey in Dastuurkii Lixdanki Qoristiisa Soomaaliya kala qayb qaatey dad Ajaaniib ah oo ahaa Talyaani marka maxaa noo diidaya in aan raadsano dad Khubaro oo shisheeye ah
Wasiirka waxaa uu beeniyey in qodobo ka tirsan Dastuurka ay ka hor imaanayaan Shareecada Islaamka waxaana warkaan Faafiyey dad dano gaar ah leh kuwaas oo aan dooneyn in Soomaaliya yeelato Dastuur oo doonaya in Soomaaliya sidaa ugu jirto dhibaatada sida uu yiri.
Share on Facebook
![]() |
Socialize