Warar goordhowayd naga soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia ayaa soo sheegaaya in lasoo gaba gabeeyey shirkii saxiixayaasha Road-Mapka uga socday magaaladaasi.
Kulanka oo socday saddex maalmod ayaa waxaa la sheegay in uu kusoo dhamaaday is afgarad dhexmaray lixda saxiixe ee Road-Mapka kuwaasi oo markii hore isku khilaafsanaa qodobo kamid ah Road-Mapka.
Qodobada hordhaca ah ee kasoo baxay kulanka ayaa waxaa kamid ah in xilliga KMG ah looga baxo wakhtigii horay loogu talagalay, sidoo kalena aanay jirin wax wakhti kororsi ah.
Sidoo kale wararka shirka waxay sheegaayaan in xal buuxa laga gaaray qodobahii uu ka biyo diidsanaa Madaxweynaha Puntland ee kamidka ahaa Dastuurka cusub.
Masuuliyiinta ka qayb gashay kulanka ayaa khudbado ay ka jeediyeen gaba gabada kulanka waxay ku sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin dhamaanashaha murankii iyo khilaafkii hadda kadibna la guda geli doono dhamaystirka hawlaha harsan.
Qodobada iyo go’aamada kasoo baxay shirka oo wakhti dhow soo xirmay kula soco wararkeena dambe.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
waan ka xumahay tuuk aan faroole ahayn miyaa jira
mahadsanid mr.Faroole hadaad nagaqabatay madax ku sheega tuugada ah.