Maamulka degmada C/casiis oo soo bandhigay Maandooriye

 | Maan dooriyaashaan ay soo bandhigeen Maamulka Degmada Cabdi Casiis ee gobalka Banaadir ayaa waxay ka kooban yihiin 21 kartoon oo ay ku jirto halkii kartoon ilaa lix dhalo oo qamri ah iyo gaarigii waday iyo afar dhalinyaro ah oo iyagu ahaa dadkii ka ganacsanayay Qamrigan lasoo bandhiagay.

Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis C/laahi Xuseen Xasan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay iskakaashadeen ciidamada mariniska dowladda iyo weliba kuwa booliska ee Degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir islamarkaana ay u suuragashay in ay gacanta ku soo dhigaan Qamri iyo ragii ka ganacsanayay.Sidoo kale waxaa halkaasi saxaafada kula hadlay taliyaha Booliiska qeybta bartamaha sareeya gaas Garaad Nuur Cabdulle kaasi oo sheegay in qamriga la soo qabaty maanta ladoonayo in uu cadeen u noqdo in raga lasoo bandhigay ka ganacsanayeen.

Waxaa sidoo kale saxaafadda loo soo bandhigay fuustooyin sun ay ku jirto oo gaaraya ilaa afar fuusto iyo qaar kamid ah ragii waday fuustooyinkaasi.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay kulan looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho kaa oo ay wada qaateen wasaaradda arimaha gudaha iyo Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo iyo Hay’adaha ammaanka iyo gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Daawo Sawiradda


 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.