Musharaxa Muriidi Abuukar Mahdi ‘Hadii aan ku soo Baxo Madaxtinimda Soomaaliya…

 | Musharaxa Muriidi Abuukar Mahdi’ Hadii aan ku soo Baxo Madaxtinimda Soomaaliya waxaan Toosin doonaa Sharciga iyo Dhaqanka islaamka ee lumay, Beelhuna waa isku mid mana jirto 4.5.

wax la yiraahdo…..

Musharaxa u Taagan Madaxtinimada Soomaaliya Doorashada Soo socota ee ka dhici doonta Gudaha Soomaaliya Muriidi Abuukar Mahdi ayaan ka wareysanay wareysi dhinacyo kala duwan oo la xiriira Xaalada Soomaaliya, Sababaha ku beeray inuu isku sharaxo Madaxtinimada Soomaaliya iyo Arimo kale.

Muriidi Abuukar Mahdi oo 1943kii ku dhashay Muqdisho kana soo jeeda Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa ugu Horeyntii waxa uu sheegay in Soomaaliya Maanta u Baahan Tahay Samata bixin isla markaan ay ku imaan karto arintaasi Marka Dowlada iyo shacabkeedu Gacmaha is qabsadaan ayna si Soomaalinimo Ku dheehan Tahay Iskula shaqeeyeen.

Waxa uu xusay in Dowlada Maanta Jirta aysan Kasban Ummada ay Madaxda u tahay isla markaana ay ka dhex muuqato dhexdooda Khilaf ka dib Markii wax aysan raali ka aheyn Shacabka Soomalaiyeed ay dowladu dooneeyso inay Marsiiso Taasna ay keentay in shacabku ay ka soo Horjeestaan Qodobada Qaar oo dowladu wadato sida, Dastuurka,Hab qeybsiga Awoodaha Beelaha, arimaha Federaalka iyo Maamul Goboleedyada iyo qodobo kale oo ay si weyn u diidan Yihiin Qeybaha Bulshada.

‘anigu waxan qabaa in Xalku Ku jiro waxii Ummada dhibeysa in Dowladu ay meeesha ka saarto Daacadnimao iyo kalgacaltooyana ay Markaasi abuurmi Karaan Laakiin inta ay tagaan tahay ma dooneyno inaysan soo degdagi doonin Xalka Soomaaliya’ ayuu Yiri Musharaxa Muriidi Abuukar Mahdi oo intaasi Ku Daray in Danta Guud wax kasta laga Horumaryo.

Waxa uu Hoosta ka xariiqay in Beelaha Soomaaliyeed ay yihiin Kuwa Siman isla Markaasna la Joojiyo Sedbursiga la isku Sameynayo isagoo Xusay in Beelaha Xaquuqdooda lagu Tuntay inay ka mid Tahay Beelaha Banaadoriga Soomaaliyeed oo Taariikh qoto dheer ku Leh Soomaaliya isla markaana ah Beel nabada iyo dariswanaaga qiimeysa laguna Bartay.

‘ Ma aha in wax jira wax aan jirin laga soo qaado anigu Fakirka aan aaminsahay ayna ila qabaan Dadka Aqoonta leh waxa weeye in Beelaha Soomaaliyeed ay yihiin Kuwa Siman marka waa Maxay waxa la kala Sadbursanayo waa arin Cajaaibee’ ayuu Yiri Muriidi Abuukar Mahdi oo ku Tilmaamay arintaasi wax aan aan shacabka u wanaagsaneyn oo lagala Yimid meelo kale ayna ka danbeeyeen Dad dano Gaar ah leh oo doonaya in Beelaha soomaaliyeed sidaa lagu kala qeybiyo Taasoo aysan aqbali karin Beelaha loogu Yerayo 4-5ka..

Mar uu ka Hadalayay Hadii uu Ku guuleysto xilka Madaxtinimada Soomaaliya waxa uu sheegay inuu Boorka ka jafi doono sharcigii iyo kala dambeyntii ,sidoo kale uu Hagaajin doono dhaqankii Islaamka ee Lumay soona Celin doono nabadii iyo kala dambeyntii Soomaaliya lahaan jirtay isagoo geed dheer iyo Geed Gaaban u kori doona sidii uu uga shaqeyn lahaa Horumarinta Danta Guud iskuna jecleysiin lahaa Dowlada iyo shacabka.

Waxaa Wareystay

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com

Muriidi Abuukar Mahdi 00 1943kii ku dhashay Muqdisho kana soo jeeda Beelaha Banaadiriga Soomaaliyed ayaa ugu Horeyntiiw axa uu sheegay in Soomaaliya Maanta u Baahan Tahay Samata bixin isla markaan ay ku imaan karto arintaasi Marka Dowlada iyo shacabkeedu Gacmaha is qabsadaan ayna si Soomalainimo Ku dheehan Tahay Iskula shaqeeyeen.

waxa uu xusay in Dowlada Maanta Jirta aysan Kasban Ummada ay Madaxda u tahay isla markaana ay ka dhex muuqqato dhexdooda Khilaf ka dib Markii wax aysan raali ka aheyn Shacabka Soomalaiyeed ay dowladu dooneeyso inay Marsiiso Taasna ay keentay in shacabku ay ka soo Horjeestaan Qoodbada Qaar oo dowlaadu wadato sida, Dastuurka,Hab qeybsiga Awoodaha Beelaha arimaha Federaalka iyo Maamul Goboledyada iyo qodobo kale oo ay si weyn u diidan Yihiin Qeybaha Bulshada.

‘anigu waxan qabaa in Xalku Ku jiro waxii Ummada dhibeysa in Dowladu ay meeesha ka saarto Daacadnimao iyo kalgacaltooyana ay Markaasi abuurmi Karaan Laakiininta ay tagaan tahay ma dooneyno inaysan soo degdagi doonin Xalka Soomaaliya’ ayuu Yiri Musharaxa Muriidi Abuukar Mahdi oo intaasi Ku Daray in Danta Guud wax kasta laga Horumaryo.

waxa uu Hoosta ka xariiqay in Beelaha Soomaaliyeed ay yihiin Kuwa Siman isla Markaasna la Joojiyo Sedbursiga la isku Sameynayo isgoo Xusay in Beelaha Xaquuqdoodaagu Tuntay inay ka mid Tahay Beelaha Banadoriga Soomaaliyeed oo Taariikh qoto dheer ku Leh Soomaaliya isla markaana ah Beel nabada iyo dariswanaaga qiimeysa laguna Bartay.

‘ ma aha in wax jira wax aan jirin laga soo qaado anigu Fakirka aan aaminsahay ayna ila qabaan Dadka Aqoonta leh waxa weeye in Beelaha Soomalaiyed ay yihiin Kuwa Siman marka waa Maxay waxa la kala Sadbursanayo waa arin Cajaaibee’ ayuu Yiri Muriidi Abuukar Mahdi oo ku Tilmaamay arintaasi wax aan aan shacabka u wanaagsaneyn oo lagala Yimid meelo kale ayna ka danbeeyeen Dad dano Gar ah leh oo doonaya in Beelaha soomaaliyeed sidaa lagu kala qeybiyo Taasoo aysan aqbali karin Beelaha loogu Yerayo 4-5ka..

Mar uu ka Hadalayay Hadii uu Ku guuleysto xilka Madaxtinimada Soomaaliya waxa uu sheegay inuu Boorka ka jafi doono sharcigii iyo kala dambeyntii ,sidoo kale uu Hagaajin doono dhaqankii Islaamka e Lumay soona Celin doono nabadii iyo kala dambeyntii Soomaaliya lahaan jirtay isagoo geed dheer iyo Ged Gaaban u kori doona sidii uga shaqeyn lahaa Horumarinta Danta Guud iskuna jecleysiin lahaa Dowlada iyo shacabka.

Waxaa Wareystay

Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’  – Uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.