Shirweynihii 2aad ee qurba jooga Beesha Karanle ee Canada!

 | Toronto – May 20, 2012 - Waxaa malintii ay tariikhdu ahayd  May 20, 2012 magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay shirweynihii 2aad ee qurba jooga Beesha Karanle ee Canada.

Waxaa madashada shirka ka soo qeyb galay dhamaan jaaliyadda beesha Karanle kuwaasoo goobjoogayaal ka ahaa Hogaamiyasha dhaqanka, Culumaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Haweenka iyo Dhalinyarada, oo kala yimid daafaha gobalada Canada iyo qaar kale oo iyaguna ka yimid Ameerika.

Shirkaasi waxaa soo qabanqaabshay Gudiga Cilmibaarista, Nabadeynta iyo latashiga Beesha Karanle ee Canada oo kaashanaya dhalinyarada iyo haweenka magaalada Toronto.

Cabdalla Wardhere

Cali Yalaxow

Haashim Macalin

Xasan Deestrige

Maxamed Yuusuf

Axmad Ciro

Raxma Macalin

Macalin Samow

Kulanka shirkaan oo aad loo soo agaasimay ayaa lagu soo bandhigay dhaqanka ay leeyihiin  Beesha oo isugu jiray ciyaaro dhaqameed iyo suugan oo dadkii fiirsanayey ay ku abuurtay farxad iyo yididiilo.

Madashada shirka ayaa lagu furay aayado kamid ah Quraanka iyo muxaadaro socotay qadar daqiiqado ah, waxaana soo jeediyey Cabdale Wardheere oo markaa ahaa xiriiriyaha xaflada.

Kadib waxaa la furay shirka waxaana furay Gudoomiya Beesha Karanle ee Canada Mudane Cali Yalaxoow oo halkaa ka sheegay ulajeedada shirka loo qabtay oo ahayd sidii loo xoojin lahaa midnimada, walaaltinimada iyo wax wada qabsiga xubnaha beesha ee ku nool dalka Canada. Intaa kadib Gudoomiya wuxuu si tafatiran ugu hadlay mudadii halka sano uu hayey xilka  guulahii iyo caqabadihii uu la kulmay maamulka.

Dhowr daqiiqo ka dib waxaa warbaahiya lagu soo dhaweeyey Agaasimaha Dhaqaalaha Mudane Haashim Macalin oo isna ku dheeraday mudadii halka sano uu maamulku dhisnaa guulahii ay gaareen iyo dhaqaalhi soo xarooday. Mudane Haashin oo kaashanaaya  PowerPoint Presentation wuxuu jaaliyada u soo bandhigay xisaab-xirkii sanadlaha, qarashaadki baxay iyo dhaqaalaha hadda ku keydsan qasnada Beesha. Dhamaan dadweynihii isugu yimid madasha shirweynahaan ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay Farxad aan qiyaas lahayn taasoo ka turjumeysay sida ay maqsuud oga ahaayeen dhaqaalihii laga aruuriyey qaabka loo maareyey.

Waxaa kale oo iyaguna goobta ka hadlay Odayaasha Dhaqanka iyo xubno ku hadlayay qaybaha kala geddisan ee beesha sida dhalinyarada iyo Haweenka. Odayaasha kasoo qeyb galay shirka  waxaa ka mid ahaa Aakhil Xasan Desriige, Axmed Cirro, Maxamed Faarax (Dhagacade). Waxaa madashada shirka ka hadlay Aakhil Xasan Desriige oo maamuus iyo tixgelin weyn ku leh beesha dhexdeeda ayaa madashada ku soo bandhigay erayo xambaarsan waano, dardaaran, Guubaabin iyo Talo aad u saaqday dareenka dadkii dhagaysanayay.

Intaa kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Aakhil Axmed Cirro oo ka yimid magaalada London Ontario oo isna kamid ah odayaasha dhaqanka ee maamuska ku leh beesha dhaxdeeda ayaa wuxuu mahadnaq iyo bogaadin usoo jeediyay dhamaan xubnihii beesha ee ka soo shaqeeyey Shirweynahaan. Wuxuu kaloo kula dardaarmay beesha inay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirkooda.

Waxaa sidoo kale halkaasi  ka hadlay Mudane Maxamed Yuusuf oo ku hadlayay magaca Golaha Guurtida oo aad uga mahadceliyey dadkii ka soo shaqeeyey shirkaan, kana faalooday waxtarka uu maamulkaan u leeyahay midnimada iyo wadajirka Beesha Karanle Canada. Wuxuu kaloo ka hadley in loo baahan yahay in la balaarsho waxqabadka maamulka si loo haqabtiro adeegyada beesha ee nolashooda aasaaska u ah sida waxbarashada, iyo caafimaadka.

Qadar daqiiqado ah waxaa macarafonka lagu soo dhaweeyey Marwo Raxmo Macalim oo maamus ku leh beesha dhaxdeeda, isalamarkaana ku hadleysay magaca haweenka  ayaa sharaxaad kooban ka bixisay sida ay lama huraan u tahay in la helo midnimo iyo wadajir. Marwo Raxmo oo sii wadata hadalkeeda ayaa waxey sharaxaad koban ka bixisay safar ay dhawaan ku tagtay Soomaliya. Waxey sheegtay inay Soomaliya ku soo argatay dad baahan oo silicsan oo ay ku weyntahay tolnimada iyo wax-wada qeysiga, halka kuweena qurbaha jooga aan ku caanbaxnay tafaaruq iyo qaaran laga cagajiido.

Waxaa iyana shirka ka hadlay xubno ka mid ah haweenka sida Marwo Muumunino Muxumed (Cagaarweyne), oo halkaa ka soo jeedisay hadallo isugu jiray mahadnaq, guubabin iyo sidii maamulkaan u noqon lahaa mid u adeega dibadda iyo dalka gudahiisa. Waxey mahad balaaran u soo jeedisay gudiyada Golaha Guurtida iyo Golaha Fulinta inay howshooda sii wadaan si looga miro dhaliyo hadafki loo dhisay maamulkaan.

Waxaa ugu dambeyntii halkaas ka hadlay Macalim Samow oo ah Shiikh weyn oo maamuus ku leh Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool dalka Canada.  Macalin Samoow wuxuu marka hore u mahad celiyey dhamaan dadki soo abaabulay,  kana qeyb qaatay qabsoomida kulankaan in ilaahay ajir siiyo. Wuxuu kaloo u mahad celiyey dhamaan Raga iyo Dumarka markasta u taagan inay ka shaqeeyan maslaxada, midnimda iyo wadajirka walaalahooda in lilaahay siiyo ajir iyo xasanaad. Intaa kadib wuxuu sheekha soo jeediyey aayado quraanka kariimka iyo muxaadaro gaaban oo dakii dhageysanaayey ay qalbigooda ku abuurtay qushuuc.

Ugu danbeyntii  xiritaanka shirka waxaa macrofanka lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha Beesha oo mahad balaaran iyo bogaadin aan la koobi Karin u jeediyey xubnihii beesha Rag iyo Dumar ee sida hagar la’aanta ugu guntamay madashada shirka oo la’aantooda aysan suurta gasheen qabsoomida shirka iyo hoolka quruxda badan ee madashada lagu qabtay.

Gudoomiya wuxuu mahad balaaran u soo jeediyey Gudiga Cilmibaarista, Nabadeynta iyo latashiga Beesha Karanle ee Canada oo kala ah:

Aadan Salaad Cawaale,  Xasan Ahmed Sheekh, Cabdale Wardheere iyo Xasan Yuusuf.

Waxaa kaloo mahad balaaran loo jeediyey xubnihii gacan weyn ka geystay waqtigii uu socday shirka sida kuwii albaabka ku salaamayey martisharafka, kuwii qeybinayey cuntada, kuwii diiwangalinayey raga iyo haweenka iyo kuwii kala hagaayey baaburta ay ku yimaadeen  martisharafka.

Allaa Mahad Leh

Hawaarto Midnimada Beesha Karanle

Lasoo xiriir Gudigayada Beesha Karanle  – Email: heridiid3iyo9@gmail.com 

____________________________________________________

DAAWO SAWIRADA SHIRKA

Shirweynihii 1aad ee Beesha Karanle ee magaalada Toronto  – April 25, 2011-

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 23, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

41 Responses to Shirweynihii 2aad ee qurba jooga Beesha Karanle ee Canada!

  1. XAA JIRA HEE NAAGAHA WAA YAR YIHIINE MANIMANKII CIDA KALEE QABAY BAA U DIIDAY INEY IMAADDAAN AAD BAY NAAGAHA U AYR YIHIIN TAN KALE XAA LAGU HESHIIHAA WIXII SOOMAALI BURBURIYEY OO WALIBA HAWIYE MAATO KADHIGAY MAANTA

  2. Salaama dhamaan beesha karanle meel kastoo joogaan aad baa uga faraxsan nahay shirkii labaad beesha Karanle ee Toronto. waa la socday shirkii kowaad inkastoo waxyaabo badan uga soo horjeeday balse waa guul in sanad ka soo wareegagtay. Waxaana leeyahay howshiina sii wado waqti xun waa lagu jiraa oo loo baahan yahay in laga hadlo sida loo gudbi lahaa marxaladda siyaasadda iyo doorka ee ku leedahay Beesha Karanle. Aniga waxaa joogaa Magaaladda Muqdisho mudo sagaal bilood ah. Waxaana gaarsiin lahaa dhamaan beesha reer Toronto in deegaanadda beesha degto ee ka jiraan daruufo xumo oo saameeyay dagaaladii uga dambeeyay magaaladda Muqdisho ka dhacayay.Waxaa idinka codsanaa in dhamaan jaaliyadaha ku nool Europe,America, Canada in ee arintaasi la socdaan oo waxaa loo baahan yahay in wax loo qabto.Runtii waxaa kaloo jiroo dagaalo ka socda Ceelbuur oo saameeyay beesha Karanle. Aniga waxaan la shaqeeyaa hay ad Care waana ku tala jiraa inaa geeyo deegaankaasi marka fadlan waa in arintaasi si deg deg wax loogu qabtaa. Beesha Karanle guul guul

  3. asc waan ku faraxsanahay shirkii 1 ee toronto waa guul u soo hoyatay beel waynta karanle guuuuuuul

  4. cidaan cunsuri waaye ibraahim sebdi lama wicin lol

  5. aloow barakee oo bulaali beesha karanle allahuma aameen

  6. Please lets know in advance next meeting. We will like to particpate as representatiative of washington metropolitan area.

    Mahadsanid.

    • hawa waad ku mahadsan tahay taageeradadda hddii Eebbe yiraa waan kula socodsiindoona kullanka danbe ee karanle,balse aan kaa helno meel aan kaala soo xiriirno,ama lasoo xiriir adan salaad qaranimo .com.

  7. Shuki Bare Ugas (Raxma)

    السلام عليكم و رحمة الله و بركاته
    Waa marka ugu horaysa waxaan aad ugu farasanahay sida wanaaga badan ee aad kulanka labaad ee beesha karanle u soo dejiseen, waxaana runtii aad ugu faraxsanahay inaan dhamaanteen is xilqaanay inta qabanqaabisay iyo inta ka soo qaybgashayba. Aa ayaan ugu faraxay imaashada aan imaaday waxaan rajaynaa inaan sandkan sanadkiisa nabad ilaahay isugu keen keeno anagoo intaan ka badan kana aqoon badan xag diin iyo xag dhaqanba.
    waxaan marlabaad u mahadcelinaa qabnqaabiyayaasha
    والسلام عليكم
    Ugaasada

    • mahadsanid ugaasadda,waxaana rajaynayaa inaad marka labaad soo waddo dad badan,sidaad ugu faraxday ha ugu farxaanee.

  8. MAXAA LOO WAAYAY SHAN KU AAD SIYAASI AH, AAWAY AQOONYAHANADI……….

  9. masha alaah waa wax lagu farxo waana astaanta lagu garto besha karinle hada ugu hor mahan in ey saan oo kale sameeyaan meel kasta o ey jogan waa isku dabeecad wana hormuudka beelaha somaliyed waxaan rajeynaa in lasii wado beelaha kalana ey ku daysadaan wanaagaan

  10. shekh ibrahim moalin

    asc wr wb dhamaan waa idin salamay beesha karanle wax ku abtirsada waxaan idinku salamay salaan qaali oo ku dheehantahay farxad wayn taasoo qalbigayga ka soo go.day waxaana aad iyo aad ugu faraxsanahay sida quruxda iyo sharafta badan ee aad iskuugu timideene ama aad iskuugu xirantihiin ayaa aad iyyo aad farxad noogu beertay waxaan ilahay idinka baryaa sida aad iskuugu xirantihiin in uu ilahay idin laba laabo idinka dhigana kuwa aduunka iyo aakhiraba ilahay ku guuleeyo aamin aamin sidaa ayaa idinka rabnaa wax khilaaf ahna naga ilaaliya waxii wada waaniyo isku duubnaada waligiinba hogaaamiyaha hawiye baad ahaydeene insha allah

  11. Mohamed ibrahim

    Asc marka ugu horeyso walaalahey reer Toronto waa wax lagu farxaxo sida quruxda badan oo aad shirkaan isugu timaadeen waana idiinku Mahad celinayaa dhamaan dadkii soo abaabuley iyo kuwii ka qeyb galey
    Waxaan kaloo codsanayaaa in dhamaan walaalaha kale ee ku nool yurub AMA north america sida reer USA ,Asia like middle east sida khaliijka,east africa like nairobi iyo Hamar Cade iyo reer ceelbuur,galhareeri AMA meelkasto oo 3+9 dagto ay shir isugu yimaadaan kaas oo ay kaga tashadaan midnimo iyo iscafis iyo danta 3+9 waayo maanta waad ogtihiin xaalada uu wadanka marayo dagaalka ka socdo dhulka ay beesha dagto qaxa iyo colaada maanta ay dadkeena ku sugan yihiin fadlan qofkasto oo damiir leh ku dadaal sidii aad maanta uga wada shaqeyn laheyn midnimada iyo wadajir tolka taas oo aan qolo kale wax loogu dhimeyn please isugu imaada ilaah dartiis oo ka shaqeeya sida aad dadkiina u caawi laheydeen oo noqda qoom jira oo leh good leader hanoqdo odey dhaqameed AMA Ugaas AMA sheakh AMA good siyaasi dhamaan danteena ha noqoto wax qabad ay la socoto ilaah ka cabsi
    Dhamaanteen waa mas uuliyad nawada saran.
    Thanks.

  12. waaaw ha is raaco Karanle viva Karanle

  13. ABDIRAHMAN GURUMO

    asc masha allaaah masha allaah allow guuleey walalhayaga marwalbo nashaat kooda wan arganaa reer canada wxaynu leenahay sii wadda , waxan ugu baqaynaa dhaman inta harsan qurba joogta reer karanle in ay ku dayadaan wlalahoood reer canadda jazakumaaaaaaaaaaaah kheey

  14. asc waan idinsalamay dhaman meelweynta karanle oo aan kadhashay waa waxlagufarxo in mata dhamaan ay iskuduubmeen meelweynta karanle america yurub asia africa iyo meelakale oo aduunka kamid ah waa waxlagufaano midnima aan qabno iyo isjeceelka dhaxdena yaalla waxbadana wey noodhimanyihiin hadeeynoqoto dalkii iyo dibada oo aan kalinteeyna kaqadanaa siyaasada dalka si aan ugaguuleysano inaan soomalia nabadkusodablano aniga hadaa nahay karanlle dalka anaga ayaa iskaleh uu nasugayaa beesha kaliya ee manta xalka somalia heeysa ayaa nahay waadna mahadsantihiin dhamaan asc

  15. Waxaan halkaan kasalaamay bahda ku abtisato karanle meel kasta ay joogaan, waxaan hubaa in howsha ay intaa kabadan tahay waxaana rajeynaa in halkeeda laga siiwado. Aniga ma aamisani in qabiil wax lagu noqdo laakiin markaan fiiriyay qabiilada kale waxaan arkay in qof waliba qofkiisa uu wax kuyahay. Aniga gabar Karanle ayaan ahay waxaana heystaa caruur qabiil kale ah… Waxaan u rajeynaa walaaley in kastoo aan ka fogay halka kulanka kadhacay hadana Niyada iyaan idinkaala socdaa… GOBANIMO iyo GUUL BAAN IDIIN RAJEYNAYAA

    Waa inoo sanadka danbe, waxaanu jeeda shirweynihii 2aad aaway kii koowaad????

  16. sayban cismaan

    Waan kufarxay markaan arkay barnaamijkaan, sanadkii hore ayaan arkay kii qurauda badnaa waanba sugaayay inan markale la isu yimaado. waxaan ishahay hal marlee ahaa… howsha halkeeda kadawada. ILAAHAY ha idinla garblo galo hana laga warqabo dadka dhibaayteysan ee walaalihiin ah.

    Guul iyo Horumar.

  17. Waa wax lagu farxo, sida howsha loo soo agaasimay iyo dadka kasoo shaqeeyba. waxaana u rajeynaa in sanadkaan sandkiisana ilaahay inagu gaarsiiyo anoo wadajir ah. barnaamijkaana gaarsiiya karanlaha kale ee aduunka.
    Wabilaahi Towfiiq

  18. This is a great day indeed – my fellow clan’s man had marketed a mile stone for a success. This is what we need, it not what CLAN do to our society, but getting together and have an eventful evening and hung out with your lost causing is what makes this gathering a great day.

    Thanks to those who organized and those who provided and those who attended. Let it be continues event – BBQ and EID gathering has to happen in the future.

    • thank you for your support,insha allaah we planning to do bbq and family gathering soon.

  19. asc wr wb all beesha karanle cade,jira oo jooga waxaan idiin rajeeynaa guul meel kasta oo aad joogtaan maashaa allaah ,sidaas isugu xirnaada meel walba oo aad joogtaan.

    Waxaan halkaan ka salaamayaa habryartey Raxmo Macalin Cumar iyo dhamaan beesh karanle.

  20. Maasha Allah…

  21. Aweys Mahamoud Ali

    Waxaan halkan ka salaamayaa Karanle meel kasta uu ka joogo waxaan ilaah ka rajeynayaa dhibaato iyo dhib ka badbaadiyo, Waxaan rabaa in aan halkaan ka xuso waxwalbo aad tahay iyo darajo kasto waxaad wax ku tahay tolkaaga fiicnaan iyo xumaanba marka wadajir uu tolka wadajiro waa muhiim. Qeer alaha ka dhigo Karanle I love you

  22. Allaha Barakeyo tolka, dhibtana Allaha ka xijaabo, towfiiq wanagsan……..!!!!!

  23. maanta waxaan aad ugu farxay anagoo ku nool magaalada london uk inaan arko walaalahey beesha 3/9 ee karanle aad ayaan ugu farxay aniga iyo caruteyda oo kala jooga germany iyo london oo kala abdow tarambi. shamso tarambi .falis tarambiiyoo caruurtooda waxay leeyihiin karanle ha noolaado.aswa aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiin

  24. aad baan ugu farxey runtii waa arin loo aad loogu baahan yahay waxaan idin rajeynayaa in aad meeshaas ka sii wadaan meel kasta oo la joogo waa in leysku xirnaada sababtoo ah duruufaha adag ee jira guuleysta guuleysta

  25. AHMED GUUTAALE WAASUGE

    aad ayaan ugu farax sanahay waxaad qabateen wax wanaagsan ee mee shiina kawada ayan lee yahay

  26. MAANSHA ALLAH ILAHEY HEYDINKA DHIGU KUWII DADKOODA DALKOODA IYO DIINTOODA ANFACO,
    WAA ANIGOO EH ALI MOHAMUD AHMED ALIMIRE GOD-GOBALKA VASTMANLAND SWEDEN. E-MAIL. HARIIRYALE_KARANLE@HOTMAIL.SE

  27. asc dhamaan soomaali meesha ay joogto gaar ahaan walaala aan beel wada wadaagno ee karanle waa wax lagu farxaa walaalaheen reer kanada horamarka ay ku talaabsadeen iyo horumarkooda maasha alaah waxaan talo ahaan aan siin lahaa walaalaheen ku dhibaateesan wadankii wa in wax loo gabtaa xag caafimaad iyo wax brasho iyo wixii loo awoodo waxaad wanaagsan in walaalaha kaa danbeeyo ay xag walbo ay ka dhisan yihiin markaas garab wanaagsan baa helee,
    waxaan kula talin lahaa walaalaha kale ee qaarada yurub jooga in ay ku daydaan walaalahood reer kanada haday nogonlaheed okoonka ay sameesteen iyo shirarka ay isaga war qaadayaan waxaana ilaah nooga waryaa kuwii is ogaado wanaagana is fara inuu ilaah naga dhigo aamiin aamiin a s c w w

  28. mashallah ad ayaan igu faraxsanahay in aan heer fiican garnay illahow karanle karameey

  29. Howsha Halkeeda halaga wado, Toronto waxaan umaleynaa intii isjecleyd ayaa isu timid… nin aan dadkiisa rabina cid rabtaa majirto, yeeysan kuwo dantooda dayacay yeysan idinla harin… GUUL iyo HORUMAR.

  30. waan idin wada salaamay dhamaan – waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay shirka qaali ah ee ka dhacay magaalada weyn Toornto. weligey intaan noolaa kuma arkin qurbaha in tolkeena uu sidaan kala danbeynta leh uu isugu soo duba rido shir noocaan oo kale ah… waxaa ka muuqda in beesha Karanle eey weligeen aheyd hormuud eyna leedahay waxgad, odayaal, aqoon yahano iyo haween iyo culamaa udiin sharaf ku dhex leh umada soomaaliyed… jira oo jooga.
    Kanaxoow Nafta Waa….

  31. maanshaa allah aad iyo aad ayaan idinkuugu hambalyeeyay cid yahay sababtoo ah waxaan u maseeray sida aad wax iskula wadaan ama aad isku jeceshihiin aniga mi ihi qoladaas laakiin maseer ayaa iga hadalsiiyay waligayna waan idin jeclaa ilaa iyo soomaaliya waxaa tihiin qolada kaliya oo aan iska hor imaan dagaal amba waxkalaba waadna is celisaan kiina qaldan ee alaha idin guuleeyo. Aamin

  32. Dr. Cabdi Maxamed

    Run ahantii waa guul iyo horumar u soo hoyatay walaalaha Karanle ee ku nool daafaha caalamka. Reer Canada waxaad tihiin indhihii beesha Karanle ee qurbajooga, waxaad tihiin horsedayashi la filaayey inay dib-boorka ugu jafaan sharafti, kartidii iyo magacii lagu yiqiinay Karanle ee ku baa ba’ay burburkii qaran ee dalkeena ku habsaday.Sida aad la socotaan Karanle wuxuu ahaa qabiilka kaliya ay ku badnaayeen maalqabeenada, aqoonyahanada, saraakisha sare ee ciidamada iyo culamada, hayeeshe waxaad maanta marqaati ka tihiin halka Karanle uu yaal iyo meesha siyaasad ahaan uu kaga jiro bulshaweynta Soomaliyeed. Waxaan rajeynayaa dadkiina ku nool Canada inaad noqotaan kuwii ugu horeeyey beesha karanle u horseedi lahaa hurumar, midnimo iyo iskaashi.

    walaalkiin,
    Dr. Cabdi Maxamed
    Australia

  33. Faaduma - Holland

    Waa guul lagaaray umad waliba waxay dadkeeda u keenaan bey leeyihiin. KARANLE waxaan umaleynaa hormuudka hawiye ayaad tihiin weliginiina eheedeen ee dadaalka halkiisa kasii wada, anagana waan idin taageynaaye. Kuweena holland joogana waan idinla soo xiriireynaa reer CANADA.

    MAASHAA ALAAH – CADOGIIN HAJABO,

  34. Maashaa ALAAH, waxaan aalagaa dhahaa shir iyo kulan, waxbadan ayaan geedaha hoostooda kushirnay KARANLIHII layaqaanay haduu soo baxay. Reer Toronto waa lagu yaqaanaa horumarka GUUL iyo WADA JIR.

    • Sawiro iyo xaflad qurux badan maasha Allaah….. Isha baxarka….guuleysta curadka reer adoogeen

      by: wiil mudulood

  35. Waaaaaaaaaaaaaw , Walee Dadlkeey waa isku tageen GUULESYTA.