| Hogaanka Dambi baarista dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay wiil dhalinyaro ah oo ay sheegeen in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab.
C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in wiilka dhalinyaradan ee maanta ay soo bandhigeen ciidamada ammmaanka suuqa bakaaraha ay soo qabteen xilli uu isku dayay in uu ka baxsado ciidamada dowladda.
Hogaanka dambi baarista dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in waalidiinta dhalay caruurta sida uu sheegay waxyaabaha qaldan loo adeegsado ay qabsadaan caruurtooda si aysan dhibaato u gaarin.
Wuxuu intaa raaciyay in loo baahan yahay kuwa kale ee ku howlan falalka lidiga ku ah ammaanka Muqdisho in ay ka waantoobaan falalka ay ku jiraan islamarkaana ay tusaalo ku qaataan dhalinyarada gacanta lagu soo dhigay.
Ugu dambeeyn Taliyaha hogaanka dambi baarista dowladda Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab guud ahaan Magaalada Muqdisho laga saaray iyadoo hada lagu sii jeedo gobalada kale ee ay maamulaan Ururka Al-shabaab.
Maalmihii dambe ayaa saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay soo bandhigayeen dhallinyaro ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab islamarkaana ay kusoo qab qabteen howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.
![]()
|
![]() |
Socialize