| C/laahi Cali Caanood Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay sii wadayaan howlgalka ay kula dagaalamayaan Ururka Al-Shabaab ee ka socda Gobalka Shabeelaha hoose.
Taliyaha gaaska koowaad ee Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale tilmaamay in markii ay gaareen Degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha hoose halkaasi ay ku soo dhaweeyeen dadweyne aad u fara badan.
C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in duleedyada Degmada Afgooye iyo sidoo kale gudaha Degmadaasi ciidamada dowladda ay ka sameysteen difaacyo adag.
Wuxuu sheegay in wadada aada dhanka Degmada Wanlaweyn ee gobalka shabeelaha Hoose ay u dhaqaaqeen ciidamada dowladda islamarkaana ay kusii jeedaan Degmadaasi wanlaweeyn.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay shalay guud ahaan gacan ku haynta Degmada Afgooye ee gobalkaasi shabeelaha hoose halkaasi oo ay maamuli jireen Ururka Al-shabaab.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login