Gacan ku heynta Afgooye oo la isku heysto

 | Iyadoo dhawaan magaalada Afgooye ay gacanta u gashay dowladda KMG iyo AMISOM ayaa wareegto kasoo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha waxa ay ku magacaawday maamul cusub oo ay yaalato magaaladaasi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Bashiir Max’ed Salaad (Goobe) ayaa wareegto kasoo baxday waxa uga magacaabay Gudoomiyaha degmada Afgooye C/laahi Cabdi Axmed.

Xildhibaan Cali Afgooye oo ka mid ah Xildhibaanada barlamanka ee kasoo jeeda gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu kasoo horjeestay magacaabista Gudoomiyaha cusub ee degmada Afgooye, isaga oo ku eedeeyay Mas’uulka la magacaabay in uu horay dambiyo ka baxsan bini’aadanimada uu uga galay gobolka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii maqlay isqabqabsiga ka jira Maamulka degmada Afgooye waxa uu shaaca ka qaaday in aan loo baahneen in la isku qabqabsado Maamulka degmada maadaama uu yahay mid KMG ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 30, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.