Ma dhab baa in Cali Khaliif oo kusoo jeedo dhanka Baarlamaanka Somalia?

 | Ilo wareedyo lagu kalsoon karo ayaa inoo dusiyay War sheegaya in Cali Khaliif Galaydh oo ah Ninkii Abuuray Kooxda Khaatumo uu doonayo inuu Isu Sharaxo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Isaga oo uga Goleh baa lagu Sheegay Macluumaadka aanu helay inuu Jaah Wareeriyo Saamiga Beelaha uu ku Abtirsado ee Gobolada PL  ay Leeyihiin  Dowlada Federaalka Somaliya.

Warar Hoose oo aanu helay baa Tibaaxay inuu Shir Magaalada Muqdisho kula Galay Qaar ka mid ah Baarlamaanka Somaliya iyo waliba Duubab dhaqan ay weheliyaan Ganacsato isaga oo ka dalbaday inay ugu Hiiliyaan Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Somaliya Ka Horaysa tan Madaxwaynaha iyo Magcaabista Raisalwasaaraha Somaliya.

Beelaha Shanaad ee Saamiga Dowlada Somaliya ku leh ayuu shir dheer la qaatay kuwaasi oo ah Kuwa Haya Hogaanka Baarlamaanka Somaliya walow aan la aqoon inay ku Qanceen Doonid iyo Xusul duubka Cali Khaliif ee ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Dhismihii Koox Siyaasadeedka Khaatumu ee Magaalada Taleex wuu ahaa mid markiiba Horay loo Saadaaliyay in Galaydh uu ku doonayo inuu Siyaasada Somaliya Kaga Qayb Galo Kooxda Huwan Magaca Khaatumo isaga oo Maalmahan ku Sugnaa Caasimada Somaliya ee Muqdisho.

Cali Khaliif Wuxuu Mud ahaa Raisalwasaarihii Xukuumadii aan si Wanaagsan u Hana Qaadin ee Carta taasi oo uu Madaxwayne ka ahaa Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan, sidoo kale Wasiir buu ahaa Wakhtigii Dowladii  Jaalle Maxamed Siciid Barre in kastoo uu markii danbe la Goostay Maaliyad Fara badan oo loo Qoondeeyay Kobcinta Warshadaha Somaliya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on May 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

3 Responses to Ma dhab baa in Cali Khaliif oo kusoo jeedo dhanka Baarlamaanka Somalia?

  1. khaa’in reer xamar ah ayaad tahay doonaya inuu isku diro dad wada dhashay oo walaalo ha anagaa majeerteen ah waana u hanwaynahay prof.Galayr,shaqsi iyo laba way isku qaban karaan siyaasad laakiin sidaad u dhigayso arintu maaaha,iskana hubi adeer waxaad ku hadlaysid anaga siyaasiint beesha harti ninkii jago hayaaba isagaa na metela,hadii gudoomiye barlaman u noqdo iyo haduu madaxwayne noqdo prof.waa nin u qalma isagaana na metela eeee afkaaga edeb u yeel.

  2. waxaan jirin markaad sheegto waxay wax u dhibtaa webka qora soomaliweyn waa yaqanaan cali khaliif cadowgiisuna waa majeerteen inta kale soomali waa jecel yihiin anigu inta taageersan baan ahay dadkeena xamarna waa wada taageersan yihiin daarood hdana waa taageersan yihiin ee bugta joojiya

  3. Ali shacabka somaliyeed waxay kaa rabaan xisaabtan meeshii aad gaysay xoolohoodii aad masuulka oga ahayd.waa nasiib daro in aad weli rajo ka qabto in aad mar kale xoolohooda dhacdo.
    somalieyey iska qabta ninka qurbe idiinka soo shaqo tegay rabana in uu dhaco xoolihiina. iska qabta afar jeeblaha .