Home » 2012 » June
Sanad guuraddii 52kii ee xornimada: waa dib u soo nooleyntii qaranimada ummadda Soomaaliyeed

Sanad guuraddii 52kii ee xornimada: waa dib u soo nooleyntii qaranimada ummadda Soomaaliyeed

 By Abdulkadir Ali Bolay | Runtii waa maalin weyn oo loo baahan yahay in  ummadda soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay xusaan maantintaani qiimaha badan, waa maalintii calankeyna la taagay kii gumeysigana la siibay  waa na maalintii gacanta gumeysiga aan ka baxnay hase yeehee muddo dheer ka dib kuwa wax magarato ah ay la [...]

Share on Facebook
Faahfaahin dheeri ah oo ka soo baxaya afduubkii shalay ka dhacay IFO

Wararka soo kordhaya ayaa sheegaya inay kooxo hubaysan weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen shaqaale ayaajinb ah iyo soomaali la shaqeynaysay. Inta la ogyahay weerarkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday mid ka mid ah darawaladii gaadiidka ay hay’aduhu lahaayeen. Laba kale oo isla shaqaalaha ah ayaa la sheegayaa inuu dhaawac culus ka soo gaaray weerarkaasi. [...]

Share on Facebook
Continue reading …

Dowladda Jabuuti ayaa sheegay inay Soomaaliya u soo dirayso Ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaata howlaha nabad ilaalinta, waxaana sidaasi ka dhawaajiyey Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa suxufiyiintu u sheegay in ciidamo dheeraad ah u dirayaan soomaaliya, kuwaasoo xoojinaya kuwa kale oo ay horay dowladdaasi ugu [...]

Share on Facebook
Continue reading …

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah ay afduub u haystaan 185 badmaax iyo 13 doonyood oo ay ka doonayaan lacag madax-furasho ah. Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah tan iyo markii ay billaabeen dhaqdhaqaaqyadooda ay afduubteen saddex kun [...]

Share on Facebook
Continue reading …

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamuud Macalin Nuur ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay guul ka gaareen dagaalada ay kula jiraan Ururka AL-Shabaab. Maxamuud Macalin Nuur Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in inta lagu guda jiro todobaadka xuriyada Soomaaliya ciidamada dowladda ay soo [...]

Share on Facebook
Continue reading …

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay diyaar u tahay marti gelinta shirka lagu ansixinayo dastuuka cusub ee dalka. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay diyaar u tahay marti gelinta 825-ka Ergo ee ansixinaysa dastuurka cusub. “Magaalada Muqdisho waxa ay diyaar [...]

Share on Facebook
Continue reading …

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka hadashay afduubkii shalay loo geestay shaqaalo u shaqeynayay hay,ado samafal kuwaasi oo laga soo afduubtay xerada IFO labo ee Gobalka NFD. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo la hadlayay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in falkaasi ay aad uga xun yihiin islamarkaana [...]

Share on Facebook
Continue reading …
Abwaan Cabdirashiid Sheekh Biixi’ 1 Luuliyo Waa Maalin ku weyn Quluubta shacabka Soomaaliyeed Baal Dahab ahna ka xardhan Sooyaalkii Taariikhda Soomaaliya

Abwaan Cabdirashiid Sheekh Biixi’ 1 Luuliyo Waa Maalin ku weyn Quluubta shacabka Soomaaliyeed Baal Dahab ahna ka xardhan Sooyaalkii Taariikhda Soomaaliya Maalinta 1 Luliyo oo sanadkaan 2012 ay ka soo wareegtay 52 sano waa Maalin Ku weyn Quluubta Shacabka Soomaaliyeed Baal dahab ahna kaga Xardhan Sooyaalkii Taariikhda Soomaaliya,waa maalin lama ilaawaan ah oo qof kasta [...]

Share on Facebook
Continue reading …
Guuto ciidamada AMISOM oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Sida ay QARANIMO u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah qarax miino ayaa waxaa kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM lagula eegtay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa lala eegtay mid ka mid ah gaadiidka AMISOM kaasi oo halkaasi ku gubtay islamarkaana la [...]

Share on Facebook
Continue reading …
Abaaraha Galbeedka: Ka Kacaay Ka Kacaay Fadhiga !

Waxaa markhaati ma doon ah in raxan-raxan dadkii gubanka ku noolaa ay u daadanayaan, dhamaan duunyadoodiina xasuuqantay. Maaha arin curad ah balse waa natiijadii abaar macaluul isku rogtay oo afar jirsatay. Masiibadan iyada ah waxaa maqaal qaylo dhaan ah aan ka qornay 27-kii September 2011 Qaylo Dhaan: Abaaraha Awdal/Salal/Gabiley. Wakhtigaas oo xaaladu bilowday inay faraha [...]

Share on Facebook
Continue reading …