| QOL – Sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeyay uu soo gaaray caasimada Muqdisho hogaamiyihii hore ee Ururka Xizbul Islaam markii danbana ku wareegay Shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys oo magangalio doon ah xiligaan.
Warka ayaana sidoo kale sheegaya in Sheekha iyo afar ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah ay ku weheliyaan safarkaan oo la ogaan doono saacadaha soo socda ujeedkiisa waxa ayna dooni yar kasoo raaceen magaalada Baraawo halkaasi oo uu mudooyinkii ugu danbeeyay ku dhuulaameysanayay Sheekha.
Sheekha iyo raxan ka tirsan Ilaaladiisa gaarka ah ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen habeenimadii xalay aheyd guriga uu ka daganyahay Muqdisho ninka ay isku beesha yihiin ee isbadbadalka badan Gen Yusuf Siyaad Indhacadde ayadoona saacadaha soo socdana la filayo in si toos ah loogu soo bandhiga saxaafada.
Sheekha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waxa uu ahaa nin si gaar ah ugu soo dhuun daloolalay sidii uu wax ula qeybsan lahaa DKMG Somalia maadaama dhowr jeer oo hore ay isku dhaceen hogaanka sare ee Ururka Alshabaab oo si xoog ah ugu biiriyay Ururkooda.
Khilaafka u dhaxeeya Sheekha iyo Shabaab ayaa maanta kusoo idlaaday in si dhuumaaleysi ah uu u soo galo Muqdisho xili Shabab dagaalo qaraar ay kula jiraan ciidamada huwanta ah ee magaca AMISOM ku howlgaleyso.
Gen Indha Cadde oo haatan ka dalaal ah Sheekha ayaanan wali ka hadlin arinta Sheekha mana jirto ilaa haatan cid si toos ah uga hadashay arinta sheekha iyo in si toos ah uu ugu biirayo dhanka DKMG Somalia.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
ASCW, Waa aragtidayda wax la yaab leh ma ah in Sh. Xasan Daahir Aweys iyo kuwa kaleba ay caaqibadooda noqon doono inay god ku dhuuntaan, sababtoo waxay lumiyeen fursado fara badan
Odaygaan nacaska ah is dhiibitaankiisa macno weyn kuma fadhiyo, laakiin waxaan dowlada sharafta leh ka codasaneynaa haddaanu nahay shacabkii dulmanaa ee aad xureyseen in munaafaq Xasan Nijaas aad maxkamadeysaan laguna xukumo Qoor-Goysmo…. XAQA FEERAHA AYUU KA DILAACAA
ALLAAHU AKBAR
Asc waxan dhihilaha xasan dahir aweys maxkamad in lasotago gadibna ladaldalo islamka sidusan udhibin shartisa ay uga nabad galan
warkaan ma sugna u maleen maxaayeelay cid kale ma qorin idinka ma ehee marka haduu saxyahay war qarsoomi karo ma eheyn waana la soo wada qori lahaa
Xasan dahir waa tuug aan caqido haysan away jahaahdku ku fani jiray muxu manta isu dhiibay taasi waxay cadayn u tahay in shabab ay yihin qandaras la yaal kuso duulay dalka somalia galaaftayna nolosha kumanan shacbi ah sidas darted duqa hala daldalo cinqabtisu wasida hadi laysku dayo in qabiil lagu badbadiyo waxa dhacayso in godane uu asna badbado sidana lagu galo cawaqif xumo mida hada jirto kadaran (ALQACIDADI somalia way cadahay inay burburtay)
Sheydhankan lugaha iyo kacmaha kajara sinadaya
Waxan leyahay ninkan halaga jaro lugta midig iyo gacanta bidix ayadoo lodalishanaayo waxii u daliishan jiray ama waqadicu dariiq oo umada ayu dhici jiray waxu lunsanjiray hantidoda waxu ku ciyaray nasabkoda luga iyo gacmaha kajara sina daaya
Tani hadii eey runtahay waa fududahay duqa waxii laga yeeli lahaay waase hadii larabo nabad waarto
1- waa in fagaaro lagu toogto
2- hadii kale heeg lageeyo
3- hadii layeeli waayo intaa duqa halagu salimo
dadkii somaaliyeed uu eheladooda laayay
si eey meel fagaara ah ugu dildilaan dagax
tasi waa naxariis loo sameeynao duqa silooga daahiriyo
danbigii oo kagalay dadka somaaliyeed
mhds
Xasan dahir wa qiyaanole wuxuna gatay nolosha kumanan dhalinyaro somaliyed qaarkodna wuxu ku qasbay inay is qarxiyan oo ay layan ardaydi, culumadi, dhaqatirti iyo akhoonyahanada dalka marka yan la cafinin waa gacanku dhiigle weyn yanan laysku dayin in qabiil in lagu badbadiyo
Aniga waxan qaba wax ala iyo wixi haben qawarij noqday haday tobadkenan iyo haday tobad keninba qudha halaga joro wayo khawarij tobad maleh
Asc sheekh xasan daahir haduu isi soo dambi malehe midi afleh halagu bireeyo
Ninkan nacaska ah ee Mustaqbal la baxay cabsi darteen, Sheikh Cali waa madaxweyne ku xigeenka wadanka, wadankaana isaga ayaa xukuma, marka qolada Ugaandeeska naf mooday ee hooska ka gashan nafina biday sida adiga oo kale maahin.
Waxaana ku dhihi lahay Ugaandeeskaada gebdhaha u geey, Sheikh Cali iyo reerkiisu waa xor wadanka meesha ay doonaan ayay ka mari kara iyaga ayaana u dambeyn doona Inshaa Allaah.
Ee cuqdada iska daa.
Nabee hadda ayaan ku biiraa shabaab, waa haddii ay run noqotee, sababtoo ah Shabaab waxaa ii cadaahee in aya jid saxa ku taaganyihiin. Dhamaan wixii qashin iyo qabiiliiste daneyste ahaana xaqqa kuma noolaan karaan.
Viva alshabaab, hadda ayaana idinka mid noqondoonaa inshaa allaah haddi tani run noqoto.
Usa maleynmaayo in ay runtahay.
Wahabbiyiinta Soomaaliya ku soo faafay dagaalladii sokeeyey ka dib ee dhiigga dhigay dheeg wali ba oo dalk ah, ugu dambayn isku waddo ayey mareen kuna soo sunsumeen isdhiib iyo kala carar, ayagoo carruur badan iilka u jiiday hooyooyin badanna goblan ka dhigay. Diintii Soomaaliya timid ee dagaalka ku salaysnayd gunaanadkeedii wa kaas.
Guud ahaan se meel wal ba oo Wahaabbiyiintu ku faafaan waa eber iyo nolol-ka-dhac. Ninkaan waa in uu sidaas awgeed noqdaa tusaalaha ugu dambeeya raggaas dhiigyo-cabka ahaa ee garka waaweyn ee caloosha weyn ee Sucuudigu xagjirnimada ku soo lifaaqay, oo tiirka la geeyaa oo luxudka lagu tuuro; waa haddii caddaalad jirto, haddii loo damqanayo carruurtii looma-ooyaanka la oran jiray, haddii nabad waarta la helo iyo haddii hagardaamooyinkii shalay laga si qumman looga garwaaqsanayo inta ba.
Waad mahadsan tihiin.
ASKERI TALO XUME,NINKII SOO JOOG LAGA WAAYO……… .
NINKAAN WAA DENBIILE DAGAAL SOMALI BADAN AYUU CUNAY MAXKAMADA CALAMIGA HA LOO GUDBIYO.
NINKII SOMALI AH EE ISKU DAYA IN UU DIFAACO MUJRIMKAAN KU TALO GAL IN AAD QAYB KU LEEDAHAY DHIIGII DADKII UU CUNAY.
SOMALI OO DHAN ISHA AYEEY KU HAYSAA MEESHA UU KU DAMBEEYO MUJRIMKAAN .
ASC
SHEEKH XASSA DAAHIR AWEES ALLAHA XAFIDO MAR HADDII UU U YIMID IN UU BARAKEEYO DKG WAA ILAAH MAHADDIIS , WAA IN LA BARA KEESTAA SHEEKHA
WAA ABUL MUJHID
mr sheeq daahir awees is dhiibitaankisa wax mico leh ma sameeynayso waayo warkiisa waa intee ka baxaa waa mee alla Marka uu waayay sheeq meel uu ku fakado ayaa lays dhiibaa caqligaas ma shaqeeyo malaayiin qof ayaa u dhimatay wadanka in ay ku soo noqdaaan amxaaaro ugaandhees wadanka in uu faraha ka baxo sheeqa ka masuul ah maamulkaan xunka haduu iska raaci lahaa dhibkaaan ma dhaceen markii la doortay sheeq shariif waa uu ka hor yimid oo waxa uu dhisatay xizbul islaaam xisbigii islaamka marka ay al shabaab u xoog sheegteen sheeqa waxa uu isku dhiibay al sahabaab meesha uu ka raaci lahaa dowalada markii al shabaab af dhulka loo galiyayana waxa laysku dhibaa dowalada hadiiba nin jeclays tahay waa in lawada cafiyaa hogaanka oo dan sida sheeq cali dheer godane al masuur dhamaan ama in laga bilaawo sheeqa meel fagaaraha lagu dilo si ay meesha ugu baxado nin jeceeylka
ninkaas hadii ay isi soo dhiibaan shabaabka gobolada dhexe kadagaalama oodhan haloo ogalaado in uu xabsi guri ku noolaado
hadii kale hala gawraco dadkii muqdisho iyo puntland suu u gawrici jiray
intaas wixii kasoo
Ninkan gacan ku dhiiglaha ah, su,aal ayaan xasuustaa Berigii Asmara uu joogay la weydiiyey, waxayna ahayd MAXAA LA ISKU HAYSTAA- wuxuu ku jawaabay waxaa la isku haystaa KURSIGA IYO CIDDII KU FADHIISAN LAHAYD, hadaba, maxaa laga yeelayaa maanta Ma wixii baa loo yeeli oo meelbaa loo dhiibay mise Ummaddii u xasuuqsay ayaa la weydiin- waxaase ka daran afar wejiilhii ugu weynaa ayuu soo magan galay (BISMILAHI WA KAFAA BILAAHI). malaha Qabiilka cayrku waabay u dagaalami doonaan-BAL AAN EEGNO!
xasan daahir wa ninki lahaa wa dagaalameeynaa marki casmara ka yimid ilaa hadda dadka dhimanaayo asaa ka masuula shabaab oo wadanka laga saarey dib u soo celiyey waxaa is weeydiina xasan daahir haddii dad yeeshey cali dheere/cali xoolo) tol maqabo miyaa mise waa iska kuweeydi la sheegayey meey keenaan muqdisho.