Kenay oo si toos ah uga mid noqotay AMISOM

 | QOL - Isaga oo ka hadlayay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Kenya Yuusuf Xaaji ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Kenya ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada AMISOM ee ka howlgalka ka wada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM aysan haysan dhaqaale ku filan, waxaana sidaasi awdeeg uu ku baaqay QM in bixiyaan qarashaadka ciidamada AMISOM.

Gudoomiyaha amaanka iyo Nabadeynta Midowga Afrika ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in soo dhaweynayo in ciidamada Kenya ay si rasmi ah ugu biirto ciidamada AMISOM , waxaana uu ku tilmaamay talaabadaasi mid guul ah.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay Soomaaliya bishii Octobar ee sanadkii 2011 kadib markii ay afduubyo isadaba joog ah laga gaystay dalkaasi taasi oo lagu eedeeyay Al Shabaab.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 3, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.