| QOL - Horyaalka kubbadda cagta ee kooxaha heerka kowaad oo ah mid sanadkiiba Mar la qabto ayaa waxaa lagu wadaa in galabta uu ka furmo garoonka Jaamacadaha ee magaalad Muqdisho, iyadoo sanadkan ay ka qayb galayaan 8-Kooxood oo heerka koowaad ah.
Horyaalkan 37-aad ayaa la saadaalinayaa in uu noqda mid aad u xiiso badan Maadaama kooxaha ay si weyn ugu diyaar garoobeen ka qayb qaadashada Tartankan, iyadoo kooxo dhowr ah ay cayaartooy kala yimaadeen dalka dibaddiisa si ay isu dhisaan.
Cali Shine oo ah madaxa tartamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliyeed oo La hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xiriirka uu si wanaagsan u soo qabanqaabiyay ciyaaraha horyaalkan, isagoo intaa ku daray in galabta lagu furayo tartanka kooxaha Elman iyo Badbaado.
Isagoo hadalkiisa sii watta ayuu xusay sababaha keenay dib u dhaca ku yimid horyaalka oo lafilayay in 1-dii bishaan uu furmo, ayaa waxa uu tilmaamay in Garoonka ay ka socotay shaqo dib u dayactir ah.
Bilaabashada horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli shacabka ku dhaqan 16-ka degmo ee G/banaadir ay in badan baahi weyn u Qabeen daawashada cayaaraha kooxaha heerka koowaad ee kubdadda cagta Dalkeenna Soomaaliya.
Share on Facebook
![]() |
waxaan ahay shasi jecel isboortiga waloow aan ahaa goodoomiye ussy
hadana ku nool usa waxaan jeclahay in aan ta geero isboortiga
waxaa ahaay shaqsi jecel isboortiga welina waa jeclahay madaama aan joogo dalka usa