Qaybtii 1aad ee qisadii:”Ila OOY!!!”

 | SHEEKO  - W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) - Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Waa subax qurux badan, inkastoo aan heeysanin nolol aan heeysanin sadax bilood ka hor.

Waxaan ka soo guurnay dal ka mid ah dalalka Galbeedka, waxaana na soo waday nabadii caatowday ee ka soo iftiintay caasimada dalkeena Soomaaliya, anagoo u fakareyno mustaqbalka caruurteena yaryar, oo cunuga ugu weeyn yahay 10 jir aan ku dhalanin dalkiisa hooyo.

Magaaladaan wixi dalxiis, badda aad, shobin soo samee, u dir asaxaabti aan kaga soo tagtay Galbeedlka hadiyadu qaali ah, iyo waxeey sheegtaanba waa dhamaatay, nabad iyo farxad adba ma aragtay?! Dal gubtayooy Yaa ku leh?! Dad waashoow Yaa idin dhalay?  Murugada tirada badan iyo  tiiraanyada sanadaan danbe qaas ahaan sidaan u guursaday oo aan hooyada u noqday waxeey aheeyd mid  joogta ah.

Waxaan ka walwalsanaa in aan ka dhinto caruurtayda, iyo ninkayga, oo aan ogahay in aysan jirin qof aniga ii bedeli karto. Inkastoo caruurtayda ay qabaan ayeeyo boqorad ah, hadane waa qof iska waayeel ah xiligaan kadib, una baahan ayada xanaano iyo qof u adeega, sidaas darteed markasta oo aan i sku fiirsho waxaan iskaga cabsadaa in Illaah igu cadaabo dhibaatada aan ku soo kordhiyay noloshayda hadii aan dhinto, maxaayeelay ma aqbali doonto in qof kale la wadaago korinta ilmaha wiilkeeda.

Aniga iyo malukulmawdaka geerida waxaan u nahay deris sida laba qof ee sida dhabta ah u degen isku meesha, kana dhexeeyaan waxyaabaha badan, dagaal dheerna iskula jiro, oo qof  rabo kuma jiro in laga guuleeysto. Waxaan xasuustaa in markii aan aha gabadha aan la yaabi jiray murugada iyo walwalka aan ku haayo hooyaday, subaxkastana markii aan baxaayo ay wanaada iyo wax u sheega igu jireen, iigana ilaalin jireen in aan ka mid noqdo dadka aan meeydkooda la duugin ee jirkooda oo aan laga aqoonin kan dadka kale la soo gurbiyo ee halka qud lagu shubo.

Hooyaday waa necbeed waligeed Muqdisho, markastana in aan ka guuro waa jecleed, waana ila yaabi jirtay markii aan diiday in aan guuro, oo xataa aan ninkayga isku muranay, guurkeena qatar weeyn ku geli gaaray. Mana fahmin waxa dadka i jecel ii diidaayeen ilaa aan subax ka mid ah subaxyada tirada badan ee aan noolaa ka kacay anigoo codka i xirmay, indhuna i gadooteen ooyin darteed, noloshuna ila qaraaraatay, malakulmawdna iiga baxay balantii oo iiga tagay aniga dunida meesha uu iga qaadan lahaa, oo murugada aan arkay iiga qarin lahaa.

Nolosha aan ku noolnahay hadii aan nahay waalidiinta waa mid xaqiran. Waxaansa ka nasiib badanahay hooyadu wiilkeeda weeynaaday maskaxdiisa dad kale kala wareegeen inta ka dhaqeen waxwalba ee wanaagsan ee horteeda inta qorayga ku qaatay, dilaayo walaalkeeda ama asiga walaalkiis/walaashiis, ama madfaca oo soo tuuray ku dhacaayo dadka ay dunida ugu jeceshay. Haa taas ayaa ka jirto qof aan ka nasiib badan.

Xalay roob yar ayaa da’ay, oo subaxaan carfiyay xaafadeena, waxaana sidii caadada ii aheeydba diyaarshay quraacdii ninkayga iyo caruurtayda, maadaama gabadha shaqaalada ah ee xalay naga soo dhaxday, saakayna ay u muuqato in aysan weli imaanin. Waxaa soo kacday ninkayga hooyadiis, kadibna caruurtayda yaryar oo labadooda waa weeyn ay ayada la seexdaan, la’aantoodna ay tahay in nafta laga qaadaa, oo ilaa maalinka ay dhasheen ilmaheena ayadaa baalka ku heeysatay, oo wiilkeeda oo ah halka wiil oo ay wiil ka qabto ayaa dhalay, hadane aniga si xad dhaaf ah ayaan isku jecelnahay, oo sida hooyaday i dhashay ayeey iila dhaqantaa, taas oo keento in aan kala jecleen in aan u ahaadu ilmahayga hooyo kaligay.

Subaxaan markaan miiskii quraacda soo wada fadhiisanay, qofwalbana iska fiigsanyahay, oo dagaalada magaalada dhinaceeda kale ka jiro, madaafiicda iyo xabada dhacaa waa wada maqleeynaa, ayaa marlabaad waxaa bilaabatay dood aan aniga iyo ninkayga horay ugu soo daalnay, oo ah in aan iskaga guurno Muqdisho. Ana sidaan waligayba ku jawaabii jiray ku jawaabay oo aheeyd inuu ilmaha noo kala qaybsho, aniga aan la haro kan ugu yar, asna uu wato labada waa weeyn iyo hooyadiis kalana dhaco meesha uu doono, hadii kale meel aan aheeyn Muqdisho ma ku noolaaheeyno.

Laba mar ayaa la xirtay intii dagaalkaan socday asigoo lagu eedeeynaa inuu ka mid yahay raggii maxaakiimta maal gelin jiray, welina maal geliya. Laakiin nasiib wanaag markiiba waa la galay arinta, oo waa iska soo daayeen. Markaan alaabtii lagu quraacday sii bixinaa ayaa waxaa timid gabadhii adeegtada aheeyd, waxaana iskaga soo kay dhacday in aan aado magaalada maantay, oo inta alaabtii kushiinka geeyay gabadhii kala balamay qadada, iyo xiliyada ilmaha laga keenaa iskuulka iyo dugsi oo taksiiilaha ayaa doono innta badan, laakiin aan rabo in ay soo xasuusiso oo aan ilmaha la hilmaamin hadii aan soo daaho.

Waxaana ku soo laabtay qolkii fadhiga oo weli ninkayga oo subxaan caajis ka muuqdo, aan rabin inuu shaqo aado, xabadaan iyo dagaalka magaalada feker weeyn ku haayo ku iri:” Macaane waan is raaceeynaa saakay, aniga magaalada aan u socdaa, Bakaaraaha!” Asigoo qoslaa ayuu i soo fiirshay, oo sadaxda bilood oo dagaalkaan dhiiga ah socdo maanan ka bixin guriga, in aan ilmaha ka doonto iskuulka maahane, waxuuna igu yiri:” Bakaare nabadgelyo kama jirto, ee ma iska joogtid macaaneey? Wixii aad rabtid anigaa horay kuugu soo qaadaa ama taksiilaha kaga dirso magaalada, saas ayaa ka fudude..!” Inta soo ag fadhiistay ayaa ku iri:” Maya waxaan u xiisay magaalada, waana baxaa sikastaba, adiga kaalay waxa aad iga qarineeysid badanaa oo magaalada ka dhacaayo?..!”  Fudool ayaa u iri erayadayda danbe, balsa ninkayga waxeey u aheeyd cadeeyn buuxdo, oo ku fahmay in aan yeeli doonin in aan ka haro. Asoo yaaban ayuu istaagay oo soo labistay, ana sidoo kale.

Markaan ilmahayga macsalaameynaayay cabsi ayaa gashay, oo sida in aan dib u arki doonin ayaan mid kasta iskugu dhejiyay, si fiican kala dardarmaayay ayeeyadood iyo adeegtadaba. Markaan imaanay xafiiskii ninkayga oo sodon daqiiqo u jiray xaafada aan degenahay ayaa mobiilka ninkayga soo dhacay,, waxaana dareemay markiiba in musiiba dhacday, balsa ma garanin dadka ay ku dhacday, markaan weeydiiyay iima jawaabin, oo waa isku kay dhuubay sida inuu i cugsanaa. Taleefankii ayaan ka qaaday oo aan la hadlay qofkii soo wacay, waa gabadhii adeegtada aheeyd, waxeeyna wadnaha iiga gooysay war aan jecleen, waxaan tuuray mobiilkii, iskana fujiyay ninkii igu dhiganaa, una cararay meesha albaabka iga xigo.

Waa iga soo daba orday, igana soo gaaray, waxaa soo socda baabuur tignika ah, xowli weeyna ku socdo, inuu fariinka goostay u muuqda, anigaa xigay dhinaca baabuur, laakiin tilaabta aan qaaday iyo ninkayga oo isku dayaa inuu dhinaca kale ii tuuro markaasna arkay tignikada iyo baabuurkii oo meeshaan lugta ka soo qaaday  ayaa is helay hal, halkaas oo ninkayga ku maryay baabuurkii.

Laailaaaha ilalaaaaah, dhiig ayaa isku darsamay….

Aqriste la soco qaybta danbe ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!”

Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan: samsam_1989@hotmail.com

______________________________________________________

W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 5, 2012. Filed under Faalooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.