Foolal cusub iyo Faro caddaana

 

Bashir M. Hersi

| FAALO - by Bashir M. Hersi - Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa kala guran, isu guran, wada guran, aan marna is gaarin la kalana guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma badalayaan! Mar quus yaa keeni, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku haynta dhacdada, mar qiyaas iyo malayn. Tan hore jeesatay, oo is qiblaysay, isna duuduubtay; nolosha qaarkeed geeri yaa dhaanta! Tan xigta qof walba iyo Gareedkiis, tan dambe rajo, oo noloshaaba ku dhisan.

Wadanka waxaa muddo rubuc qarni ku dhaw hagayey qawlaysato, mar qabiil dabada la gasha, marna quwado shisheeye, marka kalana qarash iyo laaluush. Qool walba u xiray sidii qaranku ugu qabbirnaa lahaa. Qawl iyo quwadba isugu geeyey inay qawmiyaddan kala qaarnaato, qar iyo gabi dheerba u fuushay inay guudka sare dalka ka joogto, dadkana ku gaamuriyo colaad iyo gaajo.

Talo ahaan waxaan dhihi lahaa, Xildhibaannada ha soo xulaan Odayaasha dhaqanka, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal. Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo argagixiso, sidaa awgeed, Oday dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.

haddaba su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulaa? Illeen maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Inta aanan ka jawaabin, midi waa inay caddaataa, waa inaysan soo xulin Odoyaasha dhaqanka madaxda maanta joogta, hadday soo xulaan waa “Waa Jugjug meeshaada joog” oo marnaba ma dhacayo wax isbadal ah, sidaa awgeed, ugu horraynba waa in raggaa laga ilaalshaa.

Haddaanse u laabto warcelinta weydiinta, ani ahaan waxay ila tahay in sidan loo xulo Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka: Ugu horrayn waxaa laga billaabayaa xulidda magacyada ma guuraanka ah, sida: Imaam, Ugaas, Boqor, Suldaan, Garaad, Malaaq, Isin, Beeldaajiye, Duub, Wabar IWM. Beelaha aan lahayn magacyda caynkaa ah asee isu dhigma, waxaa laga soo xulayaa Nabaddoonnadooda.

Middan waxaan uga jeedaa inaysan dhicin sidii shirkii Carta oo kale, in beelo aan lahayn Ugaas, aysan madasha shirka ku caleemasaaran Ugaas, illeen waxani waa dhaqan soo jireen ehe, oo ma ahan wax la dhoodhoobi karo laba galline, sidaa awgeed, wa in xulashadu ahaataa dhakawyada dhaqanka iyo dhuuxa Hiddaha, magacyada deegaanba si looga adeegsado, balse, isku wada mid ah, xagga shaqada iyo shiddadaba.

Markii qaabkaa lagu soo xulo, oo beel walba Odaga ugu magaca dheer, ee ugu sarreeya sallaanka dhaqanka la keeno, ayaa xilka dusha loo saarayaa, halkaa looga hari mayee, waxaa la hordhigayaa, in badbaadada Soomaali ay gacantooda ku jirto “Qoodh iyo Xero, Dhur iyo Dhaqan” inaysan beelinna, ay maanta mariyaan mudanka ay leedahay, haddii kale, ay ka dhacayso ma harto, waligood daba socon doonta.

Dhaartaa iyo dhaaya furkaa ka dib, ayey gudagalayaan soo xuliladda xildhibaannada, mid muhiim ah aan halkan ku xuso, waa inuusan xil noo qaban, qofkii wata tilmaamahan midkood, dastuurkana naloogu daro, sidii loogu daray inuusan madax noqon karin qofkii wata dhalasho shisheeye, sidaa si la mid ah, ayaan u dalbanaynaa, qodobbada Dastuurka in lagu daraa ay tahay waxay kala yihiin sidan:

  1. 1.   In ciidamada shisheeye, ee wadanka ku sugan waqti go’an loo qabto, si ay wadanka uga baxaan, illeen waxaa jira dareen xooggan oo laga qabo ciidamadaane.
  2. 2.   Qof walba oo ka qaybqaatay dagaalkii sokeeye, ciidan iyo rayid kuu doono ha ahaadee, dadka qaarse la ah inay yihiin Mujaahidiin ama xaq u dirir, waan filaa inaysan u baahnayn inaan anigu  magacaabo, inta hormartay ee geeriyootay naga daayee, inta nool naga jira.
  3. 3.   Qabqablayaasha wadanku  u afduubnaa, ee u diiday jid iyo jiho, dadkana ka hoojiyey hoyaad iyo harsiimo, dadka qaarse la ah mudanayaal ama Malaa’ig aan dambiba galin .
  4. 4.   Xaaraan ku naaxyada ku magacaaban Ganacsato, ee aan ganacsane, dhiigmiiratadda ah, marna afka u dhigto deeqda dunidu ugu yaboohdu dadka dhibaataysan, marka dambana isla deeqdii ama shay iyaga ay keenaan dadka kaga iibiya lacag dheeraad ah iyo Dollar adag
  5. 5.   Wadaaddada hubaysan iyo inta aragti, af iyo addinba ku taageertay, horaa naloo dagee, haatan yaan mar kale nala dagin.
  6. 6.   Aqoon yahannada qabiilku madaxmaray, waxna ku soo bartay canshuurtii dawladda, maantase ka door biday inay dalka kala googooyaan, ama inay beel u xamlanaadaan.
  7. Mudane horay uga soo mid noqday dawladihii la dhisay intii burburka lagu jiray, laga soo billaabo “Dwladdii Manifesto” ee Cali Mahdi madaxa ka ahaa, ilaa laga soo gaaro “Dawladda Shareecada” ee Shariif madaxa ka yahay.

Mudadaa intii u dhaxaysay, ninkii soo noqday: Madaxweyne, Ras’isul wasaare, Wasiir ama Xildibaan, waa inuusan dib noogu soo noqon, waxtarkooda iyo wax ku oolkoodba la arage.

Aqriste ha is dhihin, ninkan dad gaar ah ayuu colaadinayaa! Adba arag inaan kala reebin, ninkii horay noo soo maray, ee xil noo qabtay, xilligan ha noo kaadsho, hadduu doono markii marxaladdan laga gudbo, xil ha soo raadsado, balse, tooggan ha noo nasto ciyaari waa dambaysaaye.

Waxaa weydiini ka iman kartaa, ninkii aan xil qaban xilligii burburka, balse horay xil uga soo qabtay “Dawladdii Hantiwadaagga” sidee laga yeelaa? Ani ahaan, haddayba intaa aamus iyo isha ka daawo ku jireen, maxaa dhacay oo looga horjoogsanayaa? Sida loo helo ayaaba adage, inta la heli karo ha laga karorsado wax ay hayaan, inta kalase hareeraha ha laga maro.

          8. qofkii xil sare qabanaya, inuusan mushaar iyo biil lahayn, ee ku shaqaynayo iskaa wax u qabso iyo mutadawacnimo ama Folontari, Mushaar iyo biil midna aan la siin, dabcan waa in muddo loo qabtaa middan, aan bal daliil u doono qodobkane, Allaha u naxariistee, Abwaan C/qaadir Xersi “Yamyam” baa wuxuu shirkii Addis Ababa ee dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:

 

Waagii mudnaantiyo

Wasiir magac ku faanaa

Baabuur madaw iyo

Muraayadaha xiran jiray

Meelaha nacfiganale

Loo kala hor mari jiray

Maareeyana la noqon jiray

Gudbe maalmahoodii!

 

Waxa timid marxalad adag

Oo maamul sare iyo

Ninka madax u ciilqaba

Masuuliyadu qaadiyo

Kow dhaar la mariyaa

Tahay miiski soo gado

Musuqana dil baa tahay

Mushaar ma lihid shaqaduna

Maqrib ilaa subax

Ilaa qaranka maydkaa

Lagu hubiyo mel wacan

Wax jiraa muraayada

Halkaaseey maraysaa.

Isu gaynta qodobbadan yaa isugu soo ururaya cinwaanka qormada, ee ah: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” illeen foolalka cusubi waxay daaqadda ka saarayaan kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayee, faro Caddiduna, waxay meesha ka saarayaan dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo xinjirro daadiyayaasha.

Qormada waxaan ku soo af meerayaa miraha heesta: “Noogu dara Dastuurka” oo dhawaan ay soo saari doonaan kooxda “Qaylodhaan” heestiina waana sidan:

Noogu dara Dastuurka

 

Qabqablihii dagaalkiyo

Dirirtiyo shaqaaqada

Shacabkeena dilayee

Darxumada na haysiyo

Dulligana nasoo baday

 Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 Dadka kuwii qalaayee

Ka been sheegay diintee

Damiir laawayaashiyo

Dadqalkiyo Dhurwaagii

Ina dagay markii hore

Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 Xaaraan mid daaqoo

Danyarta iyo Agoonta

Ku dibbiray xaqoodii

Deeqdooda leexsada

Ganacsiga danleeyda

 Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 Doorkii horreetiyo

Kuwa Dowladihii hore

Dalka maamulkiisa

Darajiyo xil soo maray

Ee dumiyey daaraha

 Waa inaan dib loo arag

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow inaga jira.

 Xil ninkii u duubane

Dibitaatinimo raba

Iyo duqa magaalada

Doonayaa jagadoow

Duunyo kuuma haynee

 Deeq inuusan naga rabin

Noogu darra Dastuurkoo

Dadweynoow ogsoonoow.

 Duulkaan shisheeyee

Dabbaabaadka haystee

Dalka gebi ahaantiis

Degmo iyo ilaa gobol

Dacallada ka dhooban

 Waqti kama dambaysoo

Dalka ay ka baxayaan

Noogu dara Dastuurkoo

Dadweynoow ogsoonoow.

  

Dhammaad.

__________________________________________________________________________________

Bashir M. Hersi | brdiraac@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 6, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Foolal cusub iyo Faro caddaana

  1. a.c.w.w, waxaan oran karaa qoraagu wuxuu soo bandhigay maqaal aad wax ku ool noogu ah haddaan nahay ummadda soomaaliyeed, waana habka keli ah ee aan isleeyahay waa looga bixi karaa jahwareerkaan iyo dhibaatadaan ragaadisey ummadda soomaaliyeed. lkn waxaa iga su’aal ah ma lahelayaa in ay taasi dhacdo?, weliba dadka dawladdihii hore iyo tan hadda wax ka noqday, maya ayey ila tahay…………..

    ilaahaw soomaali maanta wey dhiban tahay ee dhibka ka saar.

    aamiin aamiin yaa ALLAAH.