| FAALO - by Bashir M. Hersi - Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa kala guran, isu guran, wada guran, aan marna is gaarin la kalana guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma badalayaan! Mar quus yaa keeni, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku haynta dhacdada, mar qiyaas iyo malayn. Tan hore jeesatay, oo is qiblaysay, isna duuduubtay; nolosha qaarkeed geeri yaa dhaanta! Tan xigta qof walba iyo Gareedkiis, tan dambe rajo, oo noloshaaba ku dhisan.
Wadanka waxaa muddo rubuc qarni ku dhaw hagayey qawlaysato, mar qabiil dabada la gasha, marna quwado shisheeye, marka kalana qarash iyo laaluush. Qool walba u xiray sidii qaranku ugu qabbirnaa lahaa. Qawl iyo quwadba isugu geeyey inay qawmiyaddan kala qaarnaato, qar iyo gabi dheerba u fuushay inay guudka sare dalka ka joogto, dadkana ku gaamuriyo colaad iyo gaajo.
Talo ahaan waxaan dhihi lahaa, Xildhibaannada ha soo xulaan Odayaasha dhaqanka, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal. Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo argagixiso, sidaa awgeed, Oday dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.
haddaba su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulaa? Illeen maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Inta aanan ka jawaabin, midi waa inay caddaataa, waa inaysan soo xulin Odoyaasha dhaqanka madaxda maanta joogta, hadday soo xulaan waa “Waa Jugjug meeshaada joog” oo marnaba ma dhacayo wax isbadal ah, sidaa awgeed, ugu horraynba waa in raggaa laga ilaalshaa.
Haddaanse u laabto warcelinta weydiinta, ani ahaan waxay ila tahay in sidan loo xulo Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka: Ugu horrayn waxaa laga billaabayaa xulidda magacyada ma guuraanka ah, sida: Imaam, Ugaas, Boqor, Suldaan, Garaad, Malaaq, Isin, Beeldaajiye, Duub, Wabar IWM. Beelaha aan lahayn magacyda caynkaa ah asee isu dhigma, waxaa laga soo xulayaa Nabaddoonnadooda.
Middan waxaan uga jeedaa inaysan dhicin sidii shirkii Carta oo kale, in beelo aan lahayn Ugaas, aysan madasha shirka ku caleemasaaran Ugaas, illeen waxani waa dhaqan soo jireen ehe, oo ma ahan wax la dhoodhoobi karo laba galline, sidaa awgeed, wa in xulashadu ahaataa dhakawyada dhaqanka iyo dhuuxa Hiddaha, magacyada deegaanba si looga adeegsado, balse, isku wada mid ah, xagga shaqada iyo shiddadaba.
Markii qaabkaa lagu soo xulo, oo beel walba Odaga ugu magaca dheer, ee ugu sarreeya sallaanka dhaqanka la keeno, ayaa xilka dusha loo saarayaa, halkaa looga hari mayee, waxaa la hordhigayaa, in badbaadada Soomaali ay gacantooda ku jirto “Qoodh iyo Xero, Dhur iyo Dhaqan” inaysan beelinna, ay maanta mariyaan mudanka ay leedahay, haddii kale, ay ka dhacayso ma harto, waligood daba socon doonta.
Dhaartaa iyo dhaaya furkaa ka dib, ayey gudagalayaan soo xuliladda xildhibaannada, mid muhiim ah aan halkan ku xuso, waa inuusan xil noo qaban, qofkii wata tilmaamahan midkood, dastuurkana naloogu daro, sidii loogu daray inuusan madax noqon karin qofkii wata dhalasho shisheeye, sidaa si la mid ah, ayaan u dalbanaynaa, qodobbada Dastuurka in lagu daraa ay tahay waxay kala yihiin sidan:
Mudadaa intii u dhaxaysay, ninkii soo noqday: Madaxweyne, Ras’isul wasaare, Wasiir ama Xildibaan, waa inuusan dib noogu soo noqon, waxtarkooda iyo wax ku oolkoodba la arage.
Aqriste ha is dhihin, ninkan dad gaar ah ayuu colaadinayaa! Adba arag inaan kala reebin, ninkii horay noo soo maray, ee xil noo qabtay, xilligan ha noo kaadsho, hadduu doono markii marxaladdan laga gudbo, xil ha soo raadsado, balse, tooggan ha noo nasto ciyaari waa dambaysaaye.
Waxaa weydiini ka iman kartaa, ninkii aan xil qaban xilligii burburka, balse horay xil uga soo qabtay “Dawladdii Hantiwadaagga” sidee laga yeelaa? Ani ahaan, haddayba intaa aamus iyo isha ka daawo ku jireen, maxaa dhacay oo looga horjoogsanayaa? Sida loo helo ayaaba adage, inta la heli karo ha laga karorsado wax ay hayaan, inta kalase hareeraha ha laga maro.
8. qofkii xil sare qabanaya, inuusan mushaar iyo biil lahayn, ee ku shaqaynayo iskaa wax u qabso iyo mutadawacnimo ama Folontari, Mushaar iyo biil midna aan la siin, dabcan waa in muddo loo qabtaa middan, aan bal daliil u doono qodobkane, Allaha u naxariistee, Abwaan C/qaadir Xersi “Yamyam” baa wuxuu shirkii Addis Ababa ee dhacay sanaddii 1993-dii ku maansooday sidan:
Waagii mudnaantiyo
Wasiir magac ku faanaa
Baabuur madaw iyo
Muraayadaha xiran jiray
Meelaha nacfiganale
Loo kala hor mari jiray
Maareeyana la noqon jiray
Gudbe maalmahoodii!
Waxa timid marxalad adag
Oo maamul sare iyo
Ninka madax u ciilqaba
Masuuliyadu qaadiyo
Kow dhaar la mariyaa
Tahay miiski soo gado
Musuqana dil baa tahay
Mushaar ma lihid shaqaduna
Maqrib ilaa subax
Ilaa qaranka maydkaa
Lagu hubiyo mel wacan
Wax jiraa muraayada
Halkaaseey maraysaa.
Isu gaynta qodobbadan yaa isugu soo ururaya cinwaanka qormada, ee ah: “Foolal cusub iyo Faro Caddaana” illeen foolalka cusubi waxay daaqadda ka saarayaan kuwii sanadaha silica siyaasadda hoggaanka u hayee, faro Caddiduna, waxay meesha ka saarayaan dhamman xaaraan ku naaxyada, iyo xinjirro daadiyayaasha.
Qormada waxaan ku soo af meerayaa miraha heesta: “Noogu dara Dastuurka” oo dhawaan ay soo saari doonaan kooxda “Qaylodhaan” heestiina waana sidan:
Noogu dara Dastuurka
Qabqablihii dagaalkiyo
Dirirtiyo shaqaaqada
Shacabkeena dilayee
Darxumada na haysiyo
Dulligana nasoo baday
Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.
Dadka kuwii qalaayee
Ka been sheegay diintee
Damiir laawayaashiyo
Dadqalkiyo Dhurwaagii
Ina dagay markii hore
Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.
Xaaraan mid daaqoo
Danyarta iyo Agoonta
Ku dibbiray xaqoodii
Deeqdooda leexsada
Ganacsiga danleeyda
Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.
Doorkii horreetiyo
Kuwa Dowladihii hore
Dalka maamulkiisa
Darajiyo xil soo maray
Ee dumiyey daaraha
Waa inaan dib loo arag
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow inaga jira.
Xil ninkii u duubane
Dibitaatinimo raba
Iyo duqa magaalada
Doonayaa jagadoow
Duunyo kuuma haynee
Deeq inuusan naga rabin
Noogu darra Dastuurkoo
Dadweynoow ogsoonoow.
Duulkaan shisheeyee
Dabbaabaadka haystee
Dalka gebi ahaantiis
Degmo iyo ilaa gobol
Dacallada ka dhooban
Waqti kama dambaysoo
Dalka ay ka baxayaan
Noogu dara Dastuurkoo
Dadweynoow ogsoonoow.
Dhammaad.
__________________________________________________________________________________
Bashir M. Hersi | brdiraac@hotmail.com
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
a.c.w.w, waxaan oran karaa qoraagu wuxuu soo bandhigay maqaal aad wax ku ool noogu ah haddaan nahay ummadda soomaaliyeed, waana habka keli ah ee aan isleeyahay waa looga bixi karaa jahwareerkaan iyo dhibaatadaan ragaadisey ummadda soomaaliyeed. lkn waxaa iga su’aal ah ma lahelayaa in ay taasi dhacdo?, weliba dadka dawladdihii hore iyo tan hadda wax ka noqday, maya ayey ila tahay…………..
ilaahaw soomaali maanta wey dhiban tahay ee dhibka ka saar.
aamiin aamiin yaa ALLAAH.