| FIKRAD / OPINION – Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa nin adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban ama aan si kale u iraahdo indhahaagii raago geel dhalaayana waa ku tusaan, taa waxaan ula jeedaa siyaasadda Soomaaliya ee gebi dhaclaha badan waxay na bartay erayo diiwaanka culuumta siyaasadda (political science) iyo maamulkaba ku cusub sida 4.5, LA GUDDOOMIYE iyo eray maalmahaan aad loo hadal hayo ee LA MADAXWEYNE tolow maxaa xiga??
Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya kadib shir walba oo Soomaalida loo qabto waxaa laga baranayay erayo cusub haba ugu weynaadeen erayadaas aaan soo xusaye walow kuwa kaloo ka qosol badana ay jiraan, ma is tiri curinta erayada aad baan ugu wacanahay walow aanan naloo ogeyn!! Shirarkii qorileyda (hoggaamiye kooxeedyada) iyo wax-magaratada ee wadanka dibeddiisa lagu qabtay waxay dhaleen dulli iyo xaq-dudsiiin tii adduunka ugu xumeyd ee taariikhda wadankeena soo marta waayo waa meeshii lagu ogolaaday in dadka Soomaaliyeed qaarkiis bar yihiin oo dadka intooda kale ka hooseeyaan. Halkaa waxaa kaaga cadaaneysa maangaabnimada iiyo aqoon darida heysay dadkii fadhiyadaas isugu yimid ee ogolaaday xaaraan cad oo aan meelna loogu soo gamban, xaq-darrada la galay iyo dambiyada intaa la eg ee walaalo kula dhashay loo geystay waa waxa keenay in ilaah nagu sallido damiir laawe kasta midba midka uu ka liito in hoggaanka naloogu dhiibo, taariikhda baal madow bay ka galeen kuwii ogolaaday iyo kuwii dhaqan galiyeyba waligeena dulli iyo bahdalaad ka bixi meyno illaa aan qirano dambigii aan walaalaheen ka galnay weydiisanana cafis.
Waxay horboodayaasha siyaasada jahwareersan ee dalkeena ku celceliyaan 4.5 xaq maahan ee xal baanu ku raadineynaa!!! war ma anaa waalan mase cadan baa laga heesayaa?? Goormee hal xaaraanu nirig xalaala dhali jirtay? Nin xaqiis miyaa nin kale xalkiis ah? Dulmi reero ma dhisee reeruu dumiyaa!! Eebbe sareeye ummaddiisa waxaa uu u sameeyey qabaa’il iyo shucuub si ay iskugu aqoonsadaan ee maahan inay ku kala sareeyaan balse Alle agtiisa waxaa ugu qiima badan kiina ugu taqwada badan. Kitaabkeena muqadaskaa kuma qorna in banii’aadamku kala sareeeyo oo uu midina bar yahay midina dhameys yahay xataa qawaaniinta gaaladu ku dhaqmaan ka soo heli meysid meel qofina dhicis yahay qofina dhameys yahay marka tolow xaq dudsiintan intaan la eg halkee laga soo min guuriyey??
Masiirka iyo aaya ka talinta malaayiinta Soomaalida ah wuxuu gacantooda galay qawleysato yar oo sharaftoodii iyo noloshoodiiba siistay san-dareerto yar oo ha dhimanoo ha noolaana, ogolaadeyna in dambi kasta iyo dulmi kasta loo geysto jamaahiirta si ay kursigooda u ilaashaadaan tiiyoo ay sii dheertahay inay iyagiina is aaminsaneyn oo buqnaha is goynayaan. Waxaa beryahaan idaacadaha heysta shir baa Soomaalida loo qabanayaa oo looga baxayo ku meel-gaarka looguna gudbayo xaalad dawladnimo dhameystirnaan ah, dwaladnimo aa!!!!! Uma fadhiyo!!!! Waayo waxaan weli la xalin oo aanan weliba diyaar loo aheyn in cafis la weydiisto raali-gelinna loogu daro dadkii sharaftoodii iyo karaamadoodii lagu ciyaaray oo iyagoo dadka kale ee dulmigaan jideeyey inay ka karti, dedaal iyo Soomaalinimo jecel yihiin maahane aan ka liidan xaqoodii la dafiray buug beenaadkana lagu qoray inay dhicis yihiine masiirka ummadda hoggaankooda aanay marna u qalmin.
Waxaan qoraalkeygaan yar ku soo gebagebeynayaa gabaygii qiimaha lahaa ee ALLE ha u naxariistee abwaankii weynaa Cabdulle Raage Taraawiil ka yiri arrimaha hadeertan Soomaaliya ka socda:-
Midka sida wax loo xado ugu xeelad badanaa xaaji
hebel la leeyahay
Xal la raadin maayee xujaa lagu fikirayaa
Waxa aan ku xiranahay xabsi guudku furan yahay
Xaafadaha kama hadlaan xurgufa dhaxdoodaa
Xukun dowli la`ida ayaan lagu kale xayiran yahay
Xasharaad waxaa kacay xabadu u salaan tahay
Xanta iyo xag-xagadka iyo xumaanta la jecelaa
Xurmada xishoodka iyo xasnaadka la necebaa
Xilka ummada loo sido ku xadgudubku badanaa
Xabadkaan ka toogtay iyo xinjir bixintu fududaa
Dadku soow xabaal iyo xisaab kama cabsanayaan
Xagee laga fikirayaa?[1]
________________________________________________________________
Maxamed Xaaji Xasan | Kacdoon@gmail.com
[1]Gabaygaan oo dhameystiran webkaas ayaan ka soo qaatay oo aaad ka daalacan kartaa http://xaqdoon.wordpress.com/2009/02/02/cabdulle-raage-taraawiil-allah-yarxamah/
Fadlan Caawi Walaalkaa Dhibaateysan!
DUULIYE ASLI XASAN CABAADE CALANSIDA OO WACYI-GALI...
Aragtida SSE ee wadahadaladii Somaliland iyo Sooma...
Barnaamijka doorashada Soomaaliyaa!!!
Somali Women Thrown in Shark-Filled Waters
Labo Codayn: Caado Soomaali Cadibatey! Q: 4aad
Shacabka Soomaaliya & xukuumada cusub
Somaliland: Indispensable Conditions for Restartin...
The President’s actions are disturbing!
Tusbaxna waa wataa Togane, towxiidkiisa waa Majeer...
Geelloow: horumarin af mise horseed aafo?! Q2AAD
IGAD's Shocking MOU
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |

acw
qarnayadii hore soomaalidu waxay ku dhaqmi jireen walaaltinimo,islaanimo,darisnimo,is xaq-dhoowr,dadkana is-jaclaayeen,waxna laysla cunni majiray,ma jirin kanaa ka sareeya iyo kaa hooseeya iyo dil,dhac,kubsi,handadaad iyo indha adeeg majirin,nin mooridiisa looguma xad-gudbin jirin,dadku waxay ku dhaqmijireen wanaag dulun iyo cadaadis,xaq-daro iyo sadbursi midnamajirin taariikhdu soomaalia waagaasi.xilligii isticmaarka waxaa loo dagaalamaayi midnimo 5(Shanta) Soomaaliya,qof kasta oo soomaali ah waxaa loo sheegaayi soomaali inay 5(Shan) tahay oona mid ah (somali unity) isticmaarka reer galbeedka europ ma oggola ilaa iyo hadda.22(labo iyo labaatankan sanno) waxaa noola keenay nidaam cusub oo ah 4.5 ku dhaqanka sharciga hadda ka jirto dalka.
ASC,,
Wallee wax baad iftiimisay yaase xaqiiqda raba????? Ilaahaw nasoo hanuuni xaqana na tus.