| QOL - Ciyaaraha xilliga kuleeylaha ee sanadkiiba mar lagu qabtoo magaalada Amsterdam ayaa sanadkan waxaa isugu yimid 12 kooxood oo kawada dhisan dalkan Holland,waxaana soo qabanqaabiya ciyaarahaasi Hay’adda HIRDA ee fadhigeedu yahay magaalada Amsterdam.
Sanadkan waxaa si gaar ah ciyaarahan loogu maamuusayey dadkii ku dhintay qarixii Tiyaatarka Muqdisho ee 4-tii April ay ku dhinteen bahweyn ciyaareed iyo xubno kale oo muhiim u ahaa nolosha Soomaalida,iyaddoo dhinaca kale dhaqaale loogu aruurinayey ciyaarahan abwaanka weyn ee Ahmadeey Abdi Gaashaan oo isagana dhaawicii maalintaasi soo gaaray la jiifa Muqdisho islamarkaana aysan dowlada waxba uga qaban dhibkiisa.

Ciyaarahan ayaa sanadkasta waxaa isku arka dhamaan kooxaha ka dhisan dalka Holland ee dhallinyarada Soomaaliyeed iyaddoo kooxdii halkaasi ka soo baxdana ay la hooyato koobka xilliga xaggaaga loo bixiyey ee Hay’adda HIRDA bixiso, waxaana sidoo kale sanadkan kasoo qeybgalay madax Sports oo ka yimid dalka UK oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha jaalliyada ciyaaraha London ee Dahir Ali Kulane,iyaddoo sidoo kale ay jireen wariyayaal ka socday TV-yadda Somalichannel iyo Universal TV oo ka yimid London iyagana ay goobta joogeen.

Fadumo Maxamed Farah oo ah horjoogaha ama hormuudka hay’adda ciyaarahan soo qabanqaabisay ee HIRDA ayaa ugu horeyn halkaasi ka hadashay,waxaana ay sheegtay in ciyaarahan ay sanadkasta u qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed kuwaasi oo si ay ku jirto xirfad ciyaareed sareysa kusoo bandhiga aqoontooda ciyaareed.
” Sanadkan waa kii 4-aad ee aan qabanayo koobka ciyaaraha xilliga kuleeylaha ee Amsterdam waxaana sanadkan ku kulmay 12 kooxood oo ka wada dhisan dalka Holland. ” Ayey tiri Fadumo Farah.
Dhinaca kale waxay sheegtay in sanadkan ciyaarahan lagu xusayey dadkii ku dhintay qarixii Tiyaatarka Muqdisho islamarkaana dhaqaalo loogu aruurinayey abwaanka weyn ee Ahmadeey Abdi Gaashaan kaasi oo aan helin garabkii uu mudnaa.
” Waxaan u aqoonsanay ciyaaraha xaggaaga ee sanadkan in aan ku xusno dadkii ku dhintay qarixii Tiyaatarka Muqdisho,iyaddoo dhica kale aan dhaqaale ugu aruurineyno Abwaanka Soomaalida ay jeceshahay ee Axmadeey Cabdi Gaashaan oo dhaawicii maalintaasi soo gaaray la jiifa,iyaddoo aan u muujineyno inuu heysto garab Soomaaliyeed oo qurbaha jooga islamarkaana dhibkiisa la qeybsanaya. Waxaa hadda lacagta aan u aruurinay Abwaan Axmadeey ay noqotay 1000 Euro oo loo dirayo isaga .Iyadoo ay lacagtan isugu jirto mid ay kooxaha isku soo diiwaan gelinayeen iyo mid ay dadkii yimid ciyaaraha ku bixiyeen inay uga qeybgalaan barnaamijya taakuleynta abwaanka.” Ayey tiri Agaasimaha guud ee Hay’adda HIRDA Fadumo Maxamed Farax oo la hadashay Shabakadda Warbaahinta.

Waxaana ay sidoo kale ammaan gaar ah iyo mahadcelin usoo jeedisay warbaahinada kasoo qeybgalay kulan ciyaareedkan ee kala ah Universal TV, Somalichannel, TV-ga Qaranka,Somali4all iyo Kismaayo24.com kuwaasi oo dadweynaha Soomaaliyeed usoo gudbinayey sida ay u socdeen ciyaarahan oo sanadkasta la qabto.
Batuulo Xaaji Nuur oo ka mid ahaa gabdhihii soo maray xulka qaranka Soomaaliya oo sanadkan aheyd xubintii furista iyo xirista kulankaasi laheyd ayaa waxay si weyn soo dhaweysay kulan ciyaareedkan,waxaana dhinaca kale ugu baaqday dhamaan dhalinyarada kasoo qeybgalay inay si weyn uga faa’ideystaan fursada ay siisay hay’adda HIRDA ee ah inay ciyaaraan laba xilli ciyaareed oo kharash badan lagu bixiyey.

” Waa muhiim in la dhiirigeliyo ciyaaraha dhallinyarada,waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Hay’adda HIRDA oo igu soo marti qaaday kulankan islamrkaana fursad dahabi ah siisay dhalinyaradeeda kul nool qurbaha.” Ayey tiri Batuulo Xaaji Nuur.
Dahir Ali Kulane oo ah guddoomiyaha jaaliyada sports ee London oo sanadkan markii ugu horeysay kasoo qeybgalay ciyaarahan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay isdhexgalka ciyaareed ee ka muuqata dhalinyarada Holland iyo Hay’adda HIRDA ee soo qabanqaabisay sanadkasta.
Ciyaaraha oo ahaa kuwa xiiso gaar ah lahaa sanadkan kadib markii ay isugu yimaadeen kooxihii ugu dadnaa ee dalka Holland ka dhisan ayaa waxaa haddana sanadkan soo xaadirin kooxdii ugu xirfada sareysay waxa ka dhisan Holland ee Rotterdam,taasi oo la sheegay inaysan waqtigii loogu talogalay isdiiwan gelinta ciyaaraha isa soo diiwaan gelin.

Ciyaartii ugu danbeysay ayaa waxaa isugu soo baxay labada kooxood ee kala ah Elman iyo Dordrecht waxaana ay aheyd midii ugu adgeyd ee maanta dhexmarta laba kooxood oo ka tirsan kooxihii isugu yimid halkaasi. Xilligii loogu talogalay ayaa labada kooxood midkooda usuurtageli weysay inay goobkaasi ku hanato.
Intaasi kadib waxaa lagu daray waqti dheeri ah oo ay isagana ku kala bixi waayeen,iyaddoo ugu danbeyntii loo gudbay gool ku laad ay labada kooxood ku kala bixi lahaayeen,Taasi ayaana keentay inay guusha ku raacdo kooxdii ka socotay magaalada Dordrecht oo sanadkan umuuqatay mid kusoo talogashay qaadashada koobkan.
Batuulo Xaaji Nuur ayaana gacanta u gelisay kooxda badisay koobkii iyaddoona si weyn ugu ammaantay ciyaar wanaaga ay muujiyeen.

Waxaa bixinta abaalmarinada wax ka bixiyey dad magac ciyaareed leh oo ay ka mid yihiin Magan Dahir, Koonfur Yare iyo Dahir Ali Kulane. Waxaana sidoo kale la bixiyey abaalmarinda kala ah,ciyaaryahanka ugu wanaagsan, kooxda ugu wanaagsan, tabbaraha ugu wanaagsan, ciyaaryahanka ugu goolasha badan iyo midka ugu eedaabta badan.
Sanadkasta bishan oo kale ayaa Amsterdam waxaa ka dhaca ciyaarahan oo kale waxaana ku kulma dhamaan dadka xiiseeya ama ciyaara kubada cagta,iyaddoo dhinaca kale ay qeyb arrintan ka qaadato dib usoo nooleynta kaalintii ciyaareed ee dhalinyarada qurbaha kusoo qaxay ee aan heysan fursadii ay horey ugu heysteen dalkooda.

Ka qeybgalayaasha ayaa ugu danbeyntii Hay’adda HIRDA uga mahadceliyey labada koob oo ay sanadkasta u qabtaan dhallinyarada ciyaaraha kuwaasi oo la kala qabto Xilliga qaboobaha iyo xilliga kuleeylaha, Waxaana ay kala socdaa mid 4 sano socda iyo mid 8 sano socda.




Yusuf Mohamed Abdi Yusuf | mrsomalia@hotmail.com
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login