| Bilicda xeebta liido ayaa ahayd mid aad u soo jiidaneysa dhaayaha qofka, saxansaxo udgoon ayaa laga dareemayay sidoo kale, mowjadaha badda ayaa ahaayeen kuwo aad uu degan oo qof kasta uu ku raaxeysanaayo. Xeebta Liido waxaa tamashle u soo aada dad aad u fara badan maalmaha khamiista iyo jimcaha.
Ururka dhalinyarada SYL-II oo inta badan u adeega howlaha horumarinta dhalinyarada iyo isku-xirka bulshada sida xirfad iyo shaqo u abuuridda dhalinyarada ayaa manta wuxuu ciyaaro kala duwan sida Orodka, Bootinta sare iyo midda hoose, Xarig-jiid, Legdan iyo ciyaaraha Hidaha iyo Haqanka ugu qabtay dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir xeebta liido oo ah meel maalinta jimcaha ah ay u soo dabaal doontaan dadweyne aad u fara badan.
Ciyaarahaan ayaa waxaa daawashadooda ka soo qeyb galay dhalinyaro boqolaal gaaraya oo ka kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir aadna ugu faraxsan ciyaaraha iyo damaashaadka xeebta ka dhacaaya.
Sidoo kale, ciyaarahaan waxay sagootin u ahaayeen Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan oo manta safar caafimaad ugu socday dalka talyaaniga. Gaar ahaan, kooxda hidaha iyo dhaqanka SYL-II ayaa waxay ku sagootiyeen Abwaanka mid ka mid ah ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka(DHAANTO) oo aad looga ciyaaro dalka Soomaaliya oo loogu bandhigay Abwaanka barxaddii hore iskaashatada gaadiidka, Kasoo horjeedka EX-Fiyoore. Hal-ku-dhiga ciyaartaan ayaa ahaa “Dhaantadu dhimatayee dhulkey ku dhacday.” Abwaan Axmadey oo ay garabkiisa taagnaayeen Abwaanada Cabdi Dhuux iyo Cabdi jacaf ayay si wadajir ah mahadnaq ugu jeediyeen kooxda hidaha iyo dhaqanka SYL-II.
Ciyaarta orodka ayaa laga bilaabay Taaladii hore SYL, waxaa ku tartamaayay 22 orodyahano oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir, gabangabadii ciyaarta orodka ayaa ku dhamaatay xeebta liido iyadoo kaalinta kowaad uu galay Suleymaan Ibraahim Qaasim oo ka socday degmada Wardhiigley.
Gabangabadii ayaa kooxda Hidaha iyo Dhaqanka SYL-II ay ku soo bandhigeen ciyaaro hido iyo dhaqan ah xeebta Liido oo ay daawanaayeen boqolaal dhaliyaro ah oo wajiyadooda ka muuqato farxad, sacabkuna is-qabsaday oo ciyaarahana loo boodaayo wiiilal iyo gabdho, runtii taas waxay ku tusineysaa nabaddu qiimaha ay leedahay iyo dadku in ay mideysan yihiin, waxa ka maqan kaliyah in ay tahay nidaam iyo kala danbeyn iyo in loo abuuro xirfado iyo shaqooyin.
Source: Radio Muqdisho
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
maanta maanta waa maalin weyne maanta waa farxad iyo ilaahay xamdigiis hadii maanta ilmihii ay xeebtooda ku ciyaarayaan oo badii ku dabaalanayaan waa ilaahay xamdigaas leh.ilaahow dawladnimada inoo adkee ilaahow ciidankeena korka yeel ilaahow guusha inoo dhameystir,ilaahow dalka inoo hagaaji aamiin nabad iyo barwaaqo iyo deganaan ilaahow dadkeena iyo dalkeena korkooda ka yeel