Gabadhii ka dhanbeeyay dhaawicii wariye Shariif oo la qabtay

 | QOL -  Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu arkay arin layaab leh oo ka yaabisay shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo shaac baxday cidda dhabta ah ee soo hagtay kuwii dhaawaca culus u geystay Wariye Maxamed Nuur Shariif.

Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay saakay ay hawl-galo ballaaran ay ka sameeyeen Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, iyagoona ku soo qabtay gabar dhalinyaro ah, oo soo maleygtay dhaawacii loo-geystay Wariye Maxamed Nuur Shariif.

Inta aysan gacanta ku soo dhigin gabadhaan ayaa waxay xalay hawl-galo ay Ciidamadda Dowladda ka sameeyeen Degmada Xamar Jajab, waxayna ku soo qab qabteen seddex nin oo dhalinyaro ah, kuwaasi ayaana soo sheegay in gabadhani ay soo maleygtay dhaawaca loo-geystay wariyaha.

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Somaliya Mudane Maxamed Cali Axmed, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in dhaawaca loo-geystay Wariye Maxamed Nuur Shariif, ay ka dambeysay sida uu sheegay gabadhaasi.

Gabadha ayaa wuxuu sheegay inuu u maleynaayo inay ka tirsan tahay Xarakada Al Shabaab, laakiin wuxuu sheegay inay ku soconayaan baaritaano ballaaran, goor dhaw-na la-kala ogaan doonto sida uu sheegay cidda ay ka tirsan tahay.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeysay ay weeraradeeda u adeegsaneysay hablo dhalinyaro ah, oo ay ugu baaqeysay inay ka qeyb qaataan dagaalada ay kula jiraan dhinacyada kale ee ka soo horjeeda.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 9, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.