| QOL - Sidee buu ahaa jawiga Xalay Magaalada Warsow iyo Natiijadii Kulamadii la Ciyaaray
Caasimada Wadanka Poland ee warsow Waxa uu xalay Jawigeedu ahaa mid ka badalan Sidii Hore Magaalada Waxaa Laga Dareemayay Saansaan Isboorti, Waxaa La arkayay Garoon Dedan oo ay a dhaceysay Ciyaarta iyo Goobno ka ag dhow Garoonka oo Lagu iibinayay Cafe, iyo Macmacaanka, Wadooyinka Caasimada waxaa dhex scday Gaadiidka Rakaabka oo si Raaxo leh u Marayay labada Wado ee isaga kala dhex goosha Magalada.
Saacdu Markii ay aheyd Geeska afrika 6-45 Daqiiqo ayaa Mar kaliya Garoonka Dednaa ee Ciyaartu ka Bilaabeysay Euro 2012 waxaa gudah u soo Galay dhalinyaro Rag iyo dumar ah iyo Koox Fanaaniin ah oo Halakasi ku soo bandhigay Heeso iyo Mahrajaano, Kooxaha maharajaanka Sameynayay ayaa ugu Dambeyntii ku soo Gunaanaday astaanta Ubaxa ee uu ku caan yahay Martigalinta Koobka Euro 2012 ee wadamada Poland vs Ukraine.
Run ahaantii Caasimada warsow ee uu Ka Bilowday caawa Koobkii 14 ee Euro 2012 waxaa la Oran Karaa Munasabadaasi waxa ay aheyd Mid taariikhi ah.
Garoonka ay ka dhaceysay Ciyaarta waxaa soo Buux dhaafiyay Masuuliyiin ka Tursan Uefa oo uu ugu Horeeyay Gudoomiyaha Uefa Michel Platini,Madax ka Tirsan Xukuumada Poland,Khubaro Isbooti,wariyaal ka kala socxday warbaahinta Caalamka iyo dadweyne Fara badan oo Buux dhaafiyay garoonka.
Kulamdii Xalay La Ciyaaray ee Guruubka A euro 2012 waxa ay xulalku isku arkeen sidaan
Poland vs Greeca 1-1 Xulak Greeca waxa ay iska Lumiyen Rigoore qeybtii Danbe waxaaan ka qasaariyay Kabtankooda lambarka 10 Kragnounas oo ka mid ahaa Xidigihii u qaaday Koobkii Euro 2004 ka dhacay Dalka Portuqal
Russia vs Czach Repeblic 4-1 Ciyaartaan waxaa Gacan sareeyay Xulka Russia oo ay loodin kari waayeen Xulkii ka soo Horjeeday.
Waxaa diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’ | uurdoox2011@hotmail.com
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login