VIDEO – Shirkii Istanbuul oo erey NAASEYS ah burbur kudhaweeyay!

Ila qosol: Daawo Video Xaal laga bixiyay neenaasta Shariif Sakiin iyo jawi yaab leh.

Warbaahinta Dalka Turkiga ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxay baahineysay Sheeko aad loogu qoslay oo ay ku sheegeen Neenaas halis gelisay Shirkii Somalida ee Istanbul.

Telefishinada iyo Wargeysyadda Turkiga ayaa faafiyay in Ra’isulwasare Erdogan aad ula yaabay markii ergada ka socota beesha Digil iyo Mirifle Shirka uga baxeen neenaas loogu yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Shariif Hassan Sheekh Adan taas oo ay Gabadh ka tirsan gudigga dastuurka cusub ee Somalia ugu yeertay Gudoomiye Shariif Sakiin.

Warbaahinta Turkiga waxay Wareeysatay Wariyaha bixiyay neenaasta halista gelisay Shirka Istanbul oo lagu magacaabo Dahir Abdulle Alasow .

Dahir Alasow oo ku nool dalka Holland wuxuuTurkish Tv ku yiri “ Shariif Sakiin waa saaxiibkeey ,waxaana xasuustaa inaan neenaastiisa ugu yeeray mar aan kula kulmay Nairobi”

Wariyahii Wareeysanayay Alasow ayaa ugu jawaabay “ Maya maya neenaastaas hada hanagu dhihin si aan taageerayaashiisa halis noo gelin”

Barnaamijka Turkish Tv oo loo sameeyay qaab ila qosola waxaa lagu casuumay boqolaal dadweyne ah kuwaas oo xiiseeynayay in loo fasiro sababta Shirka Istanbul lix saac u xayirnaa.

Telefishinka Mai Tv ayaa Barnaamij gaara ka sameeyay Neenaasta halista gelisay Shirkii Istanbul,waxaana muuqaalka uu muujinayaa Gabadhii khudbada jeedineysay Caasha Kiin Farah Ducale oo si kedisa afkeeda u dafay Shariif Sakiin,kadibna leh “Sorry ,Sorry Sorry iga raali ahaada,waan idinka raali gelinayaa”

Odayaasha Digil iyo Mirifle ma aqbalin raali gelinta Gabadha waxayna ka yaaceen Shirka.

Odayaasha waxay aad uga sii caroodeen markii Ergadii madasha fadhisay sacab iyo qosol u tumeen neenaasta.

Sidii dhaqanka Somalida yahay,waxaa Odayaasha Digil iyo Mirifle la siiyay Xaal iyo xumeen ,

Neenaasta Shariif Sakiin ma is tiri waxay halis gelisay Shirka Istanbul.

Si kastaba ha ahaatee,.Daawo Barnaamijkaan dheer ee ku saabsan sidii xaalka looga bixiyay Neenaasta Shariif Sakiin iyo Khudbadii Gabadha jeedisay.

________________________________________________________________

By Mohamed Hassan | mohhassan@hotmail.com | Istanbul -Turkey

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 10, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to VIDEO – Shirkii Istanbuul oo erey NAASEYS ah burbur kudhaweeyay!

  1. Waxaan aad ugu xumahay, waxyaabaha Odeyaasha dhaqanka loo soo ururiyey waxay tahay in Soomaali oo waxyaabo badan soo kala dhex mareen in ay isku keenaan oo ay heshiisiiyaan, meesha may oolin in Magac nin lagu xanto in ay beeli ka xanaaqdo, oo ujeedadii dhanayd intaas lagu burburin gaadho-waxay ahayd in isaga naftiisu uu arrintaas wax ka qabto, wallee la waayi maayo dad malaha CALI DHEERE iyo Kooxdiisa difaaca.

  2. caasha Kiin, waxaan kugu ogaa qof run badan, naxariis badan markii aan deganayn Xaafaddii ZONEK, welina sidii ayuunbaa tahay maadaama ninkaas aad ku xariirtay Magacii lagu xaman jiray-dadkuna been may sheegin ee ninka wadanku ka degi laayahay waa isaga.