Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Gedo ayaa sheegay in AL-Shabaab ay qarxiyeen Ceel biyood ku yaalo deegano ka tirsan Gobalka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in deegaanada Ceelasha Biyaha laga qarxiyay hada aysan ka jirin wax biyo ah isaga oo tilmaamay in goobta ugu dhaw ee biyo laga helo ay tahay meel 60-Km ujirta deeganadaasi.
Joon C/laahi Xasan ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay wararka qaar oo sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Ethopia ay isaga baxeyn Degmada Belad xaawo ee Gobalka Gedo.
Wuxuu tilmaamay in wararkaasi ay yihiin been islamarkaana ciidamo itoobiyaan ah aysanba ku sugnayn Degmada Beladxaawo isaga oo sheegay in ciidanka itoobiya kaliya ay ku sugan yihiin Degmada Luuq hadana ay joogaan.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhank Al-Shabaab oo ku aadna ceelasha la sheegay inay qarxiyeen
![]() |
Socialize