Madax ka tirsan Hiil-Qaran oo Holland kula kulmay Guddoomiyaha Al-Islaax

Madax ka tirsan Hiil-Qaran oo Holland kula kulmay Guddoomiyaha Al-Islaax

Magaalada Amsterdam ee waddanka Holland waxaa kulan gaar ah ku yeeshay madax ka tirsan Xisbiga waddaniga ah ee Hiil-Qaran & Guddoomiyaha Ururka Al-islaax Dr. Calibaashi Cumar Rooraaye oo socdaal shaqo ku jooga waddanka Holland.

Dr. Cali Waare & Avv. Muuse Xersi oo ka mid ah madaxdda Hiil-Qaran oo faahfaahin ka bixiyey kulanka ay la qaateen Dr. Calibaashi ayaa sheegay in kulankoodu ku saabsanaa aa’raa isweydaarsi ku qotoma sidda looga bixi karo xaaladda adag ee dalku ku sugan yahay & lagama maarmaanimada in la helo ummad garashadeedu ay ka sarreyso qabyaaladda, eexda, & nin tooxsiga si loo gaaro hadafka ay tiigsanayaan labadda urur ee ah Soomaali soo ceshata sharaftii & karaamadii ay caalamka ku laheyd, waxeyna hoosta ka xariiqeen in hadafka Hiilqaran loo dhisay uu tiir u yahay in si loo soo celiyo Qaranimadii Soomaaliya ka luntay & in qof kasta oo Soomaali waxgarad ah uu xil iska saaro baadi-doonka looga jiro in la helo Soomaali isku tashata, oo aayaheeda meel uga soo wada jeesata.

“Waxa kulanka la isku weydaarsadey warbixinno ku saabsan xaaladda wadanku uu ku suganyahay maanta. Waxaana runtii aan isku aragti ka noqonay annaga & Dr. Calibaashi lagama maarmaanimada in si dhab ah loogu guntado sidii waddanka looga saari lahaa marxaladda adag ee uu ku jiro, oo haddii ay sii socoto ay dhici karto inuu mugdi galo masiirka ummadda, iyadoo weliba wax lagu qaadanayo dhibaatooyinkii la soo maray 21-kii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri Avv. Muuse Xersi oo xubin ka ah Golaha dhexe ee Xisbiga, ahna aqoonyahan waddankan Holland caan ka ah, una ololeeya nabadeynta Soomaaliya,  wuxuuna intaa ku daray in xilligani dalku uu u baahan dedaal baddan iyo wada-shaqayn dheeraada oo dhexmarta ururada bulshada rayidka.

“Mawduucyadda laga wadahadlay ee labadda dhinac  ay danaynayaan xilligan waa in la helo cod middeysan oo ka jawaabaya duruufaha adag oo maanta ay ku sugantahay ummadda Soomaaliyeed, iyo inay ka shaqeeyeen iyaga iyo ciddii  ay tahay in lala  kaashado gaaritaanka bulsho Soomaaliyeed oo nabad ku wada nool, kana shaqaysa horumarka iyo wannaaga ummaddooda dhinac kasta” ayuu yiri Avv. Muuse Xersi, wuxuuna intaa ku daray in wixii ay ka wadahadaleen Guddoomiyaha Al-islaax  ay la wadaagi doonaan golayaashooda iyo maamuladooda si loo helo dhabaha saxda ah ee la isaga kaashan karo xaqiijinaya u jeedooyinka badbaadinta dalka & dadka.

Dr. Cali Waare oo isna madasha ka hadlay wuxuu tilmaamay in Soomaali fara badan oo reer Holland ay ka faa’ideysteen warbixinadii & dhiiragelintii uu siiyey ditoorka, ayna u arkayaan tallooyinkiisa in ay yihiin kuwa dhaxalgal ah oo ka timid maskax ku fikireysa sidii dalkeedu nabad u noqon lahaa.

“Guddoomiyaha  Al-Islaax   waxaan uga mahadcelinay kaalinta muhiimka ah ee uu ka soo qaatay adeega bulshadda & samatabixinteeda, intii wadanku uu burbursanaa Dr. Calibaashi wuxuu ka mid ahaa, ilaa haddana ka mid yahay dhaqaatiirka ka howlgasha Muqdisho, wuxuuna shaqadaasi wadday ilaa dagaaladii sokeeye, waana  dadka ay tahay in Soomaalidu ku dayato, marka loo eego sida uu uga dhabar adeygay inuu dalkii ka shaqeeyo” ayuu yiri Dr. Cali Waare, wuxuuna intaa ku daray dhaqaatiirka dalka ka soo shaqeeyey sanadihii ay dhibaatooyinka ugu xumi dalka ka jiraan in ay yihiin kuwa keliya ee ka tarjumi kara ama ka warbixin kara dhibaatadda dhabta ah, maadaama uu dabiibayo dad ka kala socda qeybaha bulshadda.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 13, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.