Horyaalka 37aad ee kubadda cagta dalkeenna Soomaaliya ayaa weli si habsami leh uga soconaya garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho ayadoo kooxaha ka qeybgalaya tartankana ay hada ciyaarayaan is araga labaad.
Ciyaar aad u xiisa badan oo ay u daawasho tageen kumanaan dadweyne ah ayaa galabta waxey garoonka Jaamacadaha ku dhexmartay kooxaha Heegan VS Banadir Telecom ayadoo ciyaaryahannada labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar ay dadkii daawanayey jecleysteen.
Guud ahaanba ciyaarta ayaa waqtigii loogu talagalay waxey kusoo gebagebowday 3-2 oo ay guusha ku raacdan ciyaartooyda kooxda kubadda cagta ee Heegan.
Kooxda Heegan oo iyadu ka tirsan Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ayaa hada leh Afar dhibcood waxaana horey ay barbardhac ula galeen kooxda Dekedaha oo iyadu ka mid ah kooxaha magaca ku leh ciyaaraha kubadda cagta dalkeenna.














![]() |
Socialize