Dhaca Gawaarida oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.. Faallo

Magaalada Muqdisho oo muddo laga nastay in gaadiidka la kala dhaco iyadoo la adeegsanayo awood Qori ama mid qabiilba ayaa waxaa dib uga soo cusboonaaday qeybo ka mid ah Magaalada Dhaca Baabuurta Noocyadiisa kala duwan haba ugu badnaadeen kuwa Raaxada ee Karibta iyo Roneydyada loo yaqaan.

Sanadkii 2006-dii oo Caasimada Magaalada Muqdisho ka hirgalay Maamul Islaami ah oo Koonfurta oo dhan ku baahay ayaa ugu dambeysay gaari la dhaco, hase yeeshe markii Caasimada Magaalada Muqdisho Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin dib uga gurteen waxaa bilowday dhaca Gaadiidka kaasoo dadka ay walaac xoogan ka muujinayaan.

Inta la ogyahay todobaadkan dhammaaday gudahiisa waxaa magaalada lagu dhacay in ka badan 10 gaari oo noocyo kala duwan leh, kuwaasoo la dul dhigay lacago madaxfurasho ah, ilaa iyo  haddana arrimahaasi waxba kama qaban Dowladda TFG-da tabarta daran ee Soomaaliya.

Dhaca gaadiidka ayaa si xowli ah uga socda Deegaanada Waqooyi iyo koonfurta Magaalada Muqdisho, waxaana magaalada ka muuqda amaan dari aad u ba’an, iyadoona dadka Gaadiidka Raaxada Isticmaala ay bilaabeen inay Garaashyada iyo xaafadaha ku xaraystaan si aysan saamayn ugu yeelan dhaca Gaadiidka oo magaalada si aan caadi ahayn uga socda.

“Gaadiidka si xad dhaaf ah ayaa loo kala boobayaa magaalada waxay dib ugu laabatay xiligii 2005-tii oo Caado ka noqotay magaalada in gaadiidka la kala dhaco kadibna lacago madax furasho ah lagu kala qaato…maalin dhawayd gaari baa la iga dhacay markii aan daba galayna waxaa la igu yiri bixi 2000-kun Doollar si aad u hesho gaarigaaga, anigana ma awoodo walina garigayga gacanta Qolooyinka Mooryaanta dhaca gaadiidka bilaabay ayuu ku jiraa” waxaa sidaasi yiri mid ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo gaari yar uu lahaa looga dhacay Magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee sii socoshada dhaca Gaadiidka Magaalada Muqdisho haddii aan xal laga gaarin waxaa dhici karta in xaaladu halka uu hadda marayo inay ka sii darto, isla markaana dhaca intaasi ka sii ballaarto, waxayna dadka aad u tabayaan maamulkii Islaamiga Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dhac iyo wax la mid ah haba yaraatee Qofka Bani’aadamka ah uusan ka baqayn kalsoonina ugu noolaa Magaalada Muqdisho.

SOURCE: SOMALIMEMO

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login