Soomaalaay, waa idiin Talo, waa idiin Tusaale waana idiin Tashad. Haddaba walaalayaal, muddo dhowr iyo labaatan sannadood ah ayuu Dalkeenna ama Dadkeennuba ku jireen dhib, hoog iyo halaag aan dunida lagu arag, ummad isku Diin, isku Af, iskuna Dhaqanna ah oo ay garan waayeen si ay u soo afjaraan dagaalladan ka dhexeeya, oo ay garaneyna sababta ay isku dilayaan ama’ ay isku haystaanba, taasoo ayaan darro wayn ah iyo musiiba nagu dhacdayna ah, si kastaba ha’ahaatee, waannu wada garaneynaa haddaannaan is wada indhatireynin, ineynu taagannahay waqtigii uu inoo sheegay Rasuulkeennii Suubbanaa, Afdhalul-Anbiyaa, Aakhirul-Anbiyaa, Say-yiddinaa Muxammad (s.c.w.), ee uu yidhi: Adduunka markuu gaba-gaba yahay calaamooyinka lagu garan doono waxaa ka mid ah, laba ruux oo Muslimiin ah oo is dilaaya, haddana ka la dilayo uusan garaneyn sababta lagu dilaayo, ka wax dilaayana uusan garaneyn sababta uu u dilayo.
Haddaba tiibaa taagane, Soomaalaay intaad is garowsataan, ee aad fakartaan, dibna isugu noqotaan, maskaxdii Ilaahay (s.w.t.), idinku manneystayna isticmaashaan, dib ugu soo noqda Ilaahay (s.w.t.), iyo Diinteenna macaan ee aan wax loo dhigaa aysan jirin, Tawbadda Ilaahay (s.w.t.) markasta way furantahay, oo wuxuu ugu jecelyahay Addoomihiisa u soo noqda, oo dambi-dhaaf waydiista, iyagoon markale ku noqoneyn dunuubta ay galeen oo si dhab ahna uga tawbad keena. Haddaba Soomaalaay wixii dhacay way dhaceene, ee hadda iyo dan, ogaada Madluumiinta ducadooda iney aqbal tahay, Ummaddaa dulmiga lagu waday muddadaa dheer iyagoon waxba galabsan, markey gacmaha kor u taagaan ee ay Ilaahay (s.w.t.) wax weydiistaanna, baryadooda Ilaahay (s.w.t.) kuma qadinaayo inshaa’ Allaah.
Rajada Ilaahay (s.w.t.) lagama quusto, oo waata Aayadda Qur’aanka inoo sheegeysa: (Inna Macal Cusri Yusraa), Nasrigii Ilaahay (s.w.t.) wakaa aynu aragnay ee uu inoo soo diray Dawladda Turkiga, iyagoon wax dan ah inaga lahayn ee inoogu naxariisanaya Ilaahay (s.w.t.) dartii, waxaannu leennahay: Ilaahay (s.w.t.) ha’u abaal gudo Adduun iyo Aakharaba, aamiin.
Waana Ummaad walaalahayaga ah ee aannu ku walaalownay Diinta macaan ee inaga dhaxaysa, mana illaawi doonno waligeen wanaagga ay inoo galeen iyo Ummaddeenna ay u gargaareen oo ay u soo gurmadeen iyagoo xaaladdooda ay aad u sii liidatay. Haddaba Soomaalaay, nicmadaa Ilaahay (s.w.t.) hoygiinna idiinku keenay intaad aragtaan, dhibkana joojisaan, oo Ilaahay (s.w.t.) ku shukridaan, oo aad xusuusataan Aayadda ina odhaneysa: (Wat-taquu Yawman Turjacuuna Fiihi Ilallaah).
Waxa idin xumeynayaa waa shaydhaan, ee yuusan idinka xoog badin, oo uusan idin hodin, illeyn Ummadduu ku mashquul-sanyahay eh, wuxuuna halligayaa ama uu duufsanayaana kuwa’aan Ilaahay (s.w.t.) ku xidhneyn, ee Ilaahaygii (s.w.t.) idin abuurtay ka baqda, oo ka magan gala inuu idinka badbaadiyo, kana baqda Maalinta loo noqonayo xagga Rabbigeen (s.w.t.), ogaadana nafwaliba waxay kasbatay oo khayr iyo sharba leh, in laga abaal marin doono.
Kolleyba waxaa lagu jiraa kala guurkii, waxaannu rajeyneynaa xumaha inuu inaga wada guuro, oo aan samaha isugu soo wada guurno, inshaa’ Allaah. Soomaalaay Tayo yeesha, danahiinnana haka tashannina, ee danaha guud ee Dalka iyo Dadkaba ka wada Tashada, isuna wada Tanaasula, si aad isugu wada Tiirsanaataan. Haddeydaan is taakuleyn, tabar yeelan meysaane, ka tashada cadaawuhu, isku tiirsanaadaa. Soomaalaay, ku dadaala Midnimo iyo Xarigga Ilaahay (s.w.t.) oo aad qabsataan, sidaasaad ku liibaaneysaane, inshaa’ Allaahu.
aad iyo aad bay u MAHADSANTAHAY.