Warsaxaafadeed ay ku midaysnaayeen Urur Goboleedka “IGAD” Ururka Midawga Afrika “UA” iyo Qaramada Midoobay “UN” Waxaana lagu xusay in –waxa ay ugu yeereen- “QASWADE”yaasha, laga qaadi doono tallaabo ku qumman!
Weydiinta ka dhalanaysa erayga “QASWADE” ayaa ah, horta ayaa “QASWADE” ah? haddaan jawaabtiisa helno, waa hubaal in wax badan oo qaldan la sixi karo, haddiise aan lagu guulaysan inta hadda qaldan kuma ekaanayso ee waxaa sii qaldami doona wax badan oo iminka qumman, illeen waxaan la moogayn in qalad aan lagu liibaanine.Dhankiisana wareysi uu dhawaan dhiibay Mr Mahiga ayuu u kala qaaday qaswadayaasha afar qaybood Koox Dowlada ka mida, Koox Dowlada banaanka ka joogta ,Qabqablayaashii hore qaybta 4aad oo ku tilmaamay Shar iyo belaayo iyo baas abuur waa AQOONYAHANKA SOOMAALIYEED Wuxuuna yidhi sidatan:Kuwani ma joogaan gudaha Soomaaliya ee waxay joogaan qurbaha. Kuwani waa SHAR waana KHATAR mararka qaar, waayo waxay QASAYAAN oo ay SUMAYNAYAAN MASKAXDA DADKA SOOMAALIYEED.
Iyagoo QORAALLO ku soo qora WEBSITE- yada ama MAQAALLO ay daabacaan ama nooc kasta oo AFMIINSHAARNIMO ah, si ay dadka u KHALDAAN oo ay u marin habaabiyaan, iyagoo sheeganaya xoriyad hadal laakiin xaqiiqdii waxay qasayaan dadka…” Haddaba Maansadan Qaswade waxay Jawaab toos ah u tahay Hadalkaas uu ka dhawaajiyey Mr Mahige .
Maansada Qaswade
Waayahan ma qaabayn
Ma qotominin maanso
Mana qeexin Geeraar
Ma qayoodsan gacaloow
Kama quusan gobonnimo
Qalinkiyo qoraalkii
Qabyadii dhiskeedii
Qorshihiina maan gabin.
Qalalaase ma oggoli
Qabqabliyo iyo qawsaar
Qorshe beena fuliyee
Ha u qaadan xaajada
Qodqod iyo xumaatee
Qaran xeerintiisiyo
Qasdigii wadanigiyo
Qalbi nabad u oomoo
Qarannimo u jeel qaba
Qowlkiisii weeyaan.
Aan qalo ujeedada
Kala qaado qodobbada
Qaabeeyo maansada
Qun u bixiyo sheekada.
Qiso weliba yaab lehe
Qorraxdii timaaddiyo
Dhacda iyo qareenkeed
Bal aan qoro su’aaloo
Dhambaal qaasa aan diro
Ku qotoma xaqiiqada.
Qaramada Midoobee
Qowmiyadahaa jaan
Horta qaabdarrada iyo
Maxaa qaladka ugu wacan?.
Horta maxay qawaarkan
Qasaaraha ku naaxa ah
Qaswadahan Dhurwaaga
Iyo qori is mariskaan
Qawsaarka bahalka ah
Inuu uga qidmeeyiyo
Qareen uga ahaado
Qorshihii dalkeeniyo
Qowmiyadda Soomaal
Qofkan ugu wakiisheen?.
Qarrib iyo xumaatiyo
Ruuxaan qas mooyee
Qumanaan aqoonoo
Inuu kala qoqoba oo
Kala qaado mooyee
Kala qaybsha mooyee
Kala qaaro mooyee
Aan qanaaco lagu arag
Qayr laga sugayn abid
Qaramada Midoobiyo
Quruumaha Adduunyadu
Qowmiyadda Soomaal
Qaswadahan Dhurwaaga ah
Iyo qori ismariskaan
Qawaarka iyo hororkaan
Qaabkay ugu wakiisheen?.
Qasdi weliba yaable
Qayladu barooriyo
Orgigii la qalayiyo
Qabadkii ka qara weyn.
Dabin qoolan baa jira
Qarrib iyo xumaa jira
Qaxariyo lur baa jira
Haadaan qafilaniyo
Qabar laysu qariyoo
Belo laysu qooshoo
Qarankayga lala rabo
Qorshe hoose baa jira!
Wuxuu yidhi Qawaarkii
Ileen waa ma quustee:
Qudbad ruuxa qaban kara
Qolo ruuxa shirin kara
Qormo ruuxa qori kara
Qalad ruuxa sixi kara
Qasdi ruuxa fulin kara
Qaran ruuxa wadi kara
Quraan ruuxa marin kara
Qiil ruuxa heli kara
Qodob ruuxa heli kara
Qayb ruuxa fali kara
Qalalaase damin kara
Qaswadaan u bixiyoo
Danbi baan ku qoraaya
Quful baan ku xidhayaa
Qabbir baan la dhigayaa
Qiilna waan u haystaa
Ileen waa ma quustoo
Qancin maayo abidkii
QandhO hore u haysiyo
Nacaybkuu inoo qabay
Qarsan waayey maanto
Waa kaa qori is mariskii
Qobkiisii la soo baxay
Qoloftii bedelayaa
Qaabkii Dhurwaagiyo
Sida Dhidarka qaaq yidhi.
Ku ye qori ismariskii
Qawaarkii Madoobaa
Qof hadlaahi yuu jirin
Qaladkana ha sheegina
Qawl samo abuuriyo
Magac qaran ha sheegina
Qabqabsiga ha diidina
Qofba meel ku soo xidha
Qolo qolo u kala shira
Qol mugdiya isu taga
Hadba qaar ha sii baxo
Kala qaybsanaadoo
Haysu soo qushuucina
Abid hays qadarinina.
Kuwa qaylinaayiyo
Qaar heesa tiriyiyo
Qurbajoogta ma oggoli
Inta qalinka haysiyo
Qaybaha wargaysyada
Qawl xorana ma oggli
Ruuxii i qoonsada
Qilaaf igu abuuree
Qowlkayga diidana
Qaswadaan u bixiyoo
Danbi baan ku qoraaya
Quful baan ku xidhayaa
Qabbir baan la dhigayaa
Qiilna waan u haystaa!
Waxaan idhi: Qawaaroow
kuwa qalinka haystee
Ku qotomiya samahee
Qilaafyada ka digayee
Kala qaybsanaantiyo
Qaladaadka dhacayaa
Qaxa iyo dhibaatada
Qaxarka iyo dhiillada
Qulubkiyo halaagan
Qalbigooda dhibaysee
Ka qiiraysan xaajada
Qoomkooda waanshee
Hadaad tidhi qawaaroow
Ha la qalo ama ha qaxo
Ha la qaato maalkiis
Qaswadena ha lagu qoro
Kaa qaadan maynee
Qorshe kale ma haysa?.
Wuxuu yidhi qawaarkii:
Qummanaan anigu ahay
Qareen iyo wakiiliyo
Ka qabweyni eragoo
Qaysar baan anigu ahay
Qofka ugu sarreeyee
Qowlkiisu fulayiyo
Madaxweyne qaasoo
La qadariyo baan ahay
Qurbajoogta oo idil
Odayaasha qarankiyo
Xisbiyaasha qoraniyo
Qof kasto damiirloo
Qaswadaan u bixiyoo
Qarash baan ku helaya
Danbi baan ku qoraaya
Quful baan ku xidhayaa
Qabbir baan la dhigayaa
Qiilna waan u haystaa!
Wuxuu yidhi Qawaarkii:
Qawlaysatada iyo
Qabqablaha dagaalkiyo
Dhuuni qaate mooyee
Qof kaleeto ma oggoli
Waxaan idhi: Qawaaroow
Qaati baa lagaa yahay
Qowl xumada sheekada
Qalbigaa diciifka ah
Iyo qaabdarradan jaan
Qasabkiyo jujuubkani
Qaar baa horta iyo
Qarniyaal ku daalee
Qawaaroow war li’idaa?!
Qowmiyadda Soomaal
Niman qoorta dhiibtoo
Hoggaan qaata maahoo
Rag qabweyni sheegtoo
Qaaraddaa Madoobiyo
Qaramada Adduunyada
Ka qatoobay weeye
Qarniyaal horeeyaa
Ingiriis ka qaafoo
Uu ka qaxay talyaanigu
Boortaqiisna lagu qalay
Adoonsiga ma qaayibo
Mana qaato quudhsiga
Qunyar dhigo tallaabada!
Haddaad qaylin laydiyo
Qalalaase kicin layd
Ama qolo u wacan layd
Kuwa kugu qadhaabtiyo
Qadaamkooda aad tahay
Qarbi iyo sharqiba keen
Quwaddaada soo saar
Qaylo dhaami weligaa
Qasadkeenu waa meel
Qarannimada Soomaal
Waa qodobka koowaad
Ee ku qoran diwaankee
Arji baan lagaa qori
Qoladii ku keentiyo
Qaramada Midoobaan
Masuul inaad qaban karin
Xil qaadi karahayn
Qoraal ugu diraynaa
Adigoo qaboobee
Qoorta aan ku hayniyo
Qasab baad ku baxaysa.
Dhigi maynoo qalinkoo
Qudbad joojin maynoo
Qarandoon ayaan nahay
Jeer aan Qabuuraha
Galno qaaba qowsayn
Uu dhaco Qiyaamuhu
Qamdariiran laga dhigo
La qayiro aduunyadan
Qasab yeeli mayniyo
Qaflan iyo anaa idhi.
Waxaan idhi: Qawaarkoow
Qolqolkaagii maahee
Qaarkaygii weeyaan
Waa qariiraddaan dego
Anigaa qiyaarka leh
Anigaa ka qoodhoo
Qowlkeeda fulin kara
Qorshaheeda wadi kara
Qarankeeda hagi kara
Adigaa iyo qayrkaa
Qof kaleeto oo yimid
Qato waxaan ahayniyo
Ceeb ka qaadi maayaan
Qunyar dhigo tallaabada.
Cabdiraxiin H.Galayr
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize