Munaasabad lagu taageerayo musharaxa Dr. C/raxman Baadiyow oo ka dhacday Nairobi. DAAWO SAWIRO

Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo musharaxa Dr. C/raxman Maxamed Cabdulahi Baadiyow ayaa waxa ay maanta ka dhacay magaaladaNairobiee wadankaKenya.

Aqoonyahano, Saraakiil, Haween, Dhalinyaro iyo waliba Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DKMG Somalia ayaa kusugnaa goobta ay ka dhaceysay xaflada ayadoona dhamaantooda ay aad usoo dhaweeyeen xiligaan in uu isku soo sharxo xilka madaxtinimo Dr. Baadiyow. Xubno ka tirsan baarlamaanka oo goobta ka hadlay ayaa si kooban uga hadlay maraxiisha uu soo maray Dr. Baadiyow ayadoona Baadiyow uu ahaa wixii ka danbeeyay burburkii wadanka mid aan lagu tirin dadkii danbiyada ka geystay wadanka.

Xildhibaan Cawid Casharo oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka KMG Somalia oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku boorinayo musharaxa in hadii uu ku guuleysto xilkaasi ay sugayaan caqabado badan oo wadanka ka taagan waxa uuna ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi.

Cali Mahadi Maxamed oo ahaa madaxweynihii hore eeSomaliaayaa ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi soo gaarayay waxa uuna sheegay in aqoon hoose uu u leeyahay Dr. Baadiyow ayna mudo dheer is yaqaaniin waxa uuna ku amaanay maamul wanaag iyo wadanimo xiligaan ka muuqato Dr. Baadiyow.

Masuuliyiin fara badan oo goobta ka hadashay ayaa isku waafaqay in xiligaan Dr. Baadiyow uu yahay mid wax ka qaban kara dhibaatooyinka dhanka siyaasadeed iyo waliba mida dhaqaalaba ee wadanka uu la ciirciiraya ayagoona ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi hadii uu ku guuleysto, dhamaan dadkii goobta isugu yimid ayaa mar qura u istaagay markii lagu soo dhaweeyay Dr. Baadiyow mikirifoonka ayadoo oo aad moodo in dhamaan dadkii halkaasi isugu yimid ay aqoon gaar ah u laayeen Dr. Baadiyow.

Dr. C/raxman Cabdulaahi Baadiyow ayaa la hadlayay dadkii halkaasi isugu yimid isagoona ku amaanay sida quruxda badan ay u muujiyeen in ay siiyaan codkooda si uu ugu guuleysto xiligaan in uu madaxweyne ka noqdo wadanka oo u muuqanayo midkasii baxay marxalado badan oo uu soo maray.

Baadiyow ayaa u balanqaaday shacabka Soomaaliyeed hadii ay doortaan in uu wax ka qaban doono meelaha ay ka liitaan shacabka Soomaliyeed haba ugu horeysee dhanka siyaasada, amaanka iyo waliba dhanka dhaqaalaha oo uu sheegay in wax badan uu aqoon u leeyahay waxa uuna sidoo kale shaaca ka qaaday in uu dalka dib ugu soo celin doono dhamaan saraakiishii hore ee wadanka si ay wax badan uga qabtaan dhanka amaanka oo Soomaaliya aadka loogu xasuusto xiliyo hore dhanka amaanka sida ay ka aheyd.

Dr.Baadiyow ayaa mar qura waxaa indhihiisa lagu arkay Oohin isagoona aad uga damqaday xaalada Soomaalida ku nool wadamada qurbaha iyo waliba sida loola dhaqmo caruurta isagoona sheeagay in uu dhisi doono goob lagula xisaabtamo siyaasiyiinta Soomaalida taa oo dadkii goobta soo wada buuxiyay aad ula dhaceen waxa uuna sidoo kale sheegay in uu sameyn doono laan si toos ah ila shaqeyso dadka qurba joogta iyo waliba kuwa ku nool gudaha si ay isugu xirmaan.

“ been idiin sheegi maayo, ma idin qiyaani doono, ma idiin kala eexan doono” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo xiligaasi ilmada ay ka socotay, Baadiyow waxa uu dhashay 1954 isagoona ku dhashay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxa uuna ka mid ahaa Somali National Army 1971-1986 xiligaasi oo aad loogu xasuusto waxa uu qabtay. 1981-1983 waxa uu ahaa Assistant lecturer Jaamacada Somali National University. DR. Baadiyow ayaa aqoontiisa ku dhameystay wadanka Mareekanka halkaasi uu kusii sugnaa xiligii burburka uu dhacay waxa uuna ka mid ahaa Soomaalida qurba joogta in muda ah isagoona markii danbe gudaha ka guliyay dhaqdhaqaayo badan oo dadka wax loogu qabanayo oo ay dadka reer Muqdisho gaar ahaa ay xasuustaan.

Mohamed Ibrahim Ayaanle
Ayaanle19@gmail.com
+254-7-28862688
Nairobi – Kenya

 

 

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 17, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Munaasabad lagu taageerayo musharaxa Dr. C/raxman Baadiyow oo ka dhacday Nairobi. DAAWO SAWIRO

  1. Abdi dhaga,ore

    Asc muwadininta somaliyed allaha nagu hago wanaga waxana idin shega musharaxan hada u so istagay shacabka somaliyed wa midki samata bixi laha badiyow e allaha nogu dhibo hoganka wadanka

  2. waxay ila tahay ninkii isu sharaxaayo madaxwayne waa in u soo bandhigo shacabka somaliyeed hantida uu haysto wakhtiga xaadirka ah.

    1- lacag cadaan ah
    2- guryo
    3- baabuur
    4- beero

    haddii wax deen ah uu ku leeyahay qaranka ama shacabka arintaas waa in loo kala cadeeyo dadwaynaha.
    somaliya afar sanno madaxwayne = 5 million dollars

You must be logged in to post a comment Login