Maamulka dowlada ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaay soo saaray bandow xiliga habenkii ah ay ku soo rogeen degemada ay gacanta ku heyso dowlada ee sh/hoose waxaana ay maamulka sheegeen laga bilawo 6:00 fiidnimo ilaa laga garayo 6:00 subaxnimo ay bandow saraeen isku socodka dadka iyo gadiidka.
Gudoomiyaha Sh/hoose C/qaadir Max’ed Nuur ayaa waxa uu sheegay in ay bandowga la saaray gobolka Sh/hoose lagu sugaya amaanka degmooyinka ay dhawan gacanta ku dhiktay dowlada waxa uu intaas ku daray in ay diyaariyeen ciidamo roodooyin sameya xiliga habenkii ah uuna bandowga siis socon doono.
Bandowga la saaray degamada ay gacnta ku heyso dowlada ee gobolka sh./hoose ayaa waxa uu imanayaa xili ay dilal iyo qaraxyo qorsheysan ka dhacayaan degamada ay dowlada ka maamusho gobolka sh/hoose.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login