Shir ka dhacay magaalada Toronto oo lagu taageerayay musharraxa Ali-Bashi

Waxaa maalintii axada ahayd oo ay taariikhduna ahayd June 17, 2012, magaalada Toronto, CIDER SINIA CENTRE ka dhacay  shir wayn oo lagu taageerayay musharaxnimada madaxtinimada dowled goboleedka Galmudug G/le sare  Cali-baashi Maxamed Xaji Cumar Fiqi, waxaa shirkaasi soo qabanqaabiyay Cali Shiddo iyo Cabdullahi Warsame, waxaana daadihinayay  Cabdirashiid Salad Farah (keyton), iyo Bashir.

G/lle  Sare Calibaashi  waxa uu ku dhashay magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug, ka dib markii uu waxbarashadiisa dugsiga sare ku dhamaystay soomaaliya wuxuu tababar militari ku soo qaatay Midowga Soofeeti, halkaasoo uu ku dhamaystay akademiyada Sare ee Ciidanka. 1985 waxa uu qaatay darajada Gaashaanle Sare asagoo ka mid ahaa saraakiisha loogu qadarinta badan yahay ee ciidanka xoogga dalka Somalia. Wuxuu Calibaashi ka mid yahay qurbajoogta, wuxuuna ku nool yahay magaalada London ee dalka Ingiiska.

Shirkaan lagu taageerayay musharaxa Calibaashi waxaa ka soo qayb galay dad aad u tira badan oo ka soo jeedo beelaha dega Galmudug. Waxaa halkaasi laga soo jeediyay hadalo isugu jira taariikh nololeedka musharaxa iyo hawlihii uu u soo qabtay dadka iyo dalka Soomaaliyeedba. Waxaa dadkii meesha ka hadlay xuseyn in uu musharaxa yahay nin u qalma in uu hogaanga deegaankaasi qabto kaalin fiicanna ka qaadan karo nabadeenta iyo horumarinta deegaanada Galmudug. Dadkii meesha ka hadlay oo fara badnaa, waxaa ka mid ahaa:

  1. G/le sare MohamudCulusow Ebeker
  2. G/le sare  Abdi Mohamud Bootaan
  3. G/le sare Mohamed Farah (dabdamis)
  4. G/le sare Abdi Nur Farah
  5. G/le sare Abdulkadir Mohamed Galbeeti
  6. G/le sare Ahmed dhere
  7. Dhame shikh  Mohamed
  8. Dr.Mohamed Ahmed Gilao
  9. Abdullahi Sid Ahmed
  10. Suldan  Abdi Jama Abdulle Gorad
  11. Abdullahi Warsame

Doorashadaas oo dhici doonto bilaha soo socdo, waxaana xusid mudan in rag badan ay isu soo taageen jagada Madaxweynanimada Galmudug oo ay ka mid yihiin kuwa soo socdo:

  1. G/le sare Ali bashi Mohamed Cumar Fiqi
  2. General Abdi Hassan Awale Qaybdiid
  3. Cabdisamad Nur Guled
  4. Inj. Mohamud
  5. Abdirasaq Xusein Gedi

Waxaan musharaxiinta isusoo taagtay xilka madaxnimada Galmudug Eebe uga baryeynaa in uu waafajiyo xaqa, una gargaaraan Ummadda Soomaaliyeed waqtigaan dhibka badan oo uu dalka ku jiro.


__________________________________________________________________________

Mohamed Ali Aden | maden87@gmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login