Ururka Shabaab oo wali ku hami weyn in Somalia ay dowlad Islaami ah u dhisan

Hogaamiyaha Ururka AL-shabaab oo cod maqal ah uu soo duubay dhigay barta internetka ay isticmaalaan ururkaasi ayaa waxa uu kaga hadlay arrimao badan.

Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay mari doonaan wadadii ay mareen sida uu sheegay dowladaha Mareykanka iyo itoobiya oo ciidamo u soo diray dalka Soomaaliya inkastoo ciidamada itoobiya ay weli ku sugan yihiin dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay hogaamiyaha Ururka AL-Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr in dagaalyahanada Ururka AL-Shabaab looga baahan yahay inay badiyaan cabsida Alle sida uu sheegay iyo qaadashada awaamiirta hogaamiyaashooda kale.

hadalkiisa ayuu intaa sii raaciyay inay sii wadayaan dagaalada inta dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM islamarkaana aysan joojin doonin dagaalada.

Hogaamiyaha Ururka AL-Shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa sidoo kale sheegay in dowladaha reer galbeedka ay kasoo horjeedaan sida uu tilmaamay horumar ka jira deeganada ay maamulaan Ururka Al-Shabaab.

Hadalka hogaamiyaha Ururka AL-Shabaab ayaa imaanaya iyadoo dowladda Mareykanka hadal kasoo baxay lagu sheegay in lacago fara badan la dul dhigay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login