Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in sharci daro ay tahay awoodna uusan u lahayn Madaxweynaha go’aanka uu ku laalay qodobo ka mid ah Axdiga islamarkaana aysan jirin wax uu u daliilsaday Sheekh Shariif go’aankiisa.
C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dalka mudooyinkii dambe uusan ka jirin wax sharci ah oo sharciga lagu tumanayay, isaga oo tusaale usoo qaatay Roadmap-ka iyo heshiisyada Saxiixayaasha oo uu sheegay in aan la horkeenin barlamanka oo aysan haysan wax ogalaansho ah.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login