Wafdi ka socda Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo u jeedka Wafdigaasi la sheegay in uu yahay kullamo ay doonayaan inay la qaataan Madaxda DKMG ah.
Wafidigaani ka socda Ahlu Sunna ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Ahlu Sunna, waxaana si weyn Magaalada Muqdisho ugu soo dhaweeyay Xubno ka tirsan guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee Gobolka banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee Ahlu Sunna Waljamaaca Axmed Yuusuf Xuseen Ciyow ayaa in ay wada hadalo la sameyn doonaan DKMG kuwaasi oo ku aaddan in DKMG ay Mashaariic horumarineed ay ka sameyso gobolkaasi.
Axmed Yuusuf Xuseen ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay wada hadalo la sameyn doonaan dadka Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolkaasi si ay qayb kaga qaataan horumarinta deegaannada iyo dagmooyinka gobolkaasi.
Dhanka kale waxa uu sheegay in dhawaan ay dib u habeyn ku sameyn doonaan Ciidamada Ammaanka Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in dowladda ay ka codsanayaan in Ciidamo boolis ah ay geeyaan deegaannada iyo degmooyinka ka tirsan gobolkaasi oo ay gacanta ku hayaan Maamulka Ahlu Sunna.
Hadalkani ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli qaar ka mid ah Mas’uuliyiin Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ay ka dhawajiyeen in dowladda ay iska indha tirayso doorka Ahlu Sunna ay ku leedahay arrimaha Soomaaliya.
Share on Facebook
![]() |
Socialize