Maddax wada waalan & Shacab wada wareersan!!! FAALLO

 Yaan la dooran Yaan la dooran?!!!

Wixii ka danbeeyay burburkiii ku yimid dowladii hoose ee Soomaaliya oo horay u galaaftay dhamaan adeegyadii aas-aasiga ee wadanka ayaa waxaa ugu weynaa wixii aan ka dhaxalnay dad wada madax ah hadana aan madax aheyn.

Dagaalkaasi ayaa inta la rumeysanyahay waxa uu ahaa mid saameyn mug leh ku reebay dahamaan shacabka Soomaaliyeed ee u kala hayaamay wadanaka iyo dibadiisa  intii ku hartay wadankana ay ciirsadeen dhawaqa madaafiicda iyo sharaxaada meydka shacabkeena oo wadooyinka dhan ku larnaa.

Wixi markaas ka danbeeyay wadanka waxa uu galay heerar kala gadisan taa oo shacabka ay ku dawaqmeen ayna kala garan waayeen meel ay u raacaan gaariga aan kirishboga la heyn ee hadana xowliga ku soconaya.

Dowlado KMG gaaro ah ayaa laga sameeyay markuu burburka dhacay ka dib dalka ayadoona madaxweynayaal looga dhigay dad aqoon gaar ah u lahaa kana mid ahaa dowladii burburtay ee uu ka madaxweynaha ahaa Maxmed Siyaad Barre oo geeriyooday xiligaasi.

Inka badan 15 shir oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa lagu qabtay wadanka banaankiisa ayadoona madaxdiika qeyb gashay ay ahaaheen kuwo mar waliba ka hormarinayay dantooda gaarka ah mid shacabka dhiban waxaana ugu danbeyntii 2000 la dhisay xukuumad u ekeed in loo dhamaa oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan dadkii siyaasada isku heystay iyo Soomaalidii muda dheer ku sugnaa wadanka dibadiisa si ay u ogaadaan wacyiga saxa ah iyo waxa shacabka uu u baahanyahay waxaana garsoore ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti oo u dulqaadan waayay waxa ka soconaya wadanka Soomaaliya mudadaasi Ismaaciil Cumar Geele.

Shacabka Soomaaliya ayaa rajadii ay ka qabeen shirkaasi waxa uu ahaa 80%  mid wax badan ka badali kara wadanka waxaana kasoo baxay nin shacabka ay la dhaceen balse beesha caalamka aysan ku qanacsaneen Dr. C/qaasim Salaad Xasan. Howlgalo aan guul ku dhamaan ayuu kusoo kordhiyay wadanka waxaana ugu danbeyntii fashilmay xukuumadaasi oo la sheegay in ay dhaqaalo ay lunsatay waxa ayna noqotay suno xiligaasi wadada u furantay oo ilaa haatan siyaasiyiinta Soomaalida u dhaqan noqotay.

Kaalinta Qurba-joogta ay ka qaataan wareerka!!!

Qurbajoogta Soomaalida oo ku taamay in ay sameeyaan maamulo goboleedyo aan la ogeen halka ay u socdaan ayaa kusoo yaacay fikirkooda wadanka taa oo u ekeed in nin walba oo dukaan ku lahaa wadama Yurub & Mareekanka uu sameysto maamul isagoona ku magacaaabay deegaanka uu kasoo jeedo xaafadba ha ahaatee waxa ayna arintaasi noqotay mid circa kusii shareerto xumuadii shacabka Soomaalida ay qaadeen wixii la soo dhaafay  muda 21-ka sano.

Qandhadii ay ka qaadeen shacabka magacayo Urur oo xiligaasi ku saleesnaa wacyiga jira ayaa kasii dhigtay in ay sii fiigaan ayadoona la waayay cid la aamino iyo cid wax lagu aamino maadaama nin walba uu doonayo in uu madax noqdo isagoona ka bilaabayay xilka ugu danbeya ee Madaxweynimo.

Sida ay u soconayaan Kaanbeenada Madaxweynimo

Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa xiligaan qurba joogta Soomaalida oo doonaya in ay isku soo sharxaan xiligaan doorashada madaxweynimo ayadoona rajo wacan ay ka qabaan dhamaadka dowlada haatan wadanka ka jirta in ay tahay mid looga faa’ideysan karo in wadanka ay wax badan ka badali karaan gaar ahaan qurba joogta Soomaalida.

Kaanbeeno iyo ololo musharax walba uu ku muujinayo waxa uu u qabanayo shacabka ayaa waxa ay ka soconayaan dhamaan labadaasi magaalo iyo qaar ka mid ah wadamada ay ka yimaadeen ayadoona dowlada xilkeeda ay dhamaaneyso ee Sheekh Shariifna ay doonayaan madaxda in ay sii joogaan VillaSomaliaoo aad moodo in ay ku arkeen dhandhanaan.

Naqshado aad u qurux badan oo ay ku dhax larantahay halku dhigyo ku qanciyo ayaa iyo sawirka musharaxa ayaa aheyd waxa aan ku arkay dhowr xafladood oo aan ka qeyb galay ayadoona musharax walba uu goobta ka sheegayo waxa uu qabanayo iyo meelaha uu sida gaarka u eegayo.

Shacabka ayaa iyana ku wareersan cid ay siiyaan codkooda maadaama maalin walba saaxada siyaasada Soomaaliya ay kusoo kordhayaan dad horleh oo aan la aqoon kuwaasi oo u ek kuwa ka macaashayada dhiiga shacabkeena.

Jahwareerka iyo qaska ay wadaan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ah xiligaan mid aan la ogeen halka uu ku biya shuban doono ayadoona muuqaalada laga dheehan karo uu yahay mid rajo aan laheyn in si nidaamsan ay u dhacaan doorashooyin la filayo in wadanka Soomaaliya uu ka dhaco dhamaadk Augusto 2012.

________________________________________________________________

Mohamed Ibrahim Ayaanle | Ayaanle19@gmail.com | +254-7-28862688 | Nairobi – Kenya

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 20, 2012. Filed under Faalooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Maddax wada waalan & Shacab wada wareersan!!! FAALLO

  1. Xilka Madaxweyne.

    -Halka loo ordaayaa ragoow waa meel aan lagu harsanahayne.
    -waa meel hawsha hiiradii la galo laga hoyaadayne.
    -waa meel xafiis hawl lagu qabtaa laba haleelayne.
    -waa meel shilin hawl lagu fushaa gacanta haabayne.
    -waa meel wixii hagaas ah ee dhacaa akhiro lagu halweydiine.
    -waa meel hal ma garato hunguri uu wadaa ku hor ordaayaane.
    -waa meel ummad wada haraadsani dhammaan habid ku weydiine.
    -waa meel la kala horanyahoo lays hakranayaaye.
    -waa meel hayb-qabyaalad qaar wadaa kula horjoogaane.
    -waa meel wiil hub iyo rasaas kali yaqaan haatan joogaane.
    -waa meel wadaad hingaad aan aqoon wada hadaaqaaye.
    -waa meel qaar hoosta laga riixayaa rabaan inay kuba halaagaane.
    -waa meel mashruuc in uu hagaagaa loo qorshayn lala horjoogaaye.
    -waa meel dariska isku hawlayaan holac in uu damine.
    -war hadaad hal hayn Musharaxoow ka joog waxaa hoosta yaal hadimo
    waa-weyne.
    -oo habkii khaliifkii 5aad kii hayaa hawsha uga bayra.

    Waxaan maansadan ugu tala galay in ay aqristaan musha-
    rixiinta faraha badan ee halka jago u wada sharaxan.
    -
    -
    -

You must be logged in to post a comment Login