Shabaab & Beeraleyda oo isku dagan

Wararka naga soo gaaraya Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ay ku dagaalamaayan Deegano hoostaga Degmadaasi Dagaalyahaano katirsan Alshabaab iyo Beeraaley, dagaalka ayaa ahaa mid saacado qaatay waxa uuna maalintii shalay dhex maray Beeraley iyagu ka careesnaa Awaamisro ku aadan hanti kala wareejin oo kasoo baxay Kooxda Alshabaab

Dagaalka ayaa ahaa mid bilowday kadib markii Garsoorayaal katirsan Alshabaab ay beero ku wareejiyeen dad aan lahayn beerahaasi islamarkaana Beerta ka qaaday dadkii lahaa,kala wareejinta Beerahaasi ayaa ka dhshay dagaal xoogan oo maalintii shalay dhowr saac ka socday Deegano hoostaga Degmada Janaale

Dagaalka ayaa waxaa Khasaara kasoo gaaray Dad rayid ahaa oo iyagu degnaa Deeganada lagu dagaalamay, waxa ayna wararka sheegayan in dagaalkaasi ay ku dhinteen ilaa iyo Saddax ruux oo iyagu katirsanaa Beeraaleyda la dagaalameysay Alshabaab

Dhul beeredka ayaa waxaa iminka gacanta ku haayo Alshabaab waxaana lagu soo waramaaya in dhulkaasi ay ku wareejin rabaa Qoysas oo iyagu aan laheyn Dhul beereedkaasi.

 

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login