Warbixin “Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya”

Somaliland:   “Gooni isu taaga Somaliland waa muqadis”

Soomaaliya:  ”Midnimada Soomaaliya waa muqadis”

Erayo u baahan la fahmo:-

Soomaaliweyn :- Erayga “Soomaaliweyn”   waxaana  looga jeedaa 5ta Soomaaliyeed ee (Somaliland ,Soomaaliya,Jabuuti,Soomaali Galbeed, NFD.

Muqadis :- Waxaa muqadis ah Diinta,waxaa kaloo la soo raaciyaa dhulka.Ma jiraan wax kale oo muqadis ah.

Midowgii 1960 :- Waxaa loola jeedaa is raacistii Somaliland oo xoriyadeeda  ka qaaday Ingiriiska  26 Juun 1960 iyo Soomaaliya oo xoriyadeeda ka qadatay Talyaaniga  1 July 1960.

 Midnimo Soomaaliyeed ;- Waxaa loola jeedaa in laysla raadiyo sidii 5ta Soomaaliyeed laysugu keeni lahaa,ee macnaha midnimo Soomaaliyeed ma aha — Somaliland iyo Soomaaliya oo dib u midooba .

Qarannimo :- Wadan kasta qarannimadiisu waa u gaar, Somaliland  qarannimadeedu waa u gaar,Soomaaliyana qarannimadeedu waa gaar.

Federaal :- Waxaa noqon kara oo keliya Somaliland iyo Soomaaliya.Federaalku ma noqon karaan Koonfurta Gaalkacayo iyo Woqooyiga Gaalkacayo—Jowhar iyo Marka,Baydhabo iyo Kismaanyo.

 Maxay   Soomaalida ka dhexeeya(wadaagto).

  1. Asalka:- Soomaalidu waa dad isku isir ah ,asal ah,isku qoysna ka soo wada jeeda.
  2. Midabka :- Guud ahaan Soomaalidu waa dad isku midab,mana laha midabo kala duwan.
  3. Diinta:- Shacabka Soomaaliyeed 100% waa dad Muslim ah,meelkasta oo ay degan yihiinba.
  4. Luqada:- Soomaalidu waa isku Af(Luqad),mana jiraan luqado kala duwan oo laga hadlo dhulka ay Soomaalidu degto.
  5. Dhaqanka:-Guud ahaan Soomaalidu waa dad isku dhaqan iyo cado .
  6. Degaanka:- soomaalidu waa isku deegaan,mana kala googona dhamaanteed,mana jiraan ummaddo  kale oo dhex degan amase kala googooya.

      IWM

 Waxyaabaha Soomaalidu ku  kala duwan tahay ?

  1. Qaybintii Gumaysiga: – Sidii  Gumaysigu u qaybiyey Soomaalida ayaa waxay raad weyn ku reebtay Siyaasada guud ahaanba dhulka ay Soomaalidu tegto,waxaana sababaha keenay in ay Soomaalidu u qaybsanto 5 qaybood oo  kala ah (Somaliland –Soomaaliya—Jabuuti—Soomaali Galbeed iyo NFD)
  2. Siyaasada;- Soomaalidu xilligan waxay aad iyo aad ugu kala qaybsan tahay dhinaca Siyaasada,Waxaa kala go,ay dhulkii Soomaaliya laysku odhan jiray, u kala goay Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliyana waxay u sii kala googoday Maamulo kala duwan,  sida Puntland—Galmudug IWM.
  3. Xeerarka qabiilooyinka :- Soomaalidu waxay ku kala duwan tahay habka Qabiilooyinka Soomaalidu u Xeer sameystaan,qaar badan oo ka tirsan Qabiilooyinka Soomaalidu kama dhexeeyaan Xeer hoosaadyo Qabiil,sababtoo ah  Xuduud dhul ma laha.

Istixgelinta  Qabiilka:- Qabiilooyinka ay Xeerka iyo Xuduuduhu ka dhexeeyaan aad iyo aad isu tixgeliyaan, dhibta dhex martana si fudud ayey u dhameeyaan.Qabiilooyinka aan Xuduud iyo Xeerka wadaagin runtii aad iyo aad ayey u adag tahay xalinta dhibka ka dhex dhaca.

  1. Shaqada:- Habka ay u shaqaysato guud ahaan Soomaalidu way ku kala duwan,laba shaqo ee ugu waaweyn ee Soomaalidu taqaanaana waa  Beeralay iyo Xoolo dhaqato.

 Ajandaha Shirka Somaliland iyo Soomaaliya:-

Ajadaha  wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaraya dhowaan wadanka UK,saddex arimood mid uun buu noqon karaa:-

  1. Kala goid.
  2. Midnimo Qaran.
  3. Federaal.

Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya. 

Aynu wada hadalo–waa aynu heshiino, wada hadalku waa habka ugu fudud ee lagu dhameeyo mushkiladaha dhex mara baniaadanka ku nool dunidan guudkeeda.Marka laga hadlayo erayga wada hadal,wuu noocyo badan yahay,laakiin kan hadda aynu ka hadlayaa waa “wadahadka Siyaasadeed” (political dialog)oo dhex maraya labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Guud ahaan ummadda ku abtirsata magaca Soomaali,waxay hide iyo dhaqan soo jireen ah u leedahay wada hadalka,waa habka ugu fudud ee ay isku afgarato,waa habka ugu wanaagsan ee ay ku xaliso dhamaan noocyada khilaaf ee soo kala dhex gala.Somaliland iyo Soomaaliyana way ku saxsan yihiin in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka Siyaasadeed eey ka dhexeeyey in ka badan 21 sanadoon,waa wado sax ah,laakiin mar kasta ogsoonoow khilaafkani waa mid Siyaasadeed,wuxuuna leeyahay wejiyo aad aad u kala duwan, aad u kala fog,oo intooda badani qarsoon tahay.

Shirkii London:-
Go,aanadii ka soo baxay Shirkii ka dhacay London 23 Feb 2012 ,waxaa ka mid ahaa Qodobka 6aad oo dulucdiisu ahayd in ay Soomaaliya iyo Somaliland ,wadahadal Siyaasadeed yeeshaan,Q6 ma sheegayn xilliga ay wada hadlayaan,meesha ay ku wada hadlayaan, waxa ay ka wada hadlayaan iyo cida goob joog ahaan uga qayb qaadanaysa wadahadalka midna

Shirkii Feb 23 dii 2012 , London loogu qabtay dhamaan Dowladaha iyo Maamulada ka jira dhulkii hore Soomaaliya laysu odhan jiray,markii uu dhamaaday isla maalintii 23kii Feb ,waxaa laga soo saaray war murtiyeen ka kooban 26 qodob lana odhan karo dhamaantoo waxay ahayeen qaar quseeya guud ahaan dhulkii Soomaaliya laysku odhan jiray xilliyadii hore.
Dhamaan ergooyinkii ka qayb galay Shirka ,oo ka kala socday Soomaaliya ,Somaliland,Puntland,Galmudug iyo Ehlu Sunna Wa Jamaaca, dhamaan waxay muujiyeen farxad iyo rayn rayn badan,waxay dhamaantood ku celceliyeen in Shirkii London ka dhacay ay guulo waaweyn,wax ku ool ah,la taaban karo,waxtarweyn u leh bulshadooda ay ka soo hooyeen,kalana soo guryo noqdeen,waa lagu soo dhoweyeey,waana loogu dabaal degay dhamaantood.

Haddaba waxaan intii ka dambaysay 23 kii Feb ,aad iyo aad u isu deyey in aan xog buuxda ka helo,sababta cid kasta oo Shirkii London ka qayb gashay ay u sheeganayso in ay guul weyn ka soo hoysay,waxaa doonayey in aan ogaado bal noocyada guulaha Shirka ka soo baxay,waxaan la sheekaystay shaqsiyaad dhowr ah oo runtii waayo aragnimo weyn u leh xalada siyaasaeed ee Geeska Afrika xilligan.Marka laysku soo wada duubo guulaha cid waliba ka sheegtay Shirkii London 23.Feb 2012 waxaa lagu soo koobi karaa :-

Somaliland:-
Somaliland waxaa loo sheegay,,si fiican loogu tilmaamay wadada ay u marayaan,halka laga helayo ee uu yaalo aqoonsigii 21 sanadood ay badi doonka ugu jiray.Waxaa loo tilmaamay wado dhow oo ay u mari karaan aqoonsi buuxa iyo midnimo Soomaaliweyn hadba kii ay doonayaan,waa sababta keentay in Waftigii Somaliland uga qayb galay Shirkii 23 Feb 2012 ka dhacay London ay inoo sheegaan in ay ka soo hooyeen guulo waaweyn Shirkaa, laakiin Waftigii Somaliland may fahmin in Soomaaliya la siiyey,gacanta loo geliyey awood aad u weyn oo aanay hore u haysanin “taas oo ah in aqoonsigii Somaliland ay iagu hayaan”.

 Soomaaliya:-
Soomaaliya iyana waxaa si fudud oo Siyaasadeysan loogu tilmaamay ,wada ugu dhow ee ay u mari karaan midnimada Soomaaliya ee ay had jeer ka dhawaajiyaan in ay tahay mid “muqadis ah”,,waxaa Soomaaliya la tusay in aqoonsigii Somaliland ee ka soo horjeedeen uu gacmahooda ku jiro,waa sababta keentay farxada iyo dabaal degii ka dhacay Muqdisho,waa sababta keentay in ay sheegtaan in ay guulo la taaban karo ka soo hooyeen Shir London ka dhacay 23.Feb2012 .

Puntland/Galmudug/Ehlu Suna Wajamaac:-

Waa run oo saddexda Maamul ee Puntland,Galmudug,Ehlu Sunna waxay ka soo hooyeen guulo aad u waaweyn Shirkii lagu qabtay London 23 Feb 2012,waxaana ka mid ah guulahaas:-
1. Waxay ku qasbeen Dowlada TFG,in ay garab fadhiistaan Shirarka Caalamiga ah ee ay ka qayb gelayso,si ay indhaha ugu hayaan heshiis kasta oo ay gelayso.
2. Waxaa la meel mariyey heshiiskii ,hirgalay dhamaan qodobadii Shirkii Garoowe,taasina waxay guul weyn u tahay Maamulka Puntland.
3. Waxay magacoodii gaadhsiiyeen,oo ay isbarteen Dowladihii shirka ka soo qayb galay.
4. Waxay gudihiisa galeen N0.10 Down street,halkaas oo ay ku kulmeen Raiisal Wasaaraha Dalka Ingiriiska,runtii waxay u hayd fursad qaali ah iyo guul weyn oo u soo hoyatay.

Isku soo wada duub oo Somaliland waxaa loo sheegay in aqoonsigooda ay ka baryaan Soomaaliya,Soomaaliyana waxaa loo sheegay in ay awooda aqoonsiga Somaliland uu gacantooda ku jirto, waxaa odhan karaa waxaa la siiyey awood weyn oo aanay hore u ogeyn.

Qodobada muhiimka ah marka laba wadan wada hadlayaan:-

Somaliland iyo Soomaaliya waxay ku muransan yihiin ee ay ka wada hadlayaan waa “GOBANIMO—AQOONSI-WAA IN AYNU NOQONO LABA WADAN OO DERIS AH,WALAALO AH,ISGARABSADA,ISGARGAARA,OO LA KALA YIDHAAHDSO SOMALILAND IYO SOOMAALIYA”.Somaliland iyo Soomaaliya waxyaabaha ay ka wada hadlayaan waa MASIIR Ummaddeed,waa Qaranimo Ummaddeed,waa mustaqbal Ummaddeed,ee yaan fudeyd lagu geli.

Runtii waa wada hadal aad u culus, adag, qaadana kara mudo dheer, haddii loo tixgeliyo loona wajaho miisaanka siyaasadeed ee ay leeyihiin

Marka laga wada hadlayo arimo Siyaasadeed amase ay ka wada hadlayaan laba wadan arimo Siyaasadeed , waxaa aad iyo aad u muhiim ah,tixgelin weyna leh qodobadan:-

  1. Waa in ay jiraan “mabdaiyan wixii laga wada hadlayey,(Ajadandaha) sida Xuduudo,dhul, isaqoonsi ,Shuruuc iyo Hanti ay ku muransan yihiin laba wadan,laba shacab amase laba maamul iwm.
  2. Waxaa aad iyo aad u fiican inta badan in qorshaha wada hadalku uu cida wada hadlaysa ka yimaado,laakiin waa caadi ,ceebna ma aha in wada hadalada Siyaasadeed ay cid kale soo jeediso, amase ay soo sameyso qorshe ay idinku wada hadalsiinayaa.
  3. Waa in aad adigu midaysan tahay,oo aadan kala qaybsaneyn,haddii aad kala qaybsan tahay waxay faaiido weyn u tahay cida aad wada hadlaysaan,goaanada soo baxana waa laga daba hadlayaa (looma dhameyn—nama metelo—kalsooni nagama haysto iwm) waa erayada ugu caansan xilligan aynu hadda ku jirno.
  4. Cida wada hadlaysa ayaa dhex dhexaadinaya ?,yaa goob jog ka noqonaya ?,wadama idin dhexdhexaadinaysa ma ku kalsoon tihiin labadiina dhinacba ?, wadamada idin dhexdhexaadinaya dano noocee ah ayey idinka leeyihiin ?,ma dano dhaqaale,ma dano Siyaasadeed, mise dano Istiraatijeed ?.Suaalahaas iyo qaar kale oo la mid ahiba waxay u baahan yihiin in jawaab waafi ah loo helo inta aan la guda gelin wada hadalka.
  5. Goobta lagu wada hadlayo,inta badan waa muhiim in la tixgeliyo arimaha Amaanka iyo Isgaadhsiinta,dhaqanka iyo dhaqaalahaba,sababtoo ah haddii intaa mid ka dhiman yahay waxaa dhici karta in “wada hadaladu ay hakadaan mararka qaarkood”.
  6. Dhaqaalaha ku baxaya wada hadalka yaa bixinaya ?,waa mihiim sababtoo ah ,inta badan waxaa ku baxa wada hadalka dhaqaale badan,sababtoo goobaha lagu wada hadlayo,ilaalinta amaanka Wufuuda iyo Hotel-lada ay degaan waa goobo qaali ah.
  7. Luqada lagu wada hadlayaa ayaa iyana aad muhiim ah,waa in aad si fiican u fahmaysaa erayada sarbeebta ah,waa in aad akhriyi kartaa famina kartaa waxaa aad saxeexayso iwm.
  8. Waa in aad si fiican u taqaanaa Shuruucda ,sida Dastuurka iyo Xeerarka kale ee wadankaaga si aanay hadhow isaga hor imanin go,aanada la gaadho iyo Shuuracda wadanka u degsani.
  9. Waftiga kaaga qayb gelaya wada hadalka , waa in ay fahansan yihiin miisaanka ,muhiimada iyo culayska ay leeyihiin wada hadalka ay ka qayb gelayaan,waa in ay miisaan Siyaasadeed ku dhex leeyihiin Bulshada ay metelayaan,waa in ay aqoon durugsan u leeyihiin dhaqanka iyo Siyaasada labada Bulsho ee wada hadlaya.
  10. Waftiga kaaga qayb gelaya wada hadalada waa in noqdaan “Shaqsiyaad aan isbedel amase isrogrogid lagu aqoon,waa in ay ku can yihiin shaqsiyaad ku adag qadiyada ay metelayaan.Haddii ay yihiin shaqsiyaad si yar isu bedela,markaa waxaad ku jirtaa Qatar aad u weyn oo waa la bedeli karaa waftigii aad diratay.
  11. Waa in aad taqaanaa Shaqsiyaadka ay soo diranayaan wadanka aad wada hadlaysaan,gaar ahaan aqoontooda Siyaasadeed ,dhaqan iyo degaanba.Markasta oo aad aqoon fiican u leedahay cida kaa soo horjeeda ,waxaa kuu fududaanaya wada hadalka,waxaa kaloo kuu sahlanaaneysa halka aad hadalka ku dhufanayso iyo sida aad u gaadhayso yoolkaaga.
  12. Waxaa muhiim ah waayo aragnimadii laga dhaxlay dhibtan laga wada hadlayo,sida maxaa dhib ina soo kala gaadhay intii ay isku jirnay ?,maxaa faaiido ina soo kala gaadhay intii aynu kala maqneyn iwm.
  13. Waxaa loo baahan yahay in la helo dhamaan wixii Cilmi baadhis laga sameeyey arinta laga wada hadlayo,sida qoraalo,Film ,Suugaan iwm,waxaa iyana muhiim ah Khubaradii baadhay in ay la helo haddii ay nool yihiin.
  14. Waxaa aad iyo aad u fiican in aad sii baadhato(Xuuraanto),xogagaalna u tahay ,mawqifka ay taagan yihiin kooxda kaa soo horjeeda ee aad wada hadlaysaan.
  15. Marka la wada hadlayo waxaa jira WAAJIBAAD aad xambaarsan tahay, waxaa kuu soo dhiibaya Madaxdaada iyo Ummadda aad wakiilka ka tahay ,waa halka aadan dhaafi Karin go,aan qaadashada ,waa halka inta badan aad maqasho waa laysku mari waayey.
  16. Waxaa jira habka loo yaqaan TANAASUL,haddii lays mari waayo oo wadan waliba halkiisii ku adkaysto waa in laysu soo dhoweeyaa,markaa inta badan mid uun baa sameeya TANAASUL-oo macnaheedu yahay in aad iska dayso mid ka mid ah qodobadii kuugu adkaa ee Shirka laga wada hadlayey,si loo heshiiyo.
  17. Waxaa aad u fiican in had iyo jeer ay kuu kala cad yihiin qodobada aad TANAASULKA ka samayn karto iyo qodobada ay kugu adag tahay in aad ka tanaasusho .
  18. Haddii lays mari waayo,maxaa kaaga meel yaala,ma lagu kala kaco wada hadalka ,mise in aad debciso qodabada wada hadalka adkeeyyey.
  19. Intaa waxaan ku soo koobayaa 18 ka qodob ee aan isleeyahay ,waxay ka mid yihiin qodobada ugu muhiimsan ,marka laga hadlayo “wada hadal Siyaasadeed “Cida hindisaha wada hadalka lahayd/Ajandaha/Midaysnaanta cida wada hadlaysa:-

Marka laga soo bilaabo 18 May 1991 ilaa maanta Somaliland diyaar ayey u hayd in ay mar uun wada hadlaan  Soomaaliya,laakiin shuruud keliya ayaa ku xidhinayd, taas oo ahayd “marka la helo Soomaaliya oo mid ah(midaysan).

Marka la wada hadlayo:-

Marka ay wada hadlayaan,laba Dowladood amase laba Maamul,waxaa aad iyo aad u muhiim ah,in marka hore lays aqoonsado,haddii aanu jirin isaqoonsiga laba  dhinac ee wada hadlayaa.Aqoonsi waxaan ula jeedaa in (Somaliland iyo Soomaaliya ay isu aqoonsadaan laba Dowladood oo wada hadlaya Haddii aanu jirin ISAQOONSI laba dhinac ee wada hadlayaa,markaa  heshiis kasta oo ay wada galaana wuxuu noqonayaa mid aan waxba ka jirin..

Cida Wada hadlaysaa waa Somaliland iyo Soomaaliya:-

Cida wada hadlayaa waa Somaliland oo ay metalayso Xukuumada xilligan xilka haysa,Golayaasha Sharci dejinta,Ururada Siyaasada iyo waxgaradka  Somaliland.

Soomaaliya ay  ka wakiil ka tahay  (TFG)Dowlada ku meel gaadhka ah,Golayaasha  Sharci dejinta iyo guud ahaan waxgaradkeeda.

F.G.—Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya waxaa ka masuul ah,ka wakiil ah,Dowlada ku meel gaadhka ah(TFG),ee  Maamul Goboleedyada iyo Somaliland wada hadal ma  geli karaan.

Cida hindisaha wadahadalka lahayd:-
wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ,waxaa hindisihiisa iska lahaa kooxda loo yaqaan “ Bulshada Caalamka”,mana ahayn mid ka soo goay quluubka  shacabka  Somaliland iyo Soomaaliya midna.
Wada hadalka dhex mari doona Soomaaliya iyo Somaliland,waxaa uu ahaa qodob ka mid ah qodobadii shirkii London 23 Feb 2012,(Q6)qodobkiina  waxay u qornaa  sidan Somali/English:-

6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka.

6. The Conference recognised the need for the international community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations.

AJandaha   wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya:-

Ajandaha  wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya  waxyaabaha ugu muhiimsan  lagu waxaa lagu soo koobi karaa:-

  1. Qaranimo/Gabanimo/Aqioonsi(Xuduud—Cirka,Dhulka iyo Badda).Waxaan ula jeedaa in aynu noqono labada Dowladood oo deris ah.
  2. Qaladaadkii laga galay Shacabka reer Somaliland(waxaan ula jeedaa ,Boobkii Siyaasadeed,dhaqaale ee loo geystay 21kii sanadood(1960-1991).
  3. Burburintii  1960-1991),waxaa ula jeedaa Dagaaladii xasuuqa ahaa,iyo dhamaan wixii   naf iyo maal burburay  mudadaa.

Mideysnaanta   cida wada hadlaysa  mid walba goonideeda:-
Somaliland:-

  1. Somaliland waxaa maanta ka jiray  muran Siyaasadeed oo waxaa furan in ka badan 9 Urur Siyaasadeed markaa waxay haboonayd in la sugo inta murankaasi dhamaanayo,oo la ogaanayo Xisbiyada ku soo baxa Siyaasada wadanka.
  2. Waxaa muran ka jiraa  geesaha Somaliland sida Sool iyo Awdal.markaa waxaa iyana muhiim ah in la xaawilo sidii marka hore loo dhamayn lahaa arimahooda.

Soomaaliya:-

  1. Dowlada hadda jirta Soomaaliya waxaa xilligeedu ku egyahay   bisha Aug 2012.markaa waxaa muhiim ah in la sugo cida bedelaysa iyo haddii, iyo haddii ay iyadu noo noqonaysaba.
  2. Kooxaha/maamulada xilligan jira oo aad u fara badan, kuna kala fog xagga aragtiyaha Siyaasadeed ,markaa waxaa loo  baahan yahay in la sugo  Soomaaliya oo mid ah, haddii heshiis kasta oo la galo muran ayaa ka dhalan doona.(waxaynu maqli doonaa erayada ay ka mid yihiin ,looma dhamayn—nama metelaan—kasooni nagama haystaan IWM) .

Hadal iyo dhamaan wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland  waa wada hadal adag,dheer,una baahan in loo helo shaqsiyaad ka midho dhalin kara,laba shacabka  ee  Somaliland  iyo Soomaaliyana u soo hoyn kara guul iyo nabad ggelyo ay ku naaloodaan.

Cida dhexdhexaadinaysa Somaliland iyo Soomaaliya:-
Inkasta oo aanay weli cadayn,wadamada goob jooga ka noqonaya wadada hadalada dhexmaraya Somaliland iyo Soomaaliya ,haddana waxaa la hadal hayaa  wadamada  ay mid yihiin  Uk,Itoobiya ,Kenya,Jabuuti,Uganda  iyo wakiilka  UN,ee Soomaaliya  iyo ururo kale.
waxaa ogataan in wadal kasta oo Soomaaliyeed , oo ay ka soo qayb galaan wadamada Itoobiya, Kenya ,Uganda iyo Jabuuti  in aanu noqon doonin wada hadalo  guulaysta waxaana u sabab ah :-

  1. Wadamada aan kor ku soo sheegay iayagaa ka masuul Siyaasiyan dhibta guud ahaan Soomaalida Soo gaadhay,daacadna kama aha in guud ahaan geyiga Soomaaliyeed  nabad noqdo.
  2. Waxaa is diidan danaha ay wadamadaasi leeyihiin iyo danaha Soomaalidu leedahay, runtii waa laba aad u kal fog.
  3. Haddii Dowladaha dhexdhexaadinayaa aanay daacad ka ahayn ,arinta ay dhexdhexaadinayaa,markaa way adag tahay in heshiis laga gaadho arimihii laga wada hadlayey,qodobada wada hadalka ka soo baxaana waxay noqonayaan  qodobo aan cidina ku farxi  doonin,siina kala fogeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Goobta ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo soomaaliya:-

Waxaan maqlay in  goobta lagu wada hadlayaa ay tahay   Uk-London,runtii ceeb ma aha in wadan kale lagu wada hadlo,balse waxaa fiican in aad loo tixgeliyo  dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:-

  1. Dhaqaqanka  wadanka lagu wada hadlayo,oo runtii  aynu aad u kala fog nahay,kala fogaanshaha dhaqankuna wuxuu keeni karaa carqalado ku yimaada wada hadalka.
  2. Uk-waxaa ku nool Soomaali aad u fara badan,gaar ahaan Siyaasiyiin aad u kala aragti duwan,kuwaasina waxay  fara gelin joogto ah ku samayn karaan wada hadalada.
  3. Waa goob aad uga fog Soomaaliya iyo Somaliland,markaa markasta oo loo baahdo in wada tashi laysugu noqdo waxay noqonaysaa in dib loogu dhoofo Soomaaliya iyo Somaliland,taasi waxay keenaysaa qarash fara badan oo aan loo baahneyn.(In kasta oo isgaadhsiin casri ah jirto haddana waaxaa loo baahanayaa in mar mar dib laysu noqdo).

Dhaqaalaha ku baxaya waadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya:-

Runtii ma garanayo cida bixinaysa  dhaqaalaha ku baxaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,balse waxaan filayaa in ay bixinayaa Bulshada  caalamku amase Dowladihii fikirka iska lahaa. Waxaa cadahay in dhaqaalaha ku baxaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya uu yahay mid aad u  badan, “ogaadana  dunida xilligan ma jiraan wax bilaash laysu siiyaa ,haddii dhaqaalaha  wada hadalka la bixiyo, Soomaalidana waxaa la doonaayaa bedelkii  dhaqaalihii laga bixiyey.

 

Luqada ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo Soomaaliya:-

 Luqada lagu wada hadlayaa aad iyo aad ayey muhiim u tahay,sababaha ay muhiim u tahay waxaa ka mid ah:-

  1. Waa in ay si fiican isu wada fahmaan dhamaan ka qayb galayaasha wada hadala,gaar ahaan  kooxaha wada hadlay.
  2. Waxaa qabaa in Afka hooyo uu yahay kan keliya ee dareekooda ay ku cabiri karaan dhamaan kooxaha Soomaaliyeed ee wada hadlayaa.
  3. Waxaa aad u fiican in lagu wada hadlo Afka hooyo,si loo adeegsado maahmaaha,halkudhegyada,gabayada iyo guud ahaan suuganta Afka Soomaaliga.
  4. Haddii luqad kale lagu wada hadlo waxaa yaraanaya is fahanka Soomaalida ,waxaa yaraanaya adeegsiga suugaanta  Afsoomaaliga,waxaana dhici doonta in la saxeexo wax qaldan,muran iyo sidaa umaan fahmin waa la maqli doonaa.

Hadal iyo dhamaan weli waxaad moodaa in ay kala fog yihiin  Soomaaliya iyo Somaliland ,waxaad moodaa in aan weli la helin isu soo dhowaansho  iyo saaxad caafimad qabta oo lagu wada hadlo midna.Dastuurada Somaliland iyo Soomaaliya:-

Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaa qayb muhiim ah ka qaadanaya Shuruucda amase Dastuurada (Axdi qarameedyada ) ay kula dhaqmaan labada waadan .Qaybtana waxaan idiin idiinklu soo gudbin doonaa qaar ka mid ah qodobada ugu adag Dastuurada Somaliland iyo Soomaaliya,kuwaas oo aan isleeyahay waxay caqab ku yihiin wada hadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya,waxaana ka mid ah:-

Dastuurka Somaliland:-

(Dastuurka Somaliland ,waxaa Shacabka reer Somaliland cod buuxa ku ogolaadeen May 2001,waxaa ogolaaday in ka bada 95%,qoodobadiisa waxaa ka mid ah :-
QODOBKA 1AAD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.
2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

QODOBKA 2AAD
DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45′ ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasuradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad Ia wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
3. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

QODOBKA 3AAD
MAGALO-MADAXDA
Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa

QODOBKA 7AAD
CALANKA, ASTMNTA & HEESTA QARANKA

1. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle’eg oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.
2. Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah.

3. Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer

4. Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go’aan Golaha Wakulada.

Dastuurka Soomaaliya:-

Soomaaliya waxaa ilaa maanta laga dhaqmaa Dastuuro ay ka mid yihiin kii 1960kii,kii Embagatti, iyo Dastuurka federalka (qabyo qoraalka ) oo sanadihii ugu dambeeyey howshii iyo murankiisuba socdeen,ilaa hadda aan la ogeyn in la ogolaan doono iyo in la diidi doono.Qodobada ugu horeeyana waxaa ka mid ah:-

Qodobka 4aad – Gobannimada Jamhuuriyadda
1. Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah oo gob ah, kuna dhisan matilaad dadweyne loo dhan yahay oo dimoqraaddi ah.
2. Shacbiga Soomaaliya waa hal, lamana kala qaybin karo.
3. Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqaddas laguma-xadgudbaan ah.

Qodobka 6aad – Astaanka Qaranka
1. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyay qaybta A ee jadwalka koowaad, waalaydi buluug furan ah oo dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.
2. Astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rurkumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.
3. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa Heesta Qaranka.
4. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa billadaha sharafta.
5. Baarlamaanka ayaa soo saaraya sharciga maamuuska ay mudan yihiin calanka, heesta qaranka iyo billadaha sharata ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Qodoboka 7aad Dhulka Dowladda
1. Gobannimada Jamhuuriyadda soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka.
2. Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
3. Guddoon afti Qarameed oo keliya ayaa lagu oggolaan karaa waxkabeddelidda dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qodobka 8aad – Magaalo Madaxda Qaranka
1. Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamkma Magaalo madaxdu ay ku leedahay qaabdhismeedka federaalka ee Jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad ee Dastuurka.

“GOONI ISU TAAGA SOMALILAND WAA MUQADIS”
“MIDNIMADA SOOMAALIYA WAA MUQADIS”
Haddal iyo dhamaan Dastuurada Somaliland iyo Soomaaliya ,waxay sii adkeynayaan wada hadal iyo isu soo dhowaansho kasta oo dhexmari lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

 Qaar ka mid ah wada hadaladii ugu  caansanaa  dunida:-

 Marka laga hadlayo wada hadalo dhex maray  laba Ummaddood  ama laba Dowladood  waxaa jira qaar tusaalle loo soo qaato. Qaybtan waxaan jecelahay in  ku soo qaato,qaar ka mid ah wadamada  amase Dowladaha  ugu caansan dunida  ee ay wada hadalo dhexmareen   iyo weliba hadaladii ay yidhaahdeen   hogaamiyayaashii  Wadamadaasi,kuwa ugu caansana waxaa ka mid ah:-.

  1. Madaxweynihii Masar :-Madaxweynihii  hore Dalka Masar Md. Anwar  Sadat  –wuxuu yidhi  mar uu la hadlayey Baarlamaanka (Knesset) wadanka  Isreal  :-“lacagta aynu hubka  ku soo iibsano, waxaa fiican in aynu ku iibsano qalabka caafimaadka iyo qalabka Beeraha”. “ In aynu colaad ku wada noolaano waxaa ka fiican ,in aynu nabad ku wada noolaano. “Inaga ayaa heshiin karna—ee ma jirto cid kale oo ina heshiisiin kartaa”  “ Nabad ayaa idiinku imid  ee idina iga aqbala nabada aan sido” “ Idinkama yeelayno in aad sii haysataan taako ka mid dhulka reer Masar”.
  2. Madaxweynihii  South Africa:- Madaxweyihii hore  ee dalka South Africa Md.Nelson Mandela  wuxuu yidhi—“ Dadka cadaanka ah ee ku dhaqan  South Africa, waxay jeclahaayeen Midab kala sooco ,anaguna waan ka soo horjeednay,waanu diidnay”  “anaguna waxaanu doonaynaa in Demuqraatiyada  lagu kala baxo,laakiin cadaanku ma ogalayn sababtoo ah waxay ogaayeen in guushu anaga na raacayso”  “Waxaa  doonaynay in  aanu si nabad ah ugu wada noolaan South Africa,horumarka  shacabkayagana ka  wada shaqayno”.  “ Waxaanu ugu dambayntii isla garanay haddii aanu  nahay  Ummadda reer South Africa,ee midabada kala duwan leh,in  dantu tu ku jirto wada noolaasho iyo nabad waarta” .
  3. Hogaamiyii hore ee reer   Palestine (Falastiin) :-Hohaamiyii hore ee Falastiin Md. Yaser  Arafat  wuxuu yidhi –  “ Israel waxay diidan yihiin in ay   ka kacaan dhulkii ay sida shrci darada ah ku qabsadeen —“Isreal waxay diidan tahay  in ay bixiyaan wixii ay geysteen”,–Waxay Israel diidan tahay in aanu noqono, laba dal oo deris ah,kuna wada nool Bariga dhexe”—“ Marka aanu wada hadlayno Isreal (Yuhuuda),waanu ognahay in aanu wada hadlayno Wadanka dunida ugu xooga weyn oo U.S.A” “Haddii cida wada hadlaysaa ay yihiin Isreal iyo Palestine , beri hore ayaanu heshiis gaadhi lahayn—- waa nalagu dhex jiraa”.
  4. Madaxweynaha Isreal :-  Madaxweynaha  Isreal Shimon Peris  wuxuu yidhi —“ nabada  Isreal iyo Palestine  ay raadinayaan– waxay saran tahay Buur  aad iyo aad u dheer  dusheeda – anaga iyo reer Palestine  qolaba dhinac ayey ka koraysaa ,si  nabada looga soo qaado Buurta dusheeda–  marba  qaar inaga mid ah ayaa soo dhacaya ,iyagoon  aan gaadhin halkii nabadu taalay—waxaan rajeynayaa in aynu maalin uun gaadhi doono”  —“Isreal nabad bay rabtaa , Palestina nabad bay rabtaa laakiin haddana waxbaa naga qaldan—waanu garanaynaa ee waanu is yeelyeelaynaa”!!!
  5. Madaxweynahihii hore ee Cuba :- Madaxweynihii hore ee dalka Cuba Md. Fidal Castro ,mar la weydiiyey   “Haddii uu la kulmi lahaa Madaxweynaha Mareykanka,Wasiiradiisa  Arimaha Dibada,Gaashaandhiga  iyo la taliyaha Amaanka  wuxuu yeeli lahaa,wuxuu ku jawaabay —-“marka hore waan soo dhoweyn lahaa , waanu wada fadhiisan lahayn ,shah ayaanu wada cabi lahayn—inta aanu shaaha  cabayno waanu kaftami lahayn—markaanu Shaaha dhamaysano waxaanu shidan lahayn  –Sigaarka Cuba caanka ku tahay—intaa ka dibna waxaanu ka wada hadli lahayn  dantii ay iigu yimaadeen” “ Shacabka Cuba ayaa doortay sida ay u noolaanyaan—Maraykankuna nooma sheegi karo sida aanu u noolaanayno”.
  6. Wasiirkii hore ee Arimha Dibada ee USA:- Wasiirkii hore ee arimaha dibada   wadanka Maraykanka Md.James Baker  mar la weydiiyey sababta Bariga dhexe nabad waarta  loo waayey ,wuxuu yidhi “Anaga iyo dunida Carabta inteeda badani waxaanu isla fahmi weyna labada eray ee “ARGAGIXISO  IYO XAQ U DIRIR– waxaanu   ARGAGIXISO u naqaano ,wadamada Carabta qaarkood waxay u yaqaanaan   XAQ U DIRIR”–  halkaas ayaa ugu adag oo aanu is fahmi waynay—waan hubaa haddii  eraygaa anuu isla fahmi lahayn in aanu hore u socon lahayn. –  “Marka aan wada hadal ka qayb galayo waxaan jecelahay in  aan  marka horeba garanayo wixii aan doonaayey,– waxaan la soo tashaday Dowladayda ,–waa in aan  go,aan qaadan karo—ma jecli in aan marba Telefoon diro amase  dib ugu noqdo  Washington”—“ Waxaan sii ogaadaa  shaqsiyaadka iga soo horjeeda ,aanu wada hadlaynaa kuwa ay yihiin—aqoontooda –Siyaasadooda—waxay aaminsan yihiin  sida ay u fahansan yihiin waxa aanu ka wada hadlayno iwm—-Tariq Aziz (Ciraq) wuxuu ka mid ahaa raggii iigu adkaa ee aan wada hadal la galo,wuxuu yaqaanay sida hadalka loo yidhaahdo-wuxuu yaqaanay sida Dunidan aynu ku nool nahay u qaybsan tahay,—-laakiin waxaa u talin jiray nin Keli taliye ah—- hadii  kelitaliye ku xukumo ,markasta waxaa kugu adag go,aan qaadashada” .
  7. .Madaxweynihii  1aad ee Somaliland:-  Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland Md. C/raxman  Axmed  Cali – Tuur(naxariistii jano ILLAHAY ha siiyo),wuxuu yidhi  — waa deg degaysaan –deg degnu ma fiicna,ee waxaa fiican in aanay dib u dhici wixii  hore u dhacay—inagoo isku dhan reer Somaliland ayaa fiican in aynu Soomaaliya u tagno,oo wada hadalo—haddii aynu qaybsanaan ku tagno  ama aynu isbarbar yaacno way inaga guulaysanayaan ,inagana waxaa inagu dhacaya wixii 60kii wax ka daran.
  8. Madaxweynihii 2aad ee Somaliland :- Madaxweynihii 2aad ee Somaliland Md. Maxamed  X.I.Cigaal (naxariistii jano ILLAHAY ha siiyee) wuxuu yidh — Way fududahay sida la idiin karbaashaa —–way howl yartahay sida  hogaan la idiinku xidhaa.
  9. Madaxweynihii 3aad ee Somaliland :-  Madaxweynihii 3aad ee Somaliland Md.Dahir Rayaale Kaahin  wuxuu yidhi  — “Cidina ma dooran karto  cid ay deris la noqonayso—ILLAHAY ayaa inagu wada abuuray geeska Africa –deris baynu nahay –derisku xaq ayuu isku leeyahay— adigu  deriskaaga gacanta u tag—hadii uu doono isagu  ha ku diidee”!!.
  10.  Abwaankuu weynaa ee Ibrahim Gadhle—ILLAHAY  naxariisto jano ha siiyi  isaguna wuxuu yidhi :-

“Taariikh da’ weynoo,
Degmadeenu leedahay,
Aan idiin dul-xaadshee,
Lixdankii dadkaygoow,
Markaad Dawladnimadii,
Diiqada u bixiseen,
Degdegsiinyo mooyee,
Doqonniimo ma ahayn,
Manaydaan denbaabine,
Shanta kala dab-raacdaa,
Dermo qudha ah u gogosheen,
Isku-duubnideenniyo,
Daacad baw horseeddeen,
Geeluba hadduu dido,
Duq baa loo hoggaanshaa,
Sida loogu deyduu,
Geesina u diriraa,
Anna laba-daryaalii,
Waxaan Daacad uga baxay,
Dhulku yaanu Daaliyo,
Dooloow u kala go’in,
Siday labada daamood,
Dab u wada kulaalaan,
Dibi keliday lay qalay,
Qoys qudh ah dibbiradii,
Waxa aan ka door-biday,
Duubiga shan lagu cuno.

Waftiga ka Qayb gelaya wada hadalka:-

Mar laga hadlayo wufuuda ka qayb gelaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaa loo baahan yahay in shaqsiyaadka ka mid noqonaya waftiyadaas ay buuxiyaan shuuro badan ,kuwa ugu muhiimsana waxaa lagu soo koobi karaa:-

  1. Waa in ay noqdaan shaqsiyaad fahansan miisaanka arinta ay ka wada hadlayaan,”—waa Gobanimo–waa masiir Ummaddeed— waa mustaqbal Ummaddeed— waa Qarannimo—waa Dowladnimo-waa xuduudo bad,beri iyo cirba leh—waa Shuuruc Caalamai ah iyo mid maxali ahba-waa Siyaasad iwm.
  2. Waa in ay yihiin shaqsiyaad aan u shaqayney,xidhiidhna la lahayn Dowlado gaar ah,Ururo gaar ah, iyo mabaadi gaar ah midna.
  3. Waa in ay yihiin shaqsiyaad si fiican u yaqaana Taariikhda labada Ummaddood ee ay ka kala socdaan, “Taariikhdiii hore—Taariikhdii dhex iyo Taariikhda cusub.(maxay ku kala duwan yihiin ,maxay iskaga mid yihiiniwm)
  4. Waa in ay yihiin shaqsiyaad fahansan qaladaadkii hore u dhacay,sababihii keenay iyo sidii aanay mar labaad u dhici lahayn.
  5. Shaqsiyaadka ka mid noqonaya waftiyadaas,waa in ay isugu jiraan ragg aqoon fiican u leh Diinta—dhaqanka iyo Xuquuqda insaanka(Shuruucda Caalamiga ah), xaalada Siyaasadeed dunida maanta ka jirta ,gaar ahaan Siyaasada Geeska Africa.
  6. Waa in ay yihiin shaqsiyaad aan colaad gaar ah,cadowtinimo iyo aar goosi midna aanu ka muuqan.
  7. Waa in ay yihiin shaqsiyaad Bulshada ay ka wakiilka yihiin taqaano, magac ku dhex leh ,ku qanacsan yihiin ,in ay ka soo bixi karaan howsha loo igmaday.
  8. Waa in ay yihiin shaqsiyaad aqoon durugsan u leh,cida ay wada hadlayaan,dhaqan ahaan,degaan ahaan iyo guud ahaan sida ay u fekerayaan.(kuwa Somaliland –waa in ay aqoon fiican u leeyihiin Soomaaliya—kuwa Soomaaliya ka imanayaana waa in ay aqoon fiican u leeyihiin Somaliland).
  9. Shaqsiyaadka ka qayb gelaya wada hadalka waa in ay noqdaan shaqsiyaad aan lagu aqoon isbedbedel—isrog rog – Diimeed,Siyaasadeed ,dhaqan .iyo dabeecadeed midna,si aan si howl yar looga leexin howshii loo igmaday.
  10. Waa in ay yihiin shaqsiyaad waayo aragnimo badan u leh wada hadalada noocan oo kale ag,hore uga soo qayb qaatay wada hadalo noocan oo kale ah,hore uga soo qayb qaatay wada hadalo Diblamaasiyadeen oo miisan intan leeg amase u dhigma leh.
  11. Waa in ay yihiin shaqsiyaad rog rogi kara wada hadala,Af tahamiin ah,yaqaana maahmaaha soomaalida, hal ku dhegyada Soomaalida,Gabayada Soomaalida iyo hadaladii waxgaradkii hore ee Soomaaliyeed.
  12. Ugu dambayntii waa in ay yihiin shaqsiyaad gaadhi kara go,aano lagu diirsado,lagu farxo,lagu nabdoo lagu negaado, labada shacab (Somaliland iyo Soomaaliyana),u horseedi kara nabad gelyo iyo naruuro waarta.

Qaybtan waxaan ku soo koobayaa “ Nin ka mid ah Siyaasiyiinta ugu magaca dheer Soomaaliya ayaa waxaa la weydiiyey —Maxay kula duwan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya ?—wuxuu ku jawaabay –midna Talyaaniga ayaa Gumaystay—-midna Ingiriiska ayaa gumaystay!!!.

Shaqsiyaadka Ku haboon in ay Somaliland uga qayb galaan wada hadalka:-

Qayntii 7aad ee hore waxaan idiinku soo bandhigay 11kii qodob ee aan sheegay in looga baahan yahay in ay buuxiyaan shaqsiyaadka la doonayo in ay ka qayb galaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Haddaba markaan dhinac walba ka eegay shaqsiyaadka aan isleeyahay waxay ku haboonaayeen in ay Somaliland uga qayb galaan wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland waxaa laga soo dhex xuli karaa shaqsiyaadka magacyadoodu liiskan hoose ku qoran yihiin ,waa sida ay aniga ila tahay:-

  1. Xaaji Cabdi Waraabe(Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Somaliland)
  2. Prof /Mj.C/Salan Yaasiin(Gudoomiyiih hore Jamacada Burco).
  3. Prof Saleebaan Cawar (Gudoomiyaha Jamacada Amuud).
  4. Prof. Bulxan (Gudoomiyii Hore Jamacada Hargeysa)
  5. MJ.C/raxman Aw cali (Madax weyne ku xigeenkii hore Somaliland)
  6. Mj. Xasan Ciise Jaamaca(Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland)
  7. Md/Amb. Awil Ducalle (Wasiirkii Hore ee Maaliyada Somaliland)
  8. Md.Maxamed Xaashi ( Wasiirkii Hore ee Maaliyada Somaliland)
  9. Md. Maxamed Saciid Gees – Gudoomiyaha-( Academy for peace and Development-Hargeysa,Wasiirkii hore Wasaarada Arimha Dibada Somaliland.
  10. Md. Fuaad adan cade (Wasiir Hore Somaliland )
  11. Md. Cali Sandulle- Wasiir hore — Gudoomiye Ku.Xigeenka Urur Siyaasadeedka XAQSOON.
  12. Dr.Gaboose .Wasiirkii Hore ee Arimaha Guddaha.
  13. Faysal Cali Waraabe (Gudoomiyaha Xisbiga UCID)
  14. Md. Boobe Yusuf Ducaalle ( Wasiirka Warfaafinta Somaliland xilligan)
  15. Md. Cabdiqaadir Jirde(Gudoomiye ku. Xigeenkii hore Golaha wakiilad Somaliland).
  16. Marwo .Adna Adaan (wasiirkii Hore Arimaha Dibada Soamaliland).
  17. Md. Adan Muuse Jibriik ( Wakiilkii hore ee Somaliland Uk).
  18. Wasiirka Arimaha Dibada ee xilligan waxaa odhan lahaa ,wuxuu ku haboon yahay in uu noqdo (Xoghaynta waftiga Somaliland uga qayb gelaya wada hadalka soomaaliya.

Hadal iyo dhamaan waan hubaa in aanay halkan ku dhamayn aqoon yahankii/Siyaasigii iyo waxgaradkii reer Somaliland,balse waxaan halkan idinku soo qoray shaqsiyaad aan isleeyahay, guul weyn ayey ka soo hoyn lahaayeen wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,marka laysku daro aqoontooda,waayo aragnimadooda iyo sida ay Somaliland ugu daacada  ugu yihiin.

 Aqoonta aad u leedahay shaqsiyaadka aad wada hadlaysaan:-

Waa muhiim in aad aqoon fiican u leedahay  shaqsiyaadka ka socda cida wada hadalku idin dhexmarayo.Arimaha loo baahan yahay in aad wax ka ogaato inta aadan wada hadalka tegin waxaa ka mid ah,sida aqoonta ay u leeyihiin Somaliland,sida ay u fahansan yihiin taariikhda Somaliland iyo Soomaaliya sidii ay isu yimaadeen,mudadii ay Siyaasada ku jireen.miisaanka Siyaasadeed ee ay ku leeyihiin Shacabka ay ka socdaan,Dowlada ay ka socdaan iwm.
 Haddii aad aqoon fiican isu leedihiin waxaa inta badan dhib yaraanaya isla rogrogista arinta aad ka wada hadlaysaan,waxaa  sahlan in aad si  fudud isula fahantaan arimaha aad ka wada hadlaysaan,waxaa dhibyaraanaysa in aad wada gaadhi kartaan heshiis buuxa.
Haddiise ayadan aqoon fiican u  isu lahayn waxaa mar kasta  adag isfahankiina  iyo fududaanta wada hadalka idin dhex maraya.

Daraasado  dhamaystiran oo laysula yimaado:-
Marka laga hadlayo daraasad buuxda ,waxaa muhiim ah in dhowr arimood hore daraasad  buuxa hore loogu  sii sameeyo ,waxaa ka mid ah:-

  1. Waa in ay jirtaa  Cilmi baadhis buuxda  oo lagu sameeyo wixii faaiido iyo qasaare lagala kulmay Midowgu Somaliland iyo Soomaaliya ee 1960.
  2.  
  3. Waa in ay jiraan wax  la taaban karo oo qolo waliba soo daliishanayso/markhaati ka dhigaynayso  sida Film—Suugaan–Daraasado lagu kalsoonaan karo IWM
  4. Dad goob joogayaal ahaa kana markhaati kacaya wixii dhacay,haddii loo baahdana  la horkeeni karo  Gudiyada wada hadlaya .
  5. Waxaa  fiican in  haddii la heli karo aad sii xuuraanto,xogagaal u sii ahaato mowqifka ay taagan yihiin Dowlada aad wada hadlaysaan,waxaa fiican in  aad xog ka sii hayso qoodobada  adag iyo ku sahlan ee ay wataan Dowlada aad wada hadlaysaan  si ay kuugu dhib yaraato in aad u sii tabaabushaysato,oo aanay hadhow naxdin kuugu noqon.

Waajibaadka:-
Waajibaadka ku saran waxaa loola jeedaa masuuliyadii  ay kuu soo dhiibeen Shacabka aad wakiilka ka tahay,Dowlada aad ka tirsan tahay iyo Shuruucda wadan ka aad ka socoto.Inta badan Waajibaadka waxaa ku soo siinaya Dowlada aad ka wakiilka tahay   oo  iyaduna ka sii wakiil ah Shacabkii iyo Shuruucdii wadanka.Waxaa ka mid ah waajibaadkaaga in go,aanka aad gaadhaysaa uu noqdon  mid raali geliya Dowlada –Shacabka iyo Shuruucdii aad ka wakiilka ahayd, waa in aad ogsoon tahay miisaanka iyo mudnaanta ay leedahay  wada hadaladan aad ka qayb qaadanaysaa.
Shaqsiyaadka isbedelka badan looma dirto wada hadalada:-

Shaqsiyaadka  isbedelka badan waxaa loola jeedaa  shaqsiyaadka Siyaasadooduna aanay lahayn meel loogu soo hagaago–aan lahayn Siyaasad  degan—Shaqsiga marba Maamul ku biira—Shaqsiga marba Xisbi ku biira  iwm.
Runtii shaqsiyaadka noocaas ahi waxay aad iyo aad  halis ugu yihiin in  aanay gudanin howshii shacabku u igmaday,waxay halis u yihiin in si dhib yar loola heshiiyo.
Ugu dambayntiina  way dhib yar tahay in XIL IYO XOOLO  mid uun loo balan qaado oo ay ka mid noqdaan  amase raacaanba  kuwa kaa soo horjeeda .

Runtii dad  aan sidaa u badaneyn ayaa ka soo jawaabay suaasha ah-
“SOMALILAND IYO SOOMAALIYA MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN” ?
Fadlan bal mar kale isku daya in aad jawaab buuxda  u heshaan suaashaas,haddii aad garato jawaabta ,markaas waxaa kuu dhib yaraaneysa in aad fahanto waxa Somaliland iyo Soomaaliya isku hayaan iyo sidii ay kala bixi lahaayeen.

Tanaasulka (Compromise) :-

Isu tanaaulka waxaa loola jeedaa isfahan dhex mara labada garab ee wada hadlaya,waxaa loola jeedaa in go,aan laga gaadho  qodobada lagu kal duwan yahay,waxaa loola jeedaa in ay  isu soo  debcaan labadii garab,dhinac isaga riixaan wixii ay ku kala duwan yihiin.

Qaybtan aynu kaga hadlayno “isu tanaasulka “,waa qaybta ugu adag wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waa qodobada keeni kara in la heshiiyo iyo in  lagu kala kaco wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,  waa meelaha loo baahan yahay in aad iyo aad looga taxadiro,waa  meelaha u baahan in ay  rogrogaan  shaqsiyaad  aqoon iyo waayo aragnimo fiican u leh Siyaasada Soomaaliya iyo tan  Geeska Africa,waa qoodobada aad guul waarta  kula soo noqon karto shacabkii  ku dirtay amase guul daro aanad ka soo waaqsan.

Qodobkan tanasulku waa furaha is afgarashada  labadii dhinac ee wada hadlayey, haddii uu tanaasul yimaadana  qodobka ku xigaa waa in aynu heshiis  rasmi ah kala saxeexano,halkaasna waxaa ku dhamaanaya dhamaan wixii la kala tirsanayey,la kala tabanayey,kala haystay iyo dhamaanba xurgufihii jiray.

Qodabada tanaasulkoodu aad u adag yihiin waxaa ka mid ah:-

  1. “Gooni isu taaga Somaliland waa muqadis  iyo Midnimada Soomaaliya waa muqadis”—labadan keebaa laga tanaasulayaa, ma Somaliland baa tanaasulaysa mise Soomaaliya ?
  2. Wixii dhib soo kala maray Somaliland iyo soomaaliya  1960 ilaa 1991 sidee looga wada hadlayaa,yaa ka bixinaya garowsho ma shicibka mise  Dowladaha hadda jira ?
  3. Federaalka maxaa loola jeedaa  ma Somaliland iyo Soomaaliya ayaa federal nooqonaya mise Koofurta Gaalkacayo iyo Woqooyiga Gaalkacayo ?,Jowhar iyo Marka,Bedelweyn iyo Dhuusa-ma reeb iwm
  4. Ma Somaliland  iyo Soomaaliya ayaa wax loo qayb sanayaa mise 4.5  amase 5 ?
  5. Astaamaha Qarannimo  sida  “ Dowladnimada – Shuruucda- Jinsiyada   – iyo dhamaan astaamaha ay leeyihiin laamaha Dowladu, suaashu waxay tahay ma waxa la qaadanayaa Astaanta Somaaliya  mise Astaanta Somaliland  ?
  6. Gobolada dalka ,misa gobol ayuu dalku noqonayaa ,xagee   Caasimad u noqonaysa,shuruucda Caasimada,markaa Somaliland ma 6 gobol bay noqonaysaa mise  2 Gobol iwm ?
  7. Hayadaha sharciga sida  Baarlamaanka iyo Maxkamadaha  sidee loo qaybsanayaa ma Somaliland iyo Soomaaliya mise si ka duwan ?
  8. Awooda  Dowlada –Madaxweynaha –Ku xigeenka—Gudoomiyaha Baarlamaanka –Maxkamadaha— Ciidamada— Wasaaradaha muhiimka ah side loo kala qaadanayaa  ma Somaliland iyo Soomaaliya mise si kale oo ka duwan ?
  9. Mashaariicda horumarinta side loo qaybsanayaa ?

Intaas oo qodob iyo runtii qaar kale oo badani waxay u baahan yihiin  shaqsiyaad aqoon dheer u leh sidii loo rogrogi lahaa,waxaa aad iyo aad u adag sida tanaasul looga samayn karo , waana  qodobada   ugu adag wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 Hadal iyo dhamaan dad badan  ayaa qaba in ay  fudud yihiin wada hadalada dhexmari doona Somaliland iyo Soomaaliya,dad badan ayaa qaba in ay si fudud ku dhamaan doonaan,dad badan ayaa aaminsan in aanay  muhiimba ahayn qodobadan aan ka hadlayaa,qaar waxay  rumaysan yihiin haddii Soomaaliya hagaagto in Somaliland si dhaqso ah ugu soo biiri doonto Soomaalida kale –ILLAHAY ayuun baa og sida arimuhu ku dhamaan doonaan.

ALLAA   MAHAD    LEH

____________________________________________________________________________

Abdi M. Saleiman (Mingiste) | abdi_saleiman@hotmail.com  | Political Analyst

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 20, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.