Toronot – June 20, 2012 - Waxaa soo caga dhigtay gegida diyaaradaha ee Pearson International Airport ee magaalada Toronto diyaarad ay saarnaayeen Fanaaniinta caan ka ah ee Soomaaliyeed FANAAN SAYID KHALIIFA iyo FANAAN BASHIIR CALI XUSUUN iyagoo ka yimid magaalada London ee dalka Ingriiska, waxaa si heersare ah ugu soo dhaweeyay gegida diyaada qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee Toronto oo ay hogaamineysay Hooyada Fanka Maama Khadiija Cabdulaahi Cali DALEYS.
Kadib markii ay kasoo degeen gegida diyaaradaha ee magaalada Toronto waxaa qado sharaf soo dhaweyn ah loogu sameeyay maqaayada Daba Gooye ee ku taalo magaalada Toronto.
Booqashada fanaaniintan ayaa ka danbeysay xili ay jaaliyada reer Toronto diyaar u yihiin Bandhig Fanadeed ay fanaaniintan ku dhigi doonaan magaalada Toronto dabayaaqada bishan June.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
waxaan sug naaba waaa june-30-2012 saturday night @ forum banquet hall 1771 albion rd 10:00 pm till 4:00 am thanks thanks thanks