Tartan raashin karin ah oo lagu qabtay Holland & Soomaalida oo gashay kaalinta 1-aad (SAWIRRO)

Tartan raashin-karin ah  oo lagu qabtay Holland & Soomaalida oo gashay…..(Sawirro)

Ermelo, 20,06,2012

Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Ermelo ee gobolka Gelderland,  ayaa ka qeybgashay maanta tartan cunta karis ah oo magaaladaasi lagu qabto sanad kasta, ayna ka soo qeybgalaan jinsiyado kala duwan oo ku dhaqan magaaladaasi, waxaana tartanka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Pinel  dalalkii ka soo qeybgalay ka mid ahaa Soomaali, Ciraaqi, Kurdi, Iiraani, Turki & Armenia.

Tartanka waxaa lagu soo bandhigay noocyadda kala duwan ee cuntada  dalalkaasi ay isticmaalaan & habka cuntadaasi loo kariyo, waxaana Soomaalida ugu qeybgalay tartankaasi gabdhaha Soomaaliyeed ee degan Ermelo, oo xaflada ku soo bandhigay habka cunta karinta Soomaalida & noocyada cuntadda ah ee Soomaalidu isticmaalaan, waxaana dadkii ka soo qeybgalay ay aad uga  maqsuudeen cuntada Soomaalida.

Tartankan ayey Soomaalidu ka gashay kaalinta 1-aad, waxaana gabdhihii Soomaaliyeed ee soo agaasimay la guddoonsiiyey abaalmarino loogu talogalay dadka tartankaasi ku guuleysta.

Ayeeyo Faadumo Dhiblaawe oo magaaladaasi deganeyd muddo ku dhow 20 sano, kana hadashay madasha ayaa sheegtay in Soomaalidu ay yihiin dad ku faana dhaqankooda, haddana ku dhiiran kara in ay la qeybsadaan ajnabiga & dadka waddanka u dhashay in ay tusaan hidaha & dhaqanka Soomaalida.

C/qaadir Cali Nuune (Zwolle) oo ah ganacsade caan ka ah waddanka Holland, oo dukaan weyn ku leh magaalada Zwolla, oo kulankaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey sida ay Soomaalidu ku helaan cunooyinka ay isticmaalaan, wuxuuna tilmaamay in isagu uu ka mid yahay dadka u fududeeyey  Soomaalida in ay helaan raashinkii ay dalkooda ku cuni jireen, maadaama uu dukaan lagu iibiyo cunooyinka Soomaalida uga furan yahay magaalada Zwolla.

“Waxaan halkan lagu soo bandhigay qeyb yar oo ka mid ah raashinka daruuriga ah ee ay Soomaalidu isticmaasho, haddaan niraa waxaan halkan ku soo koobeynaa raashinka Soomaalidu quudato suurtagal ma ahan runtii, waayo raashinka keliya ee ka soo go’ dallaga beeraha Soomaalida halkan lagama heli karo, waxaana xusid mudan kheyraadka uu ILLAAHEY ku maneystay Soomaaliya in ay ka mid tahay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika” ayuu yiri C/qaadir Nuune.

Agaasimaha hay’adda Pinel Janny Vanwijk ayaa gabdhaha Soomaaliyeed uga mahadcelisay sida gaarka ah ee ay isaga xilsaareen in ay soo bandhigaan

“Waxaan ka codsaneynaa in Soomaalida ay magaalada nooga furaan dukaan lagu iibiyo zambuuska, maadaama kulligeen uu na qanciyey” ayey tiri Janny.

Xafladan dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Haashim Cali Suudi oo ah aqoonyahan Soomaali ah, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu arko gabdho Soomaaliyeed oo dad ajnabi ah tusaya sida ay Soomaalidu u tahay bulsho xadaari ah.

“Soomaaliya cuntadeeda oo keliya ma ahan mid macaan, ee hawadeeduna waa hawo aan la heli karin” ayuu yiri Haashim Cali Suudi.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 21, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login