Ronaldo oo Xulkiisa u soo Saaray Saaami Finaka Uero 2012mka dib Markii uu Gool Madaxa ah uu ka dhaliyay Czaach Republic….

Ronaldo oo Xulkiisa u soo Saaray Saaami Finaka Uero 2012mka dib Markii uu Gool Madaxa ah uu ka dhaliyay Czaach Republic….

Kabtanka Portuqal Xulka Portuqal ayaa Xaqiijiyay inay u soo Gudbeen Sami finalka Koobka Euro 2012 ka dib markii Ciyaar ay ku Gacan sareeyen ay 1-0 Ku Sagootiyeen Xulka Czach Republic oo Horay u soo reebay wareegii Hore Xulka Wax ka marti Galinayay Koobkaan ee Poland Is Aragii Guruubyada Gaar ahaan Guruubkii A.

Portuqal oo Waayo aragoodii Hore Daawanayay Ciyaartooda ayaa la waayay wax caabiya Weearada ay soo qaadayeen waxaana Dhowr jeer ay Halis Weyn Galiyeen Goolka Petr Cech uu Ilaalinayay.

qeybtii Hore qataro ayaa waxaa galiyay Goolka Czach Republic kabtan Ronaldo oo sitay Lambarka 7 iyo 17 Nani waxaan lagu kala Nastay 0-0.

isku soo Noqodkii qeybtii Danbe Xulka Portuqal hakii bay ka sii miiseen Weearkii ay ku hayeen Goolka Czach.Fursado ka lumay oo ay heleen Ciyaartoyda kala ah 17 Nani,7 Ronaldo,8 Moutinho ayaa Halis Galiyay Goolka Czach inta aanu dhalan Goolka Guusha daqiqiadii 79 waxaana Goolkaasi Madaxa ku duugay kabtan Ronaldo Goolkaasoo uu Hogaanka Gooldhalinta Wax Kaga qabtay isgoo hada Leh 3 Gool.

Ciyaartaan oo ay ku Gacan sareeyeen Portuqal ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay Ku Badiyeen Portuqal oo u Gudubtay Wareega sami finalka oo ay la ciyaari doonaan Xulalka Isbeyn vs Franca Tii soo badisa Sabtiga hadii alle idmo.

Waxa Diyariyay

___________________________________________________________________________

Axmed Maxamed Cabdulle ‘Uurdoox’ | uurdoox2011@hotmail.com

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on June 22, 2012. Filed under Ciyaaraha, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.